June 30, 2011

Jawaab: Madax-taagii C/Raxmaan Awcali + Muluq-muluqdii Maxed Abgaal + Is-Muujintii Cilmi Kabaal………. Maxaa Laga korodhsaday?

Annigoo ka jawaabaaya maqaalka quruxda badan ee kor ku xusan, su’aashuna ku ladhan tahay, haddii aan soo koobo marka u horeysa Jibriil Yoonis waxay dalka ka soo ahaayeeen madaxweyne ku xigeen 1993 – 1997 C/ramaan Aw Cali, 1997 – 2003 Rayaale, 2003 – 2010 Rayaale Madaxweyne.

Guusha iyo guuldaradu waa mid la soo derista mar walba dadyowga ku nool dunida, laakiin waxa lagaga gudbaa isku duubni iyo wada tashi.

Haddii an ku dib ugu noqono maqaalkeena, anigu waxan aaminsanahay, Jibriir Yoonis isagoon isba waydiin wax wada tashi ahna aanan ka yeelan “Muxaafad iyo Mucaarad”  midka uu noqon doono ayuun buu u soo cararay halka iyo kursigii lagaga guulaystay.

Mid sax ah bay ahayd in dawlada la waydiiyo cadka reerka, laakiin waxay ahayd in marka hore laga soo tashado, oo la isweydiiyo waxa laga ficil qadan doono haddii ay ballantaasi wax ka socon waayaan.

Midna qalad bay ahayd oo sidii loo soo dhaweeyey Xirsi Tooriile iyo Dr. Gaboosena sax ma ahayn, dhaawac weyn bayna u geysatay reerka, beelihii aan walaalaha ahayna way ina colaysiisay (Makaahiil), wax faa’iido ahna lagama dheefin.

Midka sadexaad Jawharoow siyaasiyiinta aad is garab dhigtay ma sina ee ha is garab dhigin, hana isku dhererin;

C/raxmaan Aw Cali  Faarax waa nin Jibriir Yoonis ah oo dhabar ah, run ahaantiina waa nin jecel in Jibriir Yooonis wax wax noqdo, laakiin waxa jira rag badan oo daba jiidaaya. Raggaana waxan u sheegi doonaa Suldaanka cusub marka la si uu wax uga qabto.

Raga kale ee kor ku xusan Maxamed Jaamac Abgaal, waa siyaasi dhalinyar, somaaliduna wxay tidhaahdaa “nin yari intuu laan ka boodo ayuu tallo ka booda”.

Cilmi Kabaal wuxuu ahaa nin weyn oo dawladahana in badan la soo shaqeeyey, haddii ay tahay tii Soomaaliya iyo haddii ay tahay tan Somaliland-ba, run ahaantii waxan odhan karaa wuu fashilmay, isagaana ka dambeeyey in Jibriir Yoonis dhulka ku dhaco, wuxuu u ololeeyey in Rayaale laga guulaysto, wuxuu ka dambeeyey soo dhawyntii Xirsi iyo Gaboose ee reerku ku fashlmay.

Cilmi Kabaal waa in lala xisaabtaamaa, oo wax laga qabtaa, wuxuu horey iskugu cumaamaday Suldaanka reer Dudub, inkastoo anan reerku u dhanayn, kuna shaqaynin, kuna shaqayn Karin reerka dhexdiisa, waayo wuxuu ka dhex sameeyey intii uu taliyaha iyo ololihii doorashda ayaa la wada ogyahay.

Guntii iyo gabagabadii waxan ku soo gunaanadayaa Jibriir Yoonis wuu ku khasaaray arrinkaasi aan kor ku soo sheegnay, waan in lala xisaabtamaa cilmi kabaal iyo reerihii muluq-muluq laynaayey oo ay ugu horeeyaan reer Axamed, Maxamed Jaamacna markuu arkay reer Axamed oo muluqlyanaaya ayuu xagiisa isna bilaabay.

Waxanan ku soo gunaadanayaa in Jibriir Yoonis marka ay wax doonanayaan ay u doontaan si wadajir ah, marka ay wax diidayaan si wada jir ah hadii kela waxa soo baxaaya ka yaac iyo muluqmuluqnayn.

Faarac Qayaad Wacays Cadceed  - Boorama

Login