June 30, 2011

Faallo: Soo Dhaweynta Xad Dhaafka ah ee Madaxweyne Daahir Rayaale Iyo Ka Hadal La’aanta Siyaasiinta Reer Awdal ee SNM U Xidhan, Waxay Astaan U Tahay Khalkhalka Siyaasadeed ee Ku Habsaday Habar Samaroon.

Sida ka muuqaqta video-yada laga soo duubay socdaalka madaxweynihii hore ee Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin ku yimid magaalada Boorama, waxad arkaysaa dadweyne tiro badan oo caleemo qoyan lulaya, sacab iyo durmaanna tumaya, iyaga oo ku dhawaaqaya “Waa Daacadoo, Waa Loo Dhashaa”. Dadkan ayaa sida ka muuqata soo dhaweyntoodu  xambaarsan tahay xamaasad iyo ficil hoose oo sida la sheegay jawaab u ah sidii foosha xumayd ee xukuumadda Siilaanyo ka yeeshay imimaatinkii Daahir Rayaale ee magaalada  Hargeysa.

Sidoo kale ayaa waa hore si xaddhaaf ah loogu soo dhaweeyay magaalada Boorama Cabdiraxmaan Aw Cali Faraax, ka dib markii lagu soo xumeeyay, laguna soo bahdilay shirkii kulmiye ee ka dhacay magaalada Burco, kaas oo dhamaadkiisii lagu soo doortay Siilaanyo iyo cabdiraxmaan Saylici.

Labada siyaasi (Daahir Rayaale iyo Cabdiraxmaan Aw Cali), ee sida fixcilka iyo xamaasadu ku dheehan tahay loogu soo dhaweeyay magaalada Boorama, ayaan midkoodna ka hadlin shucuurta, dareenka iyo waxyaabaha ay tabanayaan ee soo kiciyay kumaankunka qof ee bacadka iyo haraadka u adkaystay, soona dhaweeyay marka laga reebo hadalo mahadnaq guud ah, oo aan ka fogeen “Hadal tire Iyo Afgobaadsi”, iyaga oo u habranaya dareenka beelaha dhexe ee soo xumeeyay.

Taasina waxa laga dheehan karaa faraqa u dheexe siyaasiga reer Awdal ee ay baqdinta iyo habrashadu dishootay, isla markaana siyaasada u arka dariiq gaaban (shortcut) lagu daboolo baahidooda dhaqaale iyo shacabka reer Awdal/Salel ee haraadka u qaba inay iska dhiciyaan, ka jawaabaan daandaansiga iyo yaraysiga beelaha dhexe ee Somaliland isa siiyay.

Dhinaca kale Siyaasiinta iyo hogaamiyayaasha beelaha dhexe, ayaa  iyagu u dhaqma siyaabo ka duwan kuwa reer Awdal/Salel iyo beelaha kale ee darifyada, waxayna ahmiyadda ugu weyn saaraan horumarka iyo waxtarka beelahooda, iyaga oo danahooda shakhsina aan ka tegeen. Taasina waa ta siyaasiinta iyo shacabka reer Awdal/salel aanay wali fahmin sidii la siku waafajin lahaa.

Sidoo kale, ayaa isu soo baxa lagu soo dhaweynayo siyaasiinta ay soo bahdilaan beelaha dhexe ku koobnayn beelaha Makaahiil ee ay lababa siyaasi ee aan kor ku xusnay ka soo jeedaan.

Cabdiraxmaan Saylici iyo wasiirada yar yar ee maanta xukuumada Siilaanyo adeegsato, kana soo jeeda Awdal/Salel, ayaa markasta oo ay Boorama yimaadaan lagu soo dhaweeyaa xamaasad beelaysan oo ka duulaysa ismuujin iyo ku xumayn beelaha kale ee walaalahooda ah iyo istus ku wajahan raga majaraha u haya xukuumada Siilaanyo.

Geesta kale, waxa la yaable waxan oo ficil, dareen iyo xamaasad ah waxa loogu muujin waayay siyaasinta dhalinta yar ee u xidhan dhadhaqaaqa SNM ee labadii usbuuc ee u dambaysayba ku caaryoobay jeelka Boorama.

 Siyaasiintan. ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii ay ka hadleen taariikhda SNM ee ardayda iyo shacabka Reer Awdal/Salel sanka laga marmarinyo. Waxa kale oo ay siyaasiintani deedifeeyeen in taariikhda SNM oo beelaha dhexe u gaar ah loo dhigo ardayda iskuulada Awdal/Sale, isla markaana imtixaan lagaga qaado taariikhdii “Koodbuur” IWM.

Tan iyo sidii loo xidhay siyaasiintan dhalin yarada ah ee soo kacaya, ma jirto cid xadhigooda ka hadalaysa gudo iyo dibedba ama dan iyo muraadba kale. Xataa saxaafada gobolka ee waxay qorto ama ka hadasho la’ , ayaan soo hadal qaadin.

Si kasta ha ahaatee, ficilka iyo dhoolo tuska xaddhaafka ah ee loo samaynayo siyaasiinta danaystayaasha ah een ka warqabin waayaha iyo baahida dadkooda iyo dafiraada ruux kasta oo u dagaalama ama ka hadla xuquuda iyo tabashooyinka shacabka reer Awdal/Salel, ayaan ahayn mid la is barbar dhigi karo, waxanay ka turjumaysaa wacyiga siyaasadeed ee ka jira gobolada Awdal/Salel oo ah mid aad u liita, isla markaana ay soo wajahday khalkhal iyo jaahwareer aan ilaa hada la fahmin sidii looga bixi lahaa.

Harowo.com, Boorama  

Login