June 30, 2011

Ciidagakow Qodabadii Horeba Laguma Heshiine, Waa Maxay Hadafkiinu, Danta Caamka ah ee Reerkuna Maaha Afar Goroda is Galiyay oo Hoos Wax Isu Tusay…!!!

Marka hore waxaan salaanta Islaamka aan ku salaamayaa dhamaan ummada Somaliyeed marka xiga waxaan si gaara u salaamayaa mushtamaca reer Somaliland dhamaantood waxaanan u rajeynayaa nabad iyo degenaasho aada. Mudooyin badan ayaan arkayey oon maqlayey shir beeleed iyo kulamo badan oo beelaha reer Somaliland ay yeeshaan sidan oo kale ee maanta xubno beesha Ciidagale ahi ay isuggu yimadeen shirkaa ay ku kulmeen balse ay u bixiyeen Kulanka Ciidagle.

Yaalaaba inta badan shirarka qabashadadoodu way u sahlantay mushtamaca Somaliyeed guud ahaan ba Alleh waa u sahlaa lakiin ma jiro wax dhaxal gala oo ay ka gaadhaan shirarkooda waxana taas ka markhaati ah xal u helid la‘aanta mushkiladaha ka haysta guud ahaan nolosha iyo xasilooni darada ku gadaaman ee had iyo goor ku lidka ah horru markooda iyo mushtamac ahaantoodaba.

Shirkan maanta reerkaa Ciidagle yeeshayna kama duwana shirerkaa magaca uun ah een guusha laga gaadhin waxana taa kuu cadaynaysa in shirku ahaa mid hoosta ka madhan oo madhaleysa durba waxa shaashadaha ka muuqda khilaaf iyo iska daba kac iyo is burin cad oo ilaa madax dhaqameedkoodi ah.Sidaa daraadeed waxa uu shirkaasi ahaa uun kuwii hore ee somalidu isugu iman jirtay een guusha laga gaadhi jirin is hiifka iyo isxaqirka mooyee.Bulshadani waxa ay muddo badan ku kala qaybsanayd in ay dan caama oo ka dhexaysa ay si u wada arkaan waxana inta badan sababa arrimahaa sida tan hoos ku xusan.

Sababaha Guuldarada Shirarka Sababa Guud Ahaan:

1). Yaalabaa shirka Somalidu waa mid aan lahayn Aganda cad oo si hufan loo naaqishay si qoto dheer lenna aan sameyntiiisa loo dersin inta badana waxa uu ku salleysan yahay caadifad dhow oo budladuulnimo hageyso kana unkama baratan ay la beretabayaan beel kale oo lafteedu aanay jirin wax ay dhaantaa oo laggaba yaabo in ay kaba mushkilad iyo baahi badantahay waana arrin jirta oo hadii aad u kuurgashaan aad soo xaqiijin kartaan jiritaankeeda kadibna aydun iigu marag furi doontaan.

Halka ay ahayd in ay ka wada hadlaan danta caamka ah ee ay leeyiin bulsho ahaan oo ay weliba bulshada ay danteeda ka hadlayaan ay tahay ay tahay at loo badan yahay ee xoolo dhaqatada ah ee ku sugan deegaamada balaadhan ee bulshadu degto maaha in ay ka hadlaan afar ku adeegta magaca guud ee bulshada kuwaas oo fuliya danaha cida maamulka dawlada haysa markaa oo iyana ah uun dan gaara oo ashkaash gaari midhaheeda leeday iyo xaalado aan dan u ahayn.

2). Waxa shirarka ku kulma oo ku hirdama xubno waxaan la garanayn kala jiidanaya oo inta badan ay hagayaan dano gaara oon bulshadaa ay ka hadlayaan aan dan u ahayn lagana yaabo in ay wax yeelo uun sii gaadhsiiyaan bulshadaa dhibka caami haysto.Sida badan waxa dhaca in waayadan danbe ay dhaqamadii bulshada ay ku soo kordheen dhaqano ay ku magacaabaan siyaasad balse aan ahayn siyaasad intijaah leh oo u adeegta ummada balse u adeegta shakhsiyaad dano gaara leh.

Marka shir weyne ay bulsho iclaansato ee ay danaheeda ka hadlayso waxa fiican oo maamuus iyo sharafiba ay ku jirtaa in si guud oo talo weddaag leh loo diyaariyo shirkaa loona baahiyo mushtamaha wargalintiisa si looga gaadho natiijo wax ku oola loona helo maskaxo badan, lakiin inta badan waxa dhaca in ay in yari isu yeedhato oo lagaba yaabo in aanay dadkii arrintani khuseysay aanay wada ogaan lagana siinin talada oo ay inta badan ay kaba hadlaan wax aan danaha daruuriga ah ahayn ee ay markaa bulshadaasi u ildarran yiin aan ahayn.

Waxana taa kaaga marag ah ma jirto bulshadeena bulsho ka mida oo intay shirtay tidhi bal aynu biyaha Alleh ina siiyo ee raxmadiisa ah aynu qabsano oo aynu inaga iyo xoolaheenuba aynu ka badbaadno haraadka iyo biyo la’aantan ilaa daayin abid ina haysey ma jirto caqliyadaa fiican cid isugu timi.

Waxa kale oo ay guul ka gaadhi lahayeen dhibaatooyin ka faraha badan ee haya ee ay ka midka yiin dawo la‘aanta iyo xarumo cafimaad la‘aanta ka jirta deegaamadooda balaadhan ee ay ku dhaqan yiin ee dumarkoodu ay badhkood isku go‘ayaan marka fooshu qabto ama cudurada kale ee sahlan ay ugu ildaranyiin.Waxa ay guul ka gaadhi lahayeen nidaamadan dawlada ee shakhsiyaadka tirsani ay danta gaara ku qabaan ee bulsho ahaan ay ka daryeelka la’ayiin ileyn ceela waay u qodaa dawladuye.

Waxa ay guul ka gaadhi lahayeen afarta tidhaa waanu matalaa ee maamul kasta hoos taagan ee danta u gaara u xaydan baahida mushtamacana dedeysa ee garbinta iyo xaqiraada ku wada.Waxa ay guul ka gaadhi lahayeen 43-toole ee laba-labada dergedood ah oo waxa ay midayn lahayeen filiqsanaanta bulshada si loo daboolo baahiyo badan oo kalifay mushkilado tiro badan oo ay dheeryiin ummadaha kale ee kula dhaqan degamada Jsl.

Tallo Guud.

Waxaan talo ahaan aan ku soo jeedinayaa cida shirka qabanaysa in ay noqdaan kuwo matali kara ummada ay ka hadlayaan fahamsana waxa ay ka hadlayaan ee u baahan in laga wada hadlo lagana tashado kadibna sida ugu fiican loo xaliyo wixii mushkilada ee jira sida ay u kala horeeyaana loo xaliyo, balse maaha in dadkaa shirayaa ee danta caama ka shiraya aanay haysanin kalsoonida ummada ay magacooda xanbaarsan yiin inta badana raga waxa dhacda in ay shirarka qabtaan rag aan ahayn kuwa dhibka laga shirayaa aanu haynin oo roodhidoodu ay miiska u saarantay ama baahidaa mushtamacu qabo aan laba dariimi karin.

Balse hadana shirka kasta oo bulshadaa lagaga hadlayo danteeda kuwaa aan mushkilada ummada aan ogeyn baana inta badan hor boodaya oo sargoynaya kana hadlaya arrimo geed sare waabnimo ah sida shirkan go’aamada aan cidina dhegaysanayn soo saaray  ee ka sheekaynaya samadaa madow waana halka inta badan ay iska qabsan la’aday waxa taas ka maraga kulamadiina inta badan waxa miiska idiin fadhiista inta markaa jeebka wax ku haysa ama xilka dawlada jirta ka mida, kuwaasina maaha kuwo la odhan karo caqliyan ama maskaxiyan way ka mudan yiin kuwa baahan ee hayla xun ee dhibtu hayso.

Waxaba ay u badan tahay in kaa haylaha xumi uu yahay ka ugu caqliga iyo talada fiican waxa se ku gudban kii maryaha cadaa ee aan lahayn rayiga fiican iyo daacadnimada loo baahan yahay ee ummadan wax lagaga qaban lahaa baahideeda markaa waa in dhaqankaa xun la bedelaa waana nidaam aan guusha lagu gaadhi karin waana in ay shirka hagaan dadka baahida dhabta ahi taabatay ee garanaya ama dareemaya waxa dantooda ama dawadoodu tahay kuwaasaana xalka iyo taladeedana heli kara.

Waxa jira kuwo u adeega nidaamka dawladeed ee ka jira wadanka oo aan xanbaarsanayn wax daacadnimo la yidhaa balse xanbaarsan waxa loo yaqaan kala gur iyo majara habaabin iyo balamo madhan oo lagu qarqarsiyaya ummadaa baahida soo jireenka ahi lafa jabisay.

Hadaba Ciidaglalow waxaan idiin sheegayaa inta badan beeshu waxa ay ku caan baxday muqaalifo daro aada oo sababtay in mushkilado badan oo idiin gaara hadii aan tusaale u soo qaato mid bal Sallaxley oo magaalo ka d’a weyni aanay jirin ayaa noqotay mid aan wax ka dhaca mooyee aanay wax u kordhaa jirin oo weli ah labadii dergedood ee lagu bilaabay waana astaanta bulsho lagu qiimeeyo inta aad wakhtigan ka hadlaysaan dano kale tiinii bulsho ayaa dalow ka lulata ee waxa aad ku laabataan danta idiin gaara kadibna ta caamka ah u soo gacan baxa oo falanqeeya samadaa madow.

NOTE: Arrinta Biyaha ee ay ka hadleen ragaa shirka qabtay ee qodobada yar yar ka soo saaray waxaan u sheegayaa in ay iyagu isugu wacanyihiin biyo la’aanta ka haysata magaaladii loogu yimi ee ay ku soo dhaweeyeen bulshada inteeda kale.

Waxa aan u sheegayaa in biyaha ay ku filanyiin mushtamaca casimada dega balse ay jiraan mushkilado kalifaya a in biyo la’aata sameysay magaalada Hargeisa ay tahay mid ay kalifeen shakhsiyaad gaara oo ka ganacsada biyaha oo xanibay biyihii iyo qasabadihii waraabinayey magaalada hargeisa waxana ay inta badan ay maamulaan wakaalada biyaha inta badana waxa ay ku dedaalaan in ay laaluushaan wasiir kasta oo loo magaacaabo “Wasaarada Biyaha iyo Macdanta”.

Mudo dheerna way ku adeeganayeen in ay sidaa ku shaqaystaan iskana indho tiraan baahida shacbiga ku dhaqan caasimada JSL.Sidaa darteed waxaan kula talinayaa dhamaan mushtamaca biyo la’aantu ku hayso caasimadu in aanay ka laaban gacmaha oo ay shakhsiyaadkaa dhiig miiratada ah ee cid walba iska dhago tiray in bulshadu shaqo ka qabato si aad caruurtiina  iyo naftiinaba aad ugu heshaan biyo iyo nolosha inteeda aasaasiga ah.

Maxamed-Amiin Dahir Caynaanshe

Columbus, Ohio, USA

Email: amiincaynaashe@yahoo.com

Login