June 30, 2011
Baaqyada Ka Soo Baxay Shirkii Beesha Cidagale
Beesha Ciidagale waxa ay taageersan tahay ilaalinta nabadgelyada iyo midnimada Somaliland, sidoo kale waxay beeshu ka soo horjeeda dhamaan wax kasta oo khalkahl galinaya nabad galyada iyo xasiloonida geyiga Somaliland.
Sidoo kale waxay Beeshu ku talinaysaa in Tabashada Beesha Dhulbahante dawladu si mug leh wax uga qabto, gogol nabadeed lagu dhameeyo wixii la kala tabanayo. Beesha Ciidagale waxay ku baaqaysaa in la dhawro Nidaamka suuqa xorta ah sida ay dhigayaan dastuurka Somaliland iyo Shareecada Islaamkuba.
Iyada oo Beesha Ciidagale ka duulaysa Balanqaadyadii Madaxweyanah ee ahaa in uu dalka ku dhaqayo Cadaalad iyo sinaan, Waxay ay Beeshu si Mugweyn u saluugsan tahay Saami Qaybsiga Manaasiibta Dawladda, waxaanay Madaxweynaha ugu baaqayaan inuu Dib u eego saami qaybsiga Beelaha Somaliland ee Manaasiibta Sar sareee Dawlada.
Iyada oo la wada og yahay Dhibaatada iyo Xaalufinta lagu hayo deegaanka oo ah lafdhabarta nolosha. waxay Beesha Ciidagale u soo jeedinaysaa Xukuumada iyo dhamaan dadka Reer Somaliland in si degdeg ah wax llooga qabti dhibaatooyinka lagu hayo deegaankeena gebi ahaantiiba.
Iyada oo ay muwaadiniintu Somaliland xaq u leeyihiin inay si xora ugu nolaadaa uguna shaqaystaan magaalo kasta oo dalka ka mid ah, haddana waxa hubaal ah in magaalo kastaa leedahay dad asal ahaan deegaan u ah.
Sidaa daraadeed, waxaa magaalo kasta oo Somaliland ah iska soo sharaxi kara beelaha Asal ahaan deegaan u leh, sidaana waa in lagu cadeeyaa Xeerarka Doorashooyinka Deegaanka iyo kuwa Wakiiladda (Indigenous right).
Beesha Ciidagale waxay dawlada Somaliland ugu baaqaysaa inay biyaha la wada gaadhsiiyo Degmooyinka Caasimadu ka kooban tahay, mar Hadii biyihu ay yihiin laf dhabarta Nolosha qofka Banii aadamka ah.
