June 28, 2011
Xaqii Habar Cafaan, oo Muusafiin Markasta Wada Qaatay
Tan iyo wakhitigii dawlad ku sheega Soomaaliland lagu qasbay gobolda Awdal iyo Salal, ayaa waxaa had iyo jeer xilalka iyo shaqaalaha dawlad ku sheega ee la sii beesha Habar Cafaan ay marwalba noqdaan qaar ka soo jeeda Muusafiin. Hadaba, sida aynu wada ognahay markii Saylici noqday madaxwayne ku xigeen,isaga oo ka soojeeda beesha Maxadcase wuxuu si hufan wax ugu qaybiyay shaqooyinka reer kasta oo ka mida Maxamed Case.
Waxaa fuul xumo ah in xaqii habarcafaan wada lahayd uu muusafiin kaligii qaato haday tahay,wasiir, maayar,baarlamanka, golaha guurtida,iyo shaqooyinka kaleba. Beesha Muusafiin oo ku jirta dhoolatus siyaasadeed si ay madaxwayne ku xigeen uga noqdaan Somliland, ayaa ka danbaysa shirka xeego.
Shirkaas oo ay u jeedadiisu tahay in beesha Muusafiin isku sii balaadhiyo xilalka dawlad ku sheega Somaliland, beelaha kale ee Habar Cafaan yaan marnaba wax shaqooyin iyo xilal sare marna ka soo qaban dawlad ku sheega Somaliland.
Tusaale ahaan beesha Habar Yeesif oo ahayd aas aasayaashii habarfacaan , naftooda iyo maalkoodaba ku dhisijiray Habar Cafaan, uguna taanjirsanaa wakhtigaas, beeraha waawayn ee Boorama ku meegaarsana ay lahayeen beesha Habar Yeesif, ayayna marna beeshu maayar kanoqon magaalada Boorama, taasina waa waxaan sii socon doonin.
Habar Cafaan way u dhanaan dheefta laga helo dawlad ku sheega Somaliland ama waa lagu kala guuri. Shirka Xeego ka dhici doona ka soo baxayaana ma jiraan, ee waa reerkii Muusafiin oo raba madaxwayne kuxigeen, sidaa darteedna doonaya inuu dhoolatus been ah sameeyo.
Yeesif Samaroon
