June 28, 2011
Madax-taagii C/Raxmaan Awcali + Muluq-muluqdii Maxed Abgaal + Is-muujintii Cilmi Kabaal + Malo-maleyntii beesha J/Yonis(mucaarid mise muxaafid) + Madadaalintii Siilaanyo Maxaa Laga korodhsaday?



Waxay ahayd horaantii bishii January 2011 markii ay 15 xubnood oo siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda beeshii kursiga madaxweynanimo laga tuuray ay ku qamaameen qolka madaxtooyada, kadib markii laga qadiyay xilalkii uu xisbiga Kulmiye qeybinayey. Abaabulka iyo ambo-bixinta waxa lahaa C/raxmaan Awcali iyo Cilmi Kabaal oo iyagu daaha dabadiisa ka hagayey arimaha, hormuudka waftiguna wuxu ahaa Maxed Abgaal.
Xukuumada Siilaanyo waxa ka dhex-jira kooxo iyo shakhsiyaad had iyo jeer is-garbiya oo midba midka kale cir-bixintiisa ku mashquulsanyahay. kulankii odayada iyo madaxweynaha waxa lagu soo dhex-tuurey wasiirkii hore ee jeelasha Ismaaciil Aare si uu shaki u galiyo gooni-isku taaga beesha Jyonis isla markaana uu jagada wasiirnimo ee uu isagu hayo ugu qanciyo reerkan muxaafidnimada raadinaya ee mucaaradnimada garan-la’.
Waxa intaa dheerayd inuu m/waynaha u sheego in beeshani wax ku leedahay kursiga wasiirnimo ee uu isagu hayo. Arintani wasiirka xumaan kama ahayn ee wuxu u baqayay kursigiisa oo uu is yidhi Makaahiil hal wasiir wax kabadan looma ogolee madaxweynaha u muuji in kursigii Makaahiil uu maanta isagu ku fadhiyo, nimankanna uu isagu kaxeeyo si ay isku soo qanciyaan.
Dhanka kalana waxa wasiirka dabada ka riixayey C/raxman saylici oo xurguf siyaasadeed ka dhexaysay siyaasiyiinta beesha ee dayax-gacmeedkan madax-tooyada loo soo direy dhulka ka hagayey.
Si kastaba ha ahaatee waxay nimankii gaashaanka u daruureen wasiir ismaaciil iyagoo madaxweynaha ka codsaday inuu ninkani shaqadiisa ku tooso, tash-wiishkana kala dhex-baxo si ay m/weynaha iyo iyagu isugu kaliyeystaan. Markii waftigii Jyonis iyo wasiirka hadalku ka taag-taagmay waxa soo dhex-gay Xirsi tooriile oo wasiirka amar ku siiyey inuu hawshiisa ku tooso. Sidaasaa wasiirkii kabaha loogu galiyey oo duqii iyo wafitigii beeshu isku haleeleen.
Maadaama wajiyada meesha marayay ahaayeen qaar isku cusub marka laga reebo dhawr xubnood oo uu ka mid ahaa Maxamed Jaamac Abgaal waxa bilaambay istohoyasho, markii isbarashadii laga gudbay ayaa sidii caadada ahayd waxa hadalka bilaabay xubnihii socotada ahaa.
ibo-furkii dooda iyo dulucdii hadalkoodu wuxu ku bilowday manna-sheegasho iyo meehannow. Madaxweyne Anagu sidaad warkayaga ku heshay imikana aad ujeedo waxan nahay beeshii kursigan aad ku fadhido 8sano ku fadhiday ee maalintii komishanka doorashadu yidhaahdeen madaxweynihii waa laga codeeyeyna sida xaragada leh kursiga uga kacday. Anaguna waxan nahay odayadii inankooda ku qanciyey inuu arintaa u hogaansamo. Waxan filaynay maalinta aad kursiga ku fadhiisato inaad tix-galin gaar ah siin doonto beeshii uu kasoo jeeday madaxweynihii kaa horeeyey.
Laakiin Waxan ogaanay inuu reer barigu reer bariga uun yaqaan. Sidaa waxan uleenahay waxa weeye; Beesha Jibriir Yonis waa beeshii maalintii Somaliland burco lagaga dhawaaqay illaa laga soo gaadho maanta oo aad adigu kursiga ku fadhiisatay intii u dhexaysay dalkan dhismihiisa iyo taabo-galintiisa u taagnayd,haday dufaac tahay iyo haday dimuqraadiyad la hir-galiyo tahayba.
Intaa kadib siyaasiyiintii iyo wax-garadkii duulaanka ahaa waxay madaxweynaha u qadimeen dalabkoodii. Waxay diirka uga qaadeen tabashada ay qabaan. Waxay u iftiimiyeen sida uu madaxweynuhu xukuumadiisa uga qadiyey. Waxay u cadeeyeen inayna ku qanacsanayn saamiga uu golihiisa xukuumada uga qoondeeyey. Waxay waydiiyeen sida uu madaxweynuhu taliye boolis iyo hal agaasime oo kaliya ugu quudhay. Waxay ka dalbeen inuu wasiiro iyo agaasimayaalba siiyo. Duqeyda iyo siyaasiyiinta daaha-dabadiisa laga hagayey oo marka horaba ahaa xul cod kar ah ayaa si wacan odeyga warkooda u deeqsiiyey dacwadoodiina si hufan usoo bandhigay. Hadal murti leh iyo hilib miid leh midna laguma margato.
Daah-furkii hadalka iyo dulucdiisiiba markii ay is-raaciyeen, waxa hadalka qaatey Madaxweyne Siilaanyo oo kubadda xagiisa loo laagay. Duqu isagoo dhoolla cadaynaya nin wax-garowsadayna wajigiisu u muuqdo ayuu hadalka bilaabay. Wuxu ku bilaabay horta aad iyo aad baan idiin soo dhaweynayaa, xaq-baad u leedihiin inaad tabashadiina sheegataan, diyaarbaan idiin ahay, dartiinbaan maanta uga oolay safarkii aan u baxayay, tabashadiinuna waa mid garowshiiyo leh.
Hadalkii mweynuhu halkaasuu afka saarey, garowshiiyo badan baa ka muuqday, jawaabihiisa oo dhamina waxay ahaayeen kuwo togan. Wuxu laydhka cagaaran u shiday tabashadii ay beeshu ula timid. M/weynuhu wuxu waftigii beesha ka balan qaaday inuu wafti gaar ah usoo diri doono,si labada dhinac ay uyeeshaan wada shaqeyn dhaba oo ayna cidiba u dhexayn iyaga iyo xukuumada, xilal ay ku qancaanna ay dhawaan beeshu ka heli doonto xukuumadiisa.
8 April 2011 waxa Borama soo gaadhay wasiirka arimaha gudaha Maxed Cabdi Gaboose iyo Cheif cabinet-kii wakhtigaa Xirsi Xaji Cali si ay u dhamaystiraan wada hadalkii beesha iyo xukuumada usocday. La kulanka waftiga ee beesha, waxa ka dhashay maseyr, waxa ka aloosmay guux-badan oo kasoo bur-qaday beelihii kale ee walaalahood ahaa.
Dharigii uu Axmedsiilaanyo reerka dabka usaarey ka sal-gaadhistiisu waxay reerkii ku xambaartey inuu alyad badan iyo af-lagaadooyin in laga wax laga yidhaahdo ay ahayd uu ka aamuso. Maseyrkii arintaa ka dhashay wuxu keenay heer beelihii kale isku qeylo-dhaansadaan iyagoo deedafeynaya imaashaha waftiga ee Borama. Waxa kale oo ay keentay in odayaal hogaan reer sheeganayaa ay si badheedha u caayaan beeshii J/Yonis.
Si kastaba ha ahaatee arintan oo ay lixbilood kasoo wareegtay inaan maanta qalinka u qaato waxa igu kallifey waxa weeye; Afeef aan horey uga dhigtay. Maalintii aan maqley beeshii Jyonis waxay u cabanayaan Axmedsiilaanyo waan ka biyo-diiday waxan soo saarey maqaal aan ugu magac darey “Nin fadhigaaga arkaya looma sara-kaco”. Sidaas awgeed waxan maanta is-weydiiyey dadkana aan waydiinayaa su’aashan.
Madax-taagii C/Raxmaan Awcali, Muluq-muqdii Maxed Abgaal, Is-muujintii Cilmi Kabaal, Malo-maleyntii beesha J/Yonis(mucaarid mise muxaafid) iyo Madadaalintii Siilaanyo Maxaa Laga korodhsaday? Faa’idada iyo khasaaruhu miyey is le’egyihiin mise way kala badanyihiin markaad qiimeysaan?. Su’aashan jawaabteeda waxan ka sugayaa dadka ay khuseyso, dal iyo dibad, siyaasi iyo waxgaradba.
Waxay ila tahay tabashada beeshan marka indho-caafimaad qaba iyo uur-fayow lagu eego waxay mudnayd in tix-galinteeda la siiyo madaxweynuhuna sidii laga filayay uga jawaabo, laakiin waxay u muuqataa mid aan halkeedii la dhigin oo madaxweynuhu si badheedha iskaga baal-maray balankii uu beesha u qaaday. Halkii ay beeshu ka filaysay inay wax usoo kordhaan wuxu afar bilood kadib ugu jawaabay inuu janankii booliska ka qaado, jago cidlo ah oo uu wasaaradda daakhiliga kasoo dheegayna wajiga kaga dhufto.
Guntii iyo gabo-gabadii horaa loo yidhi “waxaad qarsataa wuu ku qarsadaa” waxa loo baahanyahay in lala xisaabtamo C/raxman Awcali, Cilmi Kabaal iyo Maxed Abgaal. Nimankan waxa looga fadhiyaa inay reerka ka dhex-qaadaan dhooqada iyo ruufadka ay dhex-fadhiisiyeen si loo cafiyo, hadii kale ay suldaanka iyo wax-garadka reerka soo hor-fadhiistaan una sheegaan inay fashilmeen si reerka jiho kale loogu raro.
Halkan ka akhri maqaalkii aan horey ugu afeef dhigtay:
http://harowo.com/2011/01/11/nin-fadhigaaga-arkaya-looma-sara-kaco/
Jawhar Qalinle
Email: korwaayeel@hotmail.com
