June 28, 2011
Jawaab Su’aashii Jawhar Qalinle ee Ahayd: Madax-taagii C/Raxmaan Awcali + Muluq-muluqdii Maxed Abgaal + Is-muujintii Cilmi Kabaal + Malo-maleyntii beesha J/Yonis (mucaarid mise muxaafid) + Madadaalintii Siilaanyo Maxaa Laga korodhsaday?
Waxan akhristay qoraal aad u qurux badan, isla markaana taabanaya arimo badan oo u baahan in la isku waydiiyo si fiican amaba hab caadifadda ka fog loo gorfeeyo. Qoraalkan uu soo saaray Qoraaga wayn ee Jawhar qalinle, ayaa intiisa badani uu waafaqayaa ra’yiga aan ka qabo in wax loo doonto dawlada Somaliland ee uu hogaaminayo Siilaanyo. Anigu shakhsiyan mid waan u bogay, mid kalena iima cuntamin oo waan ka biyo diiday.
Midda aan u bogay, ayaa waxay tahay inay marka horeba xaaraan ahayd in wax la waydiisto Siil-aanyo, hadiiba se ay dhacday in cabasho loo gudbiyaana ay hal mar xalaal ahayd, markaasina ay noqonayso markii u horaysay, balse marar badan oo ay iska soo daba dhacayeen waxgaradka beesha ka soo jeeda ee cabashada ugu tegeyay Siilaanyo ay ahayd mid khalad ah oo lagu gafay.
Hadaan dib ugu soo noqdo safarka danbe ee ay ku yimaadeen Xirsi Tooriile iyo Dr. Gaboose Boorama, waxa iska cad inuu ahaa mid loogu tala galay in beesha samaroon lagu kala jabiyo.
Jibriil Yoonisna xaq wuu u lahaa inuu la kulmo waftiga maadaama oo uu iyaga u socday, balse khaladku waxa uu ka yimid in wiil uu dhalay jananka ciidamada booliska ee Cilmi Kabaal uu soo tolay garamaan ay ku sawiranyihiin Dr. Gaboose iyo Xirsi Tooriile, kuwaas oo rag badan oo u badan ciyaal loo dhiibay si ay waftiga ugala hor tagaan.
Dabcan taasi waxay ahayd muuqaal aan la mahadin, oo ay maleegeen wax aan ka badnayn hal ama laba shakhsi, balse u muuqatay wax ay beeshu ugu talo gashay inay ku soo dhawayso waftiga.
Si kastaba ha ahaatee, jawaabihii ay ka bixiyeen beelaha kale ee Samaroon, ayaa waxay noqdeen jawaabo aad iyo aad loola yaabay, oo arinka gaadhsiinayay meel fog oo aanu gaadhsiisnayn, iyagoo aad mooday inay haad u heleen beesha Jibriil Yonis sidii ay u aflagaadayn lahaayeen, illayn waa meel aan jeclaa roob igu eriye’.
Waxaana ka mid ahaa mahadhooyinka ay ku dhawaaqeen:
Waa kuraamo, waa lafo hoose oo aan awal lala kulmi jirin, oo ay khalad tahay in lala kulmaa iyo aflagaadooyin aan geed loogu soo gaban, balse ay wali xisaabteedu danbayso, goor ay noqotaba.
Siyaasiyiinta beesha ee uu ku hal qabsaday qoraagu ee ay ka midka yihiin Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Cilmi Kabaal iyo Maxamad Jaamac Abgaal, ayaa iyaga aan u arkaa inay yihiin siyaasiyiin ruug cadaa ah oo ay khalad tahay in eed loo xambaariyo.
Waa rag geesiyaala oo aan gabashada aqoon. Shaxda siyaasadana halka ay ka dagaan ay tahay meel adag oo aanay fahmi karin dadka inta meel dhaw wax ka eegtaayi.
Hadalada Mahadhooyinka ah ee ka soo yeedhay siyaasiyiinta iyo salaadiinta beel waynta Jibriil yoonisna waxay ahaayeen dhamaantood kuwo wax ku oola oo aan haba yaraatee lagu canaanan karin.
Halka ay nasiib darradu ka timidayna waa wacadkii Siiraanyo uu markii u horaysay u maray beesha jibriil Yoonis oo noqday sida tan:
Waraabaha ku cunayaa
Wehel kuuma noqoyeee
Qofka laba wajiilaha
Ha la dhiganin wacadoo
Jacayl aan lagula wadin
Waqtigaaga yuun lumin
Hadal iyo dhamaan waxaad videogan hoose ka daalacan kartaa kartida iyo geesinimada ku jirta siyaasiyiinta beesha ee daawasho wacan:
Ahmed Alaale
Email: ahmedalaale@hotmail.com
