June 28, 2011
Haatufka Maanta: Ninkii ina Rayaale sababta uu uga soo xaadiri waayey xuskii 26-ka June, shaw wax kale may ahayne ninkuba Cadhuu bastii ahaa Ururadan la furayo daraadeed. Waxa la yidhi mar kaliya ayuunbuu xisbigii Udub ee uu jeebka ku sitay oon waxbaba Suuqa ka goynayn kol haddii la furayo Ururadii siyaasada. Dad badan baa rumaysan la’ wararkii baryahanba la isla dhex marayey ee sheegayey in Madaxweynihii hore uu doonayo inuu xisbigii Udub ka faasaxo cidii qiimaha ugu saraysa u gaadha. Hada se waxay u muuqataa in Udub cidiba aanay Suuqa ka baayici doonin.
