June 27, 2011
Waraysi Sir ah oo Laga Qabtay Ma’suul Ka Tirsan Xukuumadda Siilaanyo
Hargeysa - Waraysi la sheegay in si sir ah looga duubay Mas’uul sare oo ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana lagu baahiyey qaar ka mid ah Shabakadaha wararka ee Internet-ka, ayaa waxa Masuulka la sheegay in laga qabtay uu ku tilmaamay waxba kama jiraan iyo been abuur aan sal iyo raadtoona lahayn. Mas’uulka loo nisbeeyay in laga qaaday Waraysigaasi oo lagu magacaabo Cabdilaahi Axmed Caarshe, ahna Chief-of-Protocol-ka Wasaaradda Duulista iyo Hawadda Somaliland.
Waraysiga sida sirta ah loo qabtay, ayaa sida dulucda hadalku u dhacayo, waxa Mr. Caarshe ku faahfaahiyey sababta dhabta ah ee keliftay in Madaarka Hargeysa laga horjoogsado xubno isugu jirey Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin ka tirsanaan jirey Xukuumaddii hore, oo iyagu markii hore halkaa u tagay soo dhoweynta Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo Isniintii Toddobaadkii hore dalka ku soo laabatay.
Arintaasoo sida waraysigu u dhacayo uu Mas’uulkaasi si cad dusha uga saaray Mas’uuliyadda shaqaaqadii ka dhacday Madaarka Afar Mas’uul oo waa siduu hadalka u dhigayo isku Beel kasoo jeeda, isla markaana had iyo jeer ku dooda in laysugu tegay Beesha ay kasoo jeedaan iyo in laga riday Xukuumaddii Cabdiraxmaan Tuur.
Xubnaha marka aad Waraysigaa dhageysato uu Magacyadooda ku dhawaaqayo Mas’uulka aynu kor ku soo sheegnay, waxa ka mid ah Cali Maxamed Waran-cadde, Siciid Sulub, Axmed Keyse iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog.
Haddaba, waraysigaasoo Masuulkaasi beeniyey jiritaankiisa marka hore isagoo faahfaahsan, waxa uu u dhacay sidan:
Su’aal…Waxaan kaa rabaa in aad marka hore ii sheegto Taytalkaaga (derajadaada.). Inta aynaan waraysiga gelin waxaad ii sheegtaa waxa ka dhacay Madaarka.?
Jawaab… Niman isku Reer ah ayaa Rabshad ka sameeyey oo Habaryoonis ah, oo Cali Maxamed Waran Cadde ka mid yahay, oo Siciid Sulub ka mid yahay, oo kii Wasiir-ku-xigeenka Arimaha Dibedda ahaan jirey ka mid yahay, oo Xildhibaan Xoog ka mid yahay.
Afartaa Nin ee isku Reerka ah ayaa meesha rabshay, balse soo dhoweynta Madaxweynaha wax khilaaf ah oo ka dhashay may jiraan oo annagaa wax walba u sii diyaarinay oo ilaa qolka martidada u sii furnay.
Su’aal…Maxay rabaan nimakaa isku haynta ahi?
Jawaab…Waan la yaabanahay..! Beribaa Nala laayey iyo Beribaa Xukuumaadii Cabdiraxmaan Tuur Habar jeclo riday iyo waxaas ayay wadaan.
Su’aal… Arinta Burco ka waran ee la leeyahay Shirbaa Habar-Yoonis wadaa.?
Jawaab…Iyagaa buuq wada oo waa kuwii shirk u qabtay Burco oo dawlada dhaleeceeyay, Samaroon waad ogtahay xaaladooda oo habeen hore ayaa la shiray gabi macal Rayaale markaa khaladkii oo dhan iyagaa dusha laga saaray…
Axmed Kayse waa Ninkii yidhi: “..Siilaanyo ma soo geli karo dalka..” Barigii uu Maraykanka tagay ee uu Mucaaridka ahaa iyo Cabdiraxmaan Xoog oo ah Xildhibaan ahna Ninkii Barigii Baaskoolada la galay Baarlamaanka.
Afartaa Ninbaa Rabshada Bilaabay iyo 94-kii baa nalalaayey oo xataa waxay qaateen Sawiradii Madaxweynaha ee Qolka VIP-da sudhnaa, barkimooyinkii way qaateen, Albaabadana qaarbay sii je-jebiyeen.
Geesta kale, masuulkaasoo aanu Xalay khadka Telefoonka kula xidhiidhnay si aanu wax uga weydiino arintaas, ayaa waxba kama jiraan ku sheegay waraysiga, sidoo kalena, waxa uu xusay in habayaraatee aanu jirin Waraysi uu bixiyey marka laga reebo Waraysi uu Raadiyow Hargeysa siiyey.
Wargeuska Yool
