June 27, 2011

51 Sano Oo ka soo Wareegay Markii Calan Ay Soomali Leedahay Hawada loo Taagay

Mudo ayay dadka ku dhaqan gobolada waqooyigu ay raadinayeen in ay helaan madaxbanaani , oo axsaab ayay u kala baxeen ,waxaan xulafo noqday labadii xisbi ee SNL iyo USP bishii febraayo 1960 ayaa doorasho la qabtay, labadaa xisbi ayaa ku guulaystay baarlmankii, Baarlamanku waxa uu magacaabay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo Raysal wasaare loo magacaabay iyo Sadex wasiir Garaad Cali Garaad Jaamac, Axmed Xaaji Cali Ducaale (Axmed kayse) iyo Xaaji Ibraahim Nuur.
Bishii April 30 keedii ayaa rasal wasaarihii iyo sadexdii wasiir ay tageen dalka England, waxana ay la kulmayeen wasiirkii isticmaarka 5 bishii May ,waxana ay markaasi isticmaarka isla gaadheen in xornimo lasiiyo looguna dhawaaqo dawlad ay iyagu iskood u madaxbaan waxaan ntaasi raacsanayd in ay israaci doonaan walaalahod koonfurta laguna dhawaaqi doono dawlad ay wada leeyihin 1 luulyo ,
Waxaa xusid mudan in Rugcadaagii waynaa allah u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu hadalo jeediyay maalmahaasi, waa marki ay isticmaarku uu u ogolaaday in ay xornimo qataan ayna yeeshaan dawlad iyaga u gaar ah ,waxaan a ak mid ahaaa hadaladii isagoo oo ay idaacada BBC waraysatay , waxana u sheegay dawladnimo loo qayliyaa oo layidhaah dawlad baan doonayaa , waa suura gashaa oo inaguba maanta helnay dawlad ,hase ahaatee arinka ka sii adaki waxa uu yahay ,ee maanta isaga madaxa la galnay dee helnay dawlad nimadii , hoos k adhagayso hadalkii oo dhan
Waxaan gobolada waqooyiga ka taagnaa calanka England waxaana la dajinaayay galabtaasi, waxa uu caadana England ay u leedahay meeshii calanooda la dajinaayo, in ay muusig uu kujiro murugo ay garaacaan. Raxaa kale oo Ingiriisku caado u lahaa marka ay calankooda rogaan inay dib u gurtaan calankii oo ay wataan, oo aanay marna soo jeedsan ilaa ay toban taalo dib u gurtaan, waxan maalintaasi dadkii u da’day daruur, markii l dajay calankii isticmaarka, ayaa waxaa la saaray calankii Somalida, waxaan habeenimadii lala kala wareegay docmentigii xukunka.
Omer Albashiir
Login