May 31, 2011

Weriye Mashqac Geliye iyo Madaxweyne Shamiis-Weynaha Jabuuti

Akhristayaal waxaanu Toddobaadkan Barnaamujkeena ku soo qaadan doonaa waraysi dhinacyo badan taabanayaa oo ka dib doorashadii ka dhacday dalka Jabuuti uu Weriye Mashqac-geliye socdaal uu dhowaan ku tegay dalkaasi kula soo yeeshay Madaxweyne Shamiie-weynaha Jabuuti. Waraysigan qayb ka ah taxanaaheenii ku saabsanaa Barnaamujika Yool-Baadhka Siyaasiga, kaasoo intiinii la socotay aanu Toddobaad kasta Maalinta Isniinta ku soo gaadano Warsaysi ku dhisan qaab Madaddaalo ah oo Weriye Mashqac Geliye la yeesho siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadka kale ee Magaca ku leh Masraxyadda Siyaasada ee Somalilane, Soomaaliya iyo guud ahaan-ba Wadamada aynu deriska nahay iyo kuwa kale ee Caalamka.

Haddaba, waraysigaasoo faahfaahsan waxa uu u dhacay sidan:

S: Mudane Ismaaciil marka hore waxa aanu kugu soo dhaweynayaa barnaamijka Yool Baadhka Siyaasiga. Marka labaadkana waxa aan kula socodsiinayaan in anniga oo ah weriye Mashqac-geliye ahay Matalaha Bulshada Soomaaliyeed ee ku kala nool Somaliland, Jabuuti, iyo Soomaaliye, sidaas darteedna su’aalahaygu ay had iyo goor ku salaysan yihiin tabashooyinka, saluuga, dhaliilaha, iwm ee dadweynahaasi Soomaliyeed u soo jeedinayaan ama ay ka qabaan ama ka tirsanayaan madaxdooda iyo mas’uuliyiintooda. Maadaama ay tahay markii ugu horeysay ee aynu kulano waxa aan jeclaan lahaa in aan marka hore ku weydiiyo fikirka aad ka qabto ama aad ka heysato barnaamijkan iyo Weriyihiisa Mashqac-geliye?

J: ‘Merci’(kalmad Faransiis ah oo ah mahadsanid). Horta waxa aan jeclaan lahaa in madaama madaxweynihii Soomaaliya magaciisu noqday Sheekh Shariif, kii Waqooyiga Soomaaliyana (Somaliland) noqday Shariif Axmed, anna in la iigu yeedho Alxaaji Ismaaciil.
Barnaamijkana iyo weriyihiisana waxa aan leeyahay ‘Vous êtes le bienvenu’ (Soo dhawow).
Bonjour (Subax wanaagsan). Waxa kale oo aad ii sheegtaa waxa afka Faransiiska uu ku noqonaayo Mashqac-geliye iyo waxa aad ku kala falayso ‘Quatre lecteur de Cassette’ (Afartan rikood ama naastaro) ee aad sidato..Mashqac..Runtii, Luqada Faransiiska ma aqaano, mana garan karo waxa uu magacaygu ku noqonaayo afkaasi, balse ka soo qaad uun qalab lagu ogaanayo nooca bariiska aad soo cuntay ee calooshaada ku jira.

Teeda kale waxa igu raray culeyska afartan rikoodhna (naastro) waa amar lagu soo rogay wariyayaasha caalamka oo dhan ee wareysiga la yeelan doona Madaxda Afrikaanka ka dib markii Dr. Faalsaha Khaarajiga Soomaaliland u dafiray (inkiray) wareysigii uu siiyay Shaakir Noora oo ahaa qoraa iyo Weriye ka tirsan ‘Gulf news’…Alxaaji Ismaaciil..waa markii u horeysay aan maqlo waxaas oo kale..ceeb weynaa..markaas malaga yaabaa in afartan rikoodh uu ka dhex dhasho khilaaf tiknoolajiyadeed oo halkaasna midba wareysigaygii iyo codkaygii si ka dhigo?..Mashqac..maya..maya.. afartaba waxa lagu sameeyay ‘Paris’, Faransiiska..Alxaaji..hadaa waa ‘OK’ oo waa la aamin karaa.

S: Alxaaji Ismaaciil, waxa dhawaan laguu doortay in aad madaxweyne ka noqota dalkaaga mar seddexaad. Waxa aanu ku leeyahay hambalyo guushaasi aad ka soo hoysay doorashadii la magac baxday ‘NIN DOORAN DOORTA MAXEED U DHAHDEEN, DADKA MAXAAD U DANBAAJISEEN’. Ma la odhan karaa dalka Jabuuti oo dhan waxa laga waayay cid ama qof kaa furata xilka madaxweynenimo oo ku nasiya oo sidaada xiinyo badan, fariid ah, geesi ah oo weliba wadani ah?

J:  Walaalkayow horta dad gacal ah ayaynu nahay ee wax walba yaan lagu wada hadlin. Shariif Axmed-ka Waqooyiga Soomaaliya ayaa hadalkaasi igu soo rogay lagu yidhi Siyaad Barre mar uu doorasho sameeyay oo uu sanduuqa Mayada afka ka xidhay. Hadalkaasi ay ku ciyaareen (Shirbeen) dadka degaanka ku ah Muqdisho oo ay ku jirtay odhaahdani”Nin dooran doorta maxee u dhahdeen..” Haddii Shariif Axmed (Ex-siilaanyo) mar denbe i soo daandaansado oo neerfoogu igu kiciyo waxa aan Daahir Yaa Shamis ka dhigi doonaa ‘Mashruucii Donald’ ee soo qaatay; balanqaadkiisii uu ku kasbaday beesha caalamka, ‘Inter peace’, iyo sida uu doorashada ku helayba. Waxa kale oo aan si toos ah kuugu sheegaya in Jabuuti oo dhan la dhexmaray doorashada ka hor oo walaalkayow la weydiiyay dadka in ay garanayaan iyo in kale ruux dhaama Alxaaji Ismaaciil oo ay dhaafsadaan?

Maya..maya..maya..ayay jawaabti noqotay.! Waxa kale oo aan anigu weydiiyay nafteydu dhallin yaro iyo waayeel dhaba aanu u hadalnee hadii aan dhigu xilkaan sido yaad u dhiibaneysaan? Jawaabtii oo far waaweyn lagu qoreyna waxa ay noqotay CIDNA..CIDNA..CIDNA.hadii aan loo yeedhi karin ragii dhiidhiyay ee dhiiga iyo uuska yeeshay ee wadan ciilka uga dhoofay sidii Ina Boore oo kale.

Annigu waxa aan leeyahay madaxweynaha keliya ee la doortay ayaan ahay..mana jiraan sida meelaha qaar madaxweynayaal jiifa..dhul jiif ayaan maqli jiray balse waa markii iigu horeysay ee aan waqooyiga Soomaaliya ku maqlo Madaxweynaha Jiifaa oo la yidhaahdo Xirsi ‘Petit Homme’ (Short man’ ama nin gaaban)..Xirsigana waan arkay oo Shamiiskayga hadii uu gashado wuu liqayaa oo ilaa qoobabka ayuu u gaadhayaa..maxaa loo siiyay booskan markii aan wareystayna waxa la ii sheegay in uu aad u gaaban yahay oo uu si dhib yar u jiifsan karo ama isku tuuri karo xilliyadda ay jiraan xaaladaha deg-deg ahi.

S:  Shamiis Weyne, dabcan waxa markhaati ma doonto in aan dalkaagii dhistay maraa waaxid wax badan ayaad qabatay intii aad tallada dalka heysay. Weliba waxa aan hubaa in hadii aad toban sanno oo kale sii heysid xilka in aad ka sii badin doontid waxqabaka. Haddaba, wax ma nooga sheegi kartaa waxyaabaha ugu waaweyn ee la taaban karo ee aad dalkaagii u qabatay?

J:  Mashqacow waxa aad tahay ‘Dix’, ‘Vingt’, ‘Trente’, ‘Quarante’ ee mar denbe ha igu odhanin Shamiis Weyne..Shamiis weyne waxa aad iigu qarineysaa ‘gros homme’ (Nin buuran), annigana waxa uu Faransiisku igu naaneysaa ‘Unbel Homme’ (Nin quruxsan, handsome man)..adna waxaas ayaad ii quudheysaa miyaa?..Mashqac geliye..adeer ha i caayin..caayi waa calyo eh..sowdiga ninka weyn ah..sidee alle kuu galay..wixii aad igu tidhina lagu yidhi.. Alxaaji.. haahaaahhhhhhhhhhhaaa.

Mashqacow miyaanad Af Faransiiska waxba ka aqoon..cey maha ee waxa aan ku idhi waa tirooyin..toban, labaatan, soddon, afartan oo marka aan cadhooda ayaa halka aan qofka ka caayi lahaa tirooyin ku sheegaa..waxa aan ku odhan lahaa aan ku dejiyo in muddo ah ‘Djibouti Palace Kempinski’.. afkana ha lagu baro..Baasaaboor iyo sooryana aan ku siiyo..xildhibaano iskugu jira daba-buur iyo daba-dheere miidhanba waan siiyay baasaabooro oo waxa laga dhigay shaqaalaha Dahabshiil ee Jabuuti.

Intaas kaftan bilaa barjo ah dheh.. Adeer waxa aan dalkayga u qabtay anniga Suldaano beeshayda ahi ii sheegi maayaan sida Shariif Axmed (Ex-Siilaanyo) ee labada Suldaan soo fadhiisteen ‘Horn Cable Tv’ shalay ee ka waramayay wax-qabadkii xukuumaddiisa..mid ka sheegay wax xun ‘Shirkada Faransiiska ee Total’ ayaa markii la ii sheegay in uu Suldaan u yahay wasiirkii madaxtooyadda ee Daahir Rayaale ee laba cisho ka hor doorashadii is casilay saar iyo jibo qabiil awgeed ayaan iska aamusay oo aan idhi wasiirkiisiibaa ‘Dead Man Walking’ ahaaye maxaad ula yaabii Suldaankan qalin duur laha ah ee waxba ka garaneyni ‘TOTAL. Sida runtu tahay, gacallkayga iyo ‘Pays limitrople’ (af faransiis dalka aanu xuduudka leenahay) weligood baran maayaan nidaam, siyaasad, iyo dowladnimo toona..tan shariif Axmedna waa faashil oo Rayaalihii aan abtiga u ahaa ayaaba 88% dhaamay..tan ilaa Salaadiintii Shariif Axmed ayaa qabyaalad iyo hiil u soo cumaamatay.

Annigu Ugaas, suldaan iyo cid kale toona ka warami meyso wax-qabadkayga ee anniga ayaa ka hadli doona..magaaladii Jabuuti waad aragtaa sida aan u dhisay..waxa ay la tartameysaa caasimadaha dalalka carabta..dekadii waxa aan ka dhigay mid la bartameysa dekadda caalamka..waxa aan dalka soo dejiyay Faransiis iyo Mareykan..rajo badanna waxa aan ka qabaa in aan ku biiro Gaashaanbuurta NATO..jidad badan iyo hudheelo bilicsan intii aan joogay dalka waa laga sameeyay..dalkii maalgashi shisheeyo oo badan ayaan iyana u soo jiiday.. mucaaridkii waanu heshiinay oo awalba wax weyn iskumaanu heyn ee waxa ay ahayd uun aanu idinla casheyno iyo nala casheynmaysaan..tiraba laba jeer dowlad rimey gacmeed ah waan u sameeyay Soomaaliya..gacalka Waqooyiga Soomaaliya in la aqoonsado waan kala dagaalamay, inkasta oo aan ku helay hadyad libaaxyo ah.

Magaaladda Jabuuti foqor darteed may dhamaysan jirin marka lagu qalo sariibadda Hasha Ninkeeda (..waxa uu ka wadaa Awr)..haddana soo ogow inta lagu qalo iyo waxa dheylo lagu cunno magaalada..adiguba waxa aad ka markaati kici doontaa nimcada iyo barwaaqadda uu dalku ku jiro markaad gasho ‘Kempinski’.. Magaaladda Jabuuti been ma sheegaayo waxa lagu barjeeyaa ‘Quatre’ (afar) jeer maalintii.

Hadda waxa aan marayaa markii aan qeybihii bulshada ee kala duwanaa maqsuudiyay in aan u soo jeestay ubadka la tuuro ee seddex sanno ka yar oo aan u sameeyay meel la yidhaahdo ‘Daryeel’ oo ay iminka ku jiraan ilaa iyo 1, 200 caruur ah..agaasime xaruntu waxa ay tidhi 12 balse waxa aan u maleynayaa annagu sida Soomaalida Caagleysiga ma naqaano eh wax ay ila tahay in ay ka tagtay ‘Deux Zéro’ (laba zero).. Walaalkayow haddii aana dhiman oo aan sii jooga wax badan ayaa qaban doonaa..hadii aanay dadku tagin Miidaanu Taxriirkan (Tahrir Square) la bartay..duxda, nafaqada, dhalaalka jidhkeyga kaaga muuqdana waxa aad ka garan kartaa in dalkaygu hodan yahay.

S:  Ismaaciil Qureysh ‘unbel homme’, waxa jira dhibaatooyin ay shacabka Somaliland ka sheeganayaan dowladda Jabuuti oo mararka qaarkoodna ay ku qaadaan heeso ay ka mid tahay #xumaanta Xukuumadda Jabuuti igu sameysay xasuusta maxaan la ooyay, maxay xaadu jidhiidhicootay#. Xumaanahaasi ta ugu darani waxa ay ahayd tii markii dagaaladii sokeeya ka dhaceen dalkii Soomaaliya ee dayaaradihii dowladii Siyaad Barre ay duqeynayeen magaaladda Hargeysa aad idinku xadka ka xidhateen maatidii qaxeysay si loo madhiyo, halka dalka ‘Ethiopia’ si fiican u qaabilay oo u soo dhaweeyay qaxootigii oo xuduudoodana u fureen. Eedaasi la yaabka leh maxaad ka odhaneysaa?

J:  Waar gacalkayow waxa tagay tiigsimaad malaha..malaha reer Jabuuti maah-maahayada Soomaalida ma yaqaanaan ayaa is leedihiin eh. Madaxweynihii hore Xasan Guuleed Abtidoona wuu geeriyooday oo waad ogtihiin, illaahay ha u naxariiste. Gal dacwadeedka kiiskaasna waxa loo wareejiyay Aakhiro ee gacalkayow waa inoo qiyaamaha, maalinta la qatan yahay ee la qaawan yahay ee qof iyo qudhaanjo toona maqneyn.

S:  Alxaaji Qiyaame, bal horta ma xumo in la isla tago aakhiro iyo maalinta qiyaamaha, balse waxa taas ka horeysa in aad dadaal u gasho sidii aad u celin lahaydeen abaalkii ay reer Somaliland idiin galeen xilligii halgankii qadhaadhaa ee ay Xeebtan Jabuuti rabtay in ay iskaga tuurto heeryadii gumeysigii Faransiiska. Bal waxa aad xitaa xasuusataa haddii aad xis leedahay heestii guubaabada ahayd#Iska jir cadowga kula jira in aad jabtaa la joogto hoy Jabuutaaaay# Yaa idiin qaadi jiray.

Mudaharaadyadii aan kala go’a lahayn ee ay sameyn jireen dadkii reer Somaliland iyaga oo ku dhawaaqaya “Diigool (Madaxweynihii Faransiiska ee xilligaas) ha dhaco Djabuuti Soomaalaa leh”. Miyaanay kuu muuqan in qof abaal ma celiya ah ay dhib yar tahay in laga samri karo, balse dowlad iyo shacab abaal ma celiyayaal ah in ay adag tahay ka samirkeedu?

J:  Adeer marka aanu qofku aqoon afka Faransiiska, ‘Paris’-na weligiiba tegin ama arag waxbaa ka si ah. Bal ii sheeg oo maxaan abaalka ku celiyaa?.. miyaan Barjaysiiyaa Huuno..bal ii sheeg waxa ay iga rabaan? Haddii aan is idhaahdo Barjeysii ma Hargeysa oo keliyaa..mise waa ilaa Ceerigaabo barjo ayay iga rabaan..se ma hees iyo hadal ayaad abaal u taqaanaa..anniga ayaa barjeysiin oo Kursna ka dhergin eh ha sugeen mashruuca kale ee aan Soomaaliya heshiisiinteeda ku soo qaato.. Samirna yeesha gacalkayow.. Waar gacalkayow samir yeesha.

S:  Alxaaji Barjeysiiye, ma dawbaa mise waa gar in Soomaali weynta aad diideen idinku walaalihiina reer Somaliland ee aad marna gacalka tihiin ku khasabtaan in ay mar denbe la midoobaan Soomaaliya?

J:  Adeer horta mashqac-geliyo kolayba siyaasiyiinta waqooyigu way rabeen nidaamka Federaalka ah..ma dawbay ahayd in ay i diidaan in aan anniga oo walaalkood ah dilaalo, oo ay ogolaadaan dilaalisata ‘Donald Pyne’ oo ah nin Mareykanka ah oo madow..haddii aanay se shacabku rabin mashruucii ‘Donald’ sow kuwii soo dhaweeyay Shariif Axmed markii uu heshiiska soo waqacay.. Hadii aan wax la khaldayn maxaa looga dhigay Wasiirkii Khaarijiga ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Oomaar, kan Somaliland-na Maxamed Cabdilaahi Omar..oo ay ajaanibku mar walba isku qaldaan.

Maxaase keenay nin Beydhabo ku dhashay oo qaadayaa #Berdihii ku yiil Isha Beydhabo intuu gun iyo baal baxay caleemuhu balaadheen baxarasaaf la moodyey# in laga dhigo wasiir khaarajiga.. dee waa taa lagu balaadhay ee ilaa Nairobi la tegay eh wax ha ka gurteen..weliba waxa doorkan raacay dadkii uu dhiigooda, dhuuxooda iyo dheecaankooda raacay ‘Federalku’ sida Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige oo ka soo jeeda Galbeedka Burco..hadda ayuu ansaxay federalkii..hadda ayay sii go’een walaalahaygii waqooyi..anna ku dilaalis waayay..Mashqac..Ismaaciil kani ku dhaafye Maraqa.

S:  Alxaaji Dilaal seeg, walaalaheena koonfurta Soomaaliya intooda badani waxa ay kugu eedeynayaan in xal u helid la’aanta mashaakilka ka jira guud ahaan koonfurta dalka, gaar ahaana magaalada Muqdisho, aad adigu u tahay aabbe, adeer iyo awowba ilaa laga soo bilaabo Shirkii Carta. Eedaas iyo Gal-dacwadeedkaas iyana ma waxa aad u wareejineysaa Maalinta Qiyaamaha iyo Aakhiro?

Source Wargeyska Yool

Login