May 31, 2011

Qabanqaabada Soo dhawaynta Iyo Caleema Saarka Amiirka Beesha Jibrilyonis Amiir Wabar Oo Si Xawli Ah Uga Socota Magaalada Borama Iyo Dumarka Beesha Oo Kulan Balaadhan Yeeshay

suldanka Sida aynu wada ognahay bishan june ee maanta bilatay waa bishii loo balamay caleema saarka suldaanka cusub ee beesha Jibrilyonis Suldaan Abiibakar Cilmi Waber oo la filayo inuu dhawaan soo gaadho Magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal. Gudida Qaban qaabada Soo dhawaynta iyo Caleema saarka Suldaanka ayaa waxa ay maanta shir balaadhan la yeesheen Dumarka Beesha oo kor u dhaafayey 300 oo haween kulankaas oo ka qabsoomay guriga ay ku shiraan Golaha Dhaqan beelaha Jibril yonis.

Kulankaas waxaa kalmado Gaaban ka jeediyey Afahayeenka Golaha dhaqanka jibril yoonis Jaamac Faarax Xareed iyo Xubno ka mid ah Dumarkii soo abaabulay kulankaas oo ugu baaqay haweenka in ay u diyaar garaabaan soo dhawaynta iyo caleema saarka suldaanka oo dhici doonta Bishan june gudaheeda, sidoo kale waxa ay sheegeen in maalmaha soo socda ay gudida qaban qaabadu ay cayimi doonaan maalinta ay dhacayso iyo goobta ay ka dhacayso.
 
Afahayeenka Beelwaynta Jibril yonis Mudane Jaamac Faarax Xareed oo aan wax ka waydiinay ilaa hada sida ay u socoto qaban qaabada soo dhawaynta iyo caleema saarka suldaanka ayaa waxa uu sheegay inay sidii ugu fiicnayd u socoto waxa kale oo uu amaan u jeediyey haween waynaha beesha jibril yonis ee sida fiican u soo ajiibay kulanka iyo balan qaadka ay sameeyeen in ay kaalintooda ka qaadan doonaan hawshan baaxada leh.

Waxa kale oo sheegay inay ay kaalinta haweenka oo kaliya ka maqnayd ayna aad u tabayeen kulankii maanta ay ka soo baxeen natiijo wanaagsan oo ay aad iyo aad ugu mahadnaqayaan dumarkii soo qaban qaabiyey kulankan, sidoo kale wax uu afhayeenku baaq u diray dhamaan dadwaynaha beelaha jibril yonis dal iyo dibad ba inay ay u diyaar garoobay caleema saarka suldaanka oo dhici doonta bishan gudaheeda.

isku soo wada duuboo, kulanka balaadhan ayaa wax uu ahaa mid guul ku dhamaaday loona balamay kulano kale oo xidhiidha iyo in hawsha wada jir loo qabto lana wacyi galiyo dhamaan dadwaynaha ka abtirsada beelwaynta Jibril yonis in ay u diyaar garoobaan caleema saarka suldaanka.

suldaan-5

suldaan-4

suldaan-3

suldaan-2

suldaan-1

Abdiaziz Mohamed Elmi  -  Borama

Login