May 31, 2011

Ogaysiis: Shir Ka Dhici Doona Magaalada London oo Lagaga Arrinsan Doono Dhismaha Mashruuca DEkadda Lughaya

light-house-small Waxa la ogeysiinayaan dhamaan jaaliyada sharafka leh ee gobolada Awdal, Selel iyo Gabiley ee deggan UK iyo degaanada ku xeersan in shir balaadhan lagu qabanaayo magaalada London maalinta Sabtida 18 June 2011, kaasoo lagaga wada arrinsandoono dhismaha mashruuca dekedda Lughaya.

Shirkaas  oo ay inagala qaybgali doonaan martisharaf ka socda ururka Ardaa ee xaruntiisu tahay dalka Canada, waxana halkaa ka hadli doona: Guddoomiyaha Ardaa Ibraahim Cabsiiye, Sh. Maxamad Xuseen Hadi iyo Sh. Maxamad Fariid. Shirku wuxu ka dhici doonaa:

light-houseThe resource centre

City parochial foundation

356 Holloway Road

London N7 6PA

Wakhtiga 5.00 – 8.00 PM

Wixii faahfaahin ah ee shirkaa ku saabsan waxad kala xidhiidhi kartaan mobile lada hoos ku qoran:

07958650384, 07539737641, 07947119179, amma 07951059943

Gudiga qabanqaabada

Login