May 30, 2011
Faallo: Fashilaadii Abid U Waynayd oo Soo Wajahday Wasaarada Waxbarashada ee Somaliland
Harowo (Boorama) - Tan iyo intii ay xukuumada cusubi ay la wareegtay xukunka dalka, ayaa waxaa isa soo taraaya ceebo aan horay uga dhicin dalka amaba ugub ah, kuwaas oo ku wajahan dhamaanba wasaaradaha kala duwan ee guud ahaan dalka, oo ay kula kacayaan masuuliyiinta xukuumada cusubi, dhacdadii u danabaysay waxay ka dhacday guud ahaan dalka oo dhan waxan ay ahayd markii la geeyay dhamaanba imtixanaadkii ay galayeen ardayda hada dhamaysatay fasalka labaad ee dugsiga sare oo la yidhaah Half GCE.
Kaasi oo ay wasaarada wax barashu gaysay dhamaanba wasaradaha waxbarasho ee gobolada dalka, ayaa waxaa halkaasi ka dhacay guud ahaan gobolada in ay imtixaanadkaasi ay ku iibiyaan min ahal imtixaan 5$, godoomiyayasha wasaaradaha goboladu imtixaankaasi, halkaasi ay ka dhacday ceebtii abid u waynayd, waxaana laga dareemaay dhamaanba gobolada dalka in ay kor uu u kacay sicirkii waraaqaha lagu koobiyayn jiray taasina ay masuuliyadeeda leeyihiin godoomiyayaasha wasaaradaha gobolada.
Si kastiba ha ahaatee tan iyo maalintii sabtidii waaxaa magaalada Boorama lagadareemay dhaqdhaqaaq xogan, kaasi oo inta badan ay samaynayeen ardayda u fadhiisanaynsa imtixaanaadkaasi oo aad ku arkaysay suuqyada magaalada iyagoo ku xoomsan meelaha waraaqaha laga koobiyaysto, oo ay kala koobiyaysanayaan imtixaankaasi.
Dhacdadan oo ah mid ku cusub dalka amaba ugub ku ah, ayaa horay u dhicin intii ay talada dalka haysay xukuumadii Daahir Rayaale, imtixanaadkun auu ahaa had iyo jeer mid la xafido ,balse tani waxa ay u muuqataa in ayna wax xil ah iska saarin imtixaanadka, ayna yihin masuuliyiinta cusub ee wasaaradahaasi jooga oo ah kuwo aan u tababarnayn habka imtixaanaadka, ayna garanayn masuuliyada shaqo ee loo igmaday, balse ay ka raadinayaan dano dhaqaale.
Taasina waa mida keentay in imtixaanadka dibada loo soo baxsho, waxana halkaasi kaaga muuqda masuuliyad darada iyo habacsanaanta shaqo ee laga dareemaayo guud ahaan gobolada ,ha u horayso wasaarada waxbarashaduye, oo ah mid ay ku soo xusheen dadka ka hawl galaa xisbi ahaan ee aan loo keenin meesha aqoon ahaan.
Isku soo wada duuboo waxa walaac xooga ka muujay dhamaanba maamulayaasha kala duwan ee dugsiyada iyo macalimiintooda oo ku tilmaamay arinkan masuuliyad daro, waxana ay dusha uga tuureen wasaarada waxbarashada oo ay yidhaahdeen ma gudanayaan xilkii shaqo ee loo igmaday.
Waxana ay sheegeen maamulayaashaasi in ay imtxaankoodii ka qaadi doonaan ardaysa, ayna dib danbe ugu kalsoonaan doonin wasaarada waxbarashada ilaayo intay ka sifaynayaan dadkaasi iyagu imtixaanaaka dibada u soo saaray ee ka radinaayay dhaqaale.
Waxana ay sheegeen in ay gudan waayeen masuuliyiinta dawlada min heer gobol ilaaheer dawladnimo, waxayna si gaara ay u tibaaxeen in ay masuuliyadeeda leeyihiin gudoomiyaha waxbarashada iyo ku xigeenkiisu oo ah hadhaagii xisgigii hore ee talada dalka lagaga adkaaday oo markasta meesh ay jooga in ay sugayaan in xilka laga qaado sidaasi darteedna ay u samaynayaan arinkan isga ah.
Harowo Desk
