May 30, 2011

Faallo: Cabdiraxmaan Saylici oo Firxad Kaga Baxay Boorama Iyo Mudaahraad Balaadhan oo Lagu Buburiyay Xarunta Waxbarashada ee G/Awdal oo Maanta Ka Dhacay Boorama

Boorama (Harowo) - Waxaa saaka cabaaro 11:00 am subaxnimo ka dhacay magaalada Boorama mudoharaad balaadhan oo ay dhigayeen ardeyda dugsiyada sare, gaar ahaan fasalka labaad (Form II) ee magaalada Booram, kuwaasi oo ka cabanaayay intixaankii (Half GC-ga) ahaa oo laga joojiyay isaga oo u socday maalintii saddexaad. Amarkani imtixaanka lagaga joojiyay ardeyda waxa uu ka soo baxay xafiiska imtixaanaadka ee magaalada Hargeysa, kaasi oo saaka ardeyda oo ku jirta imtixaankii lagu wargeliyay in imtixaankii la joojiyay, sababtuna ay tahay imtixaanka oo faashil noqday, kana baxay xafiiska imtixaanaadka.

Waxaana taasi kuu cadaynaysa habeenadii u danbeeyay suuqyada magaalada Boorama waxaa la isla dhexmaraayay in la helay imtixaankii fasalka labaad ee dugsiga sare, kaasi oo ay ardeydu kuyuu ugu jireen dukaamada iyo xarumaha wax lagu koobiyeeyo.

Waxaana la xaqiijiyay in arintani saamaysay dhamaan gobolada Soomaaliland. Waxaana imtixaankani laga iibsaday xafiiska imtixaanaadka ee Hargeysa madaxdiisa sarsare. Waxayna ardaydu iskugu gudbiyeen Internetka (Email Message).

Hadaba, arintani imtixaanka laga joojiyay ardeyda dugsiyada sare ayaa sababtay gadoodka iyo in saaka mudoharaad balaadhani ka dhaco magaalada Boorama, kaasi oo lagu weeraray xarunta wasaarada waxbarashada ee gobolka, taasi oo la sheegay ardeyda in ay dad waxmagarato ahi ku soo hogaamiyeen wasaarada waxbarashada. Waxaana halkaasi la gaadhsiiyay khasaare badan, iyada oo la jabsaday xafiisyada qaarkood, lana qaatay buugtii, dokumentiyadii, kombuyuutaradii muhiimka ahaa iyo agabkii yaalay istoodhadaba.

Intaa ka dib waxa uu mudoharaadkii ku fiday magaalada inteeda kale, waxayna ku dhawaaqayeen ardeydani Dawlad “Isaaqa dooni mayno” iyo ereyo kale oo badan, guud ahaana ka dhan ah xukuumadda hada ka talisa Somaliland.

Hadaba, markii arintani dhacaysay ee ay xayntii u horeysay ee mudoharaadayaashu timiday wasaarada waxaa xiligaa xarunta ku sugnaa Gudoomiye ku xigeenka wasaarada waxbarashada, markii uu arintani arkay waxa uu ku ordey si ay wax uga qabtaan saldhiga booliska, waxa uuna u sheegay arintii taliyaha qaybta, taliyuhuna wuu ka cago jiiday, waxuuna ku yidhi “ciidan nooma joogo ee Madaxweyne ku xigeenka ayay raaceen.”

Markii arintii sii korodhay ee ay hadal maqli waayeen dhalinyaradii ayuu marlabaad gudoomiye ku xigeenku ku noqday, hase yeeshee saldhiga booliska oo ku dhegan xarunta wasaarada wax gurmad ah uma fidin, taasina waxay u muuqataa in shirqool dahsooni jirey.

Marka arintani dhacaysay waxaa magaalada Boorama ku sugnaa Madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan Saylici oo joogay Huteel Rays, isla markii arintani loo sheegay Saylici waxa uu ka baxay oo loola cararay wado raf ah oo ka baxda dhinaca galbeed ee magaalada Boorama, isaga oo aan dib u eegin dhibaatada ka dhacday hoygiisii, taasina waxay ku tusaysaa kalsooni darada haysata  gobolkiisa madaxweyne ku xigeenka.

Isku sii wada duuboo maamulxumada ka hano qaaday Soomaaliland waxaa horseed ka ah xukuumada cusub oo aan la garanayn meel ay kabaha u gashatay iyo shacabkii oo ku jahwareeray baaxaadega siyaasad xumo ee wadanka soo foodsaartay, waxayna dadku ka cabsi qabaan in ay keento xasilooni daro iyo nidaamka oo burbura, dawladuna waxay ku mashquulsan tahay xusaskii is gaadhay ee jabhadii SNM ee Siilaanyo madaxda ka ahaa, taasina waxay ku tusinaysaa in dib loo noqday labaatan sano.

Jibril Nageeye Cali  -  Borama/Awdal

Login