May 29, 2011
Xukuumada Siilaanyo Waxaan Ugu Baaqaynaa Inay Siidayso Ibrahim Aamin Gadiid
Hadaan nahay dhalinyarada degmooyinka, Quljeed, Xariirad iyo gelbeedka Biorama, waxan xukuumada siiraanyo ugu baaqaynaa inay xoriyadiisa u soo celiyan Ibraahim Aamin Gadiid, oo u xidhan aargoosi siyasadeed, hadii ay dhici waydana ay keeni doonto carqalad nabadeed oo hor leh. Waxaa malmahan danbe sii ifbaxaya argoosi siyasadeed oo lagu hayo shaqalihii ama madaxdii hore ee xukuumadii daahir rayale, iyada oo malinkastna la beegsanayo,masuulo, arday aan waxba galabsan.
Hadaba, tani waxay xukuumada siiranyou horseedi doontaa ceeb iyo carqalada nabadeed oo samaysa guudahan inta uu ka taliyo mamulkiisu. Siiranyo iyo xukuumadiisu waxay midho midhaystaan cidkasta oo fahansan, dhiibatada uu ku hayo shacabka reer awdal. Haday noqoto dhul boob, haday noqoto in maskaxda laga dilo dhalinta oo laga dhex alooso cadawad beelaha samaroon ee walalaha ah.
Hadaba anagoo ah beeshas deeganada aan kor ku xusay ahna beeshi madaxweynihii hore dahir rayale,,marnaba ogalan mayno in uu siiranyo iyo inta daba xaabta ee tabacsan ay u xidhan sifo sharci daro ah dadkayaga iyo dhalintayadaba. Hadii ibraahim aamin gadiid lagu haysto musuq masuq maxaa loo qaban wayay wasiiradii iyo madaxdii ka saraysay.
Waxa jira shakhsiyaad aminsan in ay jirto dawlad wax cabudhin karta o raba in ay ku aargoostaan shaadh dawladeed, isla kuwaas aya u maqan ficiladan so noqnoqanaya dhibatada halkaas ka timadana waxa ka masuul ah siiranyo laftiisa. Ibrahim Aamin Gadiid iyo dhalinta kale ee aad bilshka u haysatan ama xoriyadooda u soo celiya ama xamila dhibatada ka timada.
Waa markii ugu horaysay ee aan baq u dirno hada nahay beeshaa rer dudub xukuumada siiranyo madaxweynaha ka yahay, dorashadii waxan u wareejinay sifo aad u quruxbadan hada noogu abal gudaysaan ficiladan nocaas ah. Waa waji cusub oo bilamay, garanna mayno ciday faa,iido ugu jirto.
Waxan hadalkaygii ku soo koobaya ibaraahim amin gadiid waxa lagu haystaa bilaashiyo aargoosi wakhti intaa leeg inuu xidhnaadona waa xaqdaro umana aragno inay somaliland tahay mamul macquul ah waxan u aragnaa jabhad aargosanaysa jabhadna anaga diidnay.
Jamac Ilyas
Email: s.jamac@hotmail.com
