May 29, 2011

Marka Caalamku Somaliland Ictiraafo Ayey Awdal Cabashadeedu Dhameyneysaa, Muddada Ka Dhimana Nabadaan Dhawreynaa Qeybtii 3-aad.

abdirasaaq-xammaal-small Todobaadadii aan kasoo gudubney waxaan qisadan ku soo qaadaney qeybo kala duwan oo saameyn xoogan ku leh nolosha ay wakhti xaadirkan ku nool yihiin bulshadda degan gobolada Awdal, Salal iyo Gabiley waxaanan maanta halkan idiinku soo gudbinayaa qeybtii saddexaad taas oo ka hadleysa Suldaan Saxane oo uu gurigiisa ku soo booqdey nin qurbo joog ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda goboladaas aan magacyadooda korka ku xusney, ninkaasi markuu Suldaan Saxane u soo galey salaan gaaban oo gacan qaad weheliyo ka dib waxa uu ku yidhi “Adeer waxaan ahay nin qurbo joog ah oo goboladan u dhashey.

Dhawaan waxaan ku guuleystey bakhtiyaa nasiib lacageed oo dhan saddex milyan oo dollarka Maraykanka ah, muddo badan waxaa maqalka dhageyga ku batey jid xumo iyo dariiq la,aan haysta guud ahaan gobolkan aan u dhashey gaar ahaana gudaha caasimadan Borama, markii aan lacagtan heley ayaan go,aansadey in aan arrimahaas wax idin kala qabto oo labo milyan iyo badh aan hawshaa dariiqyada hirgelinteeda ku fuliyo (kharash gareeyo) sidaas darteed baan wadanka u imid, maadaama adiguna ka mid tahay salaadiinta waa weyn ee wadanka waxaan rabaa in aad gacan wadanimo igga siiso dhismaha iyo dhameystirka jididka magaalada Borama dhex mara iyo waliba kan isu xidha Camuud iyo Dilla?

Suldaan Saxane oo ninkaas qurbo jooga ah ee dhibaatada gobolkiisa haysta in uu wax ka qabo u soo ban baxey isaga oo u jawaab celinaya waxa uu ku yidhi “Adeer Ninkan yarow waad wanaagsan tahay laakiin waddankani wuxuu soo marey war uma haysid, haddii aan nahay maddax dhaqameedka goboladana waxaan yab yabnaa oo aan kab kabnaa adkeynta nabadgalyada Somaliland maxaa yeeley maah- maah iyo murti hirgashey shirweynihii 1993kii ee Borama lagu qabtey ayaa odhaneysa haddii dhulka la dhiso oo laami lagga wadda dhigo amma la salaxo oo sibiil lagga wadda dhigo nabada Somaliland baa silbaneysa, sidaas darteed wadankeenu maanta waa waddan yar oo curdin ah oo damaquraadiyadiisu dhutineyso inta caalamku ina ictiraafayana umanu baahnin nabad silbata oo miskita taageeda sare ka jabta.
 
Mida kale adeer waxaan maanta kuu bishaareynayaa in uu kaabiga ina soo saarey Ictiraafkii Somaliland oo maalintii dhaweyd ee wasiirka amuuraha dibada Somaliland iyo waftigii uu hogaaminayey loogu yeedhey shirkii gaara ahaa ee maddaxda jamciyada quruumaha ka dhaxeysa kula yeesheen magaalada Nairobi kaaley arag sidda loo qaabiley ee loo soo dhaweeyey Somaliland waxey qabsatey oo waliba si geesinimo wasiirka iyo waftigiisu u yidhaahdeen qaranimada Somaliland waa taam ee beesha caalamku maxey nagga habraneysaa?

Waxaana waftigaas loo balan qaadey in sidda ugu deg dega badan loo aqoonsan doono Somaliland, waxaa kale oo iggu maqaalo ah in madaxweynaheena Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu 18 May khadka telephone-ka kula xidhiidhey maddax sar sare oo uu ka mid yahay Ban Ki-mun (Secretary General of the United Nations) oo uu ku yidhi waa idin sidee Somaliland wey buuxisey shuruudihii dal maddax banaan laggu aqoonsan lahaa ee maxaad la qabaneysaa hirgelinta aqoonsiyaga?

Taas oo Ban Ki-mun uu ka garaabey Somaliland waxey qabsatey ee Nabadu kow ka tahay ee Damuquraadiyadu labo ka tahay ee komishanka qaranku sadex ka yahay ee dhismaha biriijka hargeysa afar ka yahay ee dekada cilmi boodhari shan ka tahay ee ciidamada madaxtooyadu lix ka yihiin ee Labada wasiir iyo Nuska Awdal la siiyey todoba ka tahay ee sadaxda xisbi qaran sideed ka yihiin ee radio hargeysa sagaal ka yahay ee calanka Somaliland oo dhar laga tosho toban ka yahay.
 
Adeer war la,aan baa ku haysee miyaanad ogeyn in xitaa maalin dhaweyd Maddaxweyne Siilaanyo golohiisa wasiirada kulan gaara la qaatey oo ay isla afgarteen in marka Somaliland la ictiraafo waxa ugu horeeya ee ay Wadanka u qabanayaan ay tahay dhameystirka Jidka dheer ee u dhexeeya Camuud iyo Dilla sidaas darteed adeer mar hadiiba ay Xukuumadda maanta jirta damaanad qaadey dhismaha dariiqyada AWDAL waxaan ku odhan lahaa lacagta ha inaga khasaarin.

Waxa kale oo aan adeer intaas kuugu darayaa in dhawaan la furayo xisbiyadii siyaasada ee Somaliland markaa waxaan rabnaa in reerkeenu xisbi gaara furto si aan qeyrkeen ula tartano doorashaooyinka soo socda ee golaha degaanka iyo kuwa kuraasta baarlamaanka ,Sidaas darteed lacagtan wakhtigaas baan u baahanahay ee laba Milyan meel inoo dhig oo waxaad labadaas milyan u qoondeysaa qorshaha furashada xisbiga reerkeena oo magac bixintiisa maalin dhaweyd oo aan fadhiney makhaayadii ilma DULUN FUUL aan isku raacney in aan ka dhigno  xisbiga FULAYAASHA oo aan u soo gaabin doono afarta xaraf ee ah FUSH, Milyanka soo hadheyna dee adeer ka badan adiga, qoyskaaga iyo qaraabadaa.
 
Ninkii qurbo jooga ahaa isaga oo aan ku qanacsaney afkaarta, odhaahda iyo talooyinka ka soo baxey afka waayeelkaas ku magac dheer Suldaan Saxane ayuu gurigii ka baxey wuxuuna si deg deg ah uggu laabtey halkuu ka yimid, laakiin waxa la sheegey oo warar lagu kalsoon yahay warinayaan in labo habeen ka dib Suldaan Saxane oo ka soo baxey Salaad cishaa’i uu hog gaaban oo jidka gurigiisa taga ku dhex yeeley lugta la galey dabadeedna jilibka ka qabey, Waa waayeel oo wadaaq afka ah lagga maqli maayee wuxuu tukubo ku tagey gurigiisa, habeenkii oo dhan waxa uu hurdo la’di waayey laxaw iyo garaac aan kala go,lahayn oo jilibka jaban uu ka dareemayey, markii waagu baryey ayaa waxaa guriga yimid afar wiil oo uu Suldaanku dhaley kuwaasi oo gurmad ahaa ka dib markii ay waa-dhawaadkii subaxaas maqleen in uu odeygii aabahood ahaa habeenkii xaley jilibka ka jabey.

abdirasaaq-xammaal
 
Wiilashii waxey aabahood Saxane ku yidhaahdeen aabo hospitalka lafaha ayaan ku gayneynaa si laguu soo kabo Jilibka, Suldaankii ayaa ku jawaabey aabo horta xaley wixii i gaadheyba waan ladanahay saaka, mar dhaweydna waxaa ii yimid Suldaan Mooge oo yidhi laba beelood baa bariga Somaliland isku dirirey kuwaasi oo dagaalkoodu ka bilaamey barkado biyaha laga cabo iyo kuwo waraabka xoolaha loogu talo galey, markaa Suldaan Mooge, Suldaan Maqane, Suldaan Marmaye iyo Madax dhaqameedyo kale ayaa immika i soo maraya waayo ergo islaam ayaan nahay waxaanan mar dhow u anbo baxeynaa bariga Somaliland si aan nabad ugu soo dabaalno dagaalkaa beelaha walaalaha ah dhex marey.
 
Wiilashii oo yaaban ayaa aabahood ku yidhi aabo adigu waad jaban tahay, mana socon kartid ilaa laggu kabo Jilibka, midka kale haddii ay dad is dagaaleen oo ergo loo baahan yahay waxaa jooga salaadiintii kale oo soo dhex dhexaadin karta, Mana aha arrintaas dagaalka beeluhu arrin masuuliyadeedu kaligaa saaran tahay, markaa aabo soo bax Dr Jabane Lafa-ruug ayaan kuu geyneynaa si uu kuu soo kabo Jilibka, Suldaan Saxane ayaa wiilashiisii u jawaabey oo wuxuu ku yidhi Aabo ictiraafkii Somaliland baa soo dhow oo dalalka ina aqoonsada ayey dawladu ii diri doontaa si jilibka la ii soo kabo ee aabo iska key dhaafa waan iska ii laangadheyn karaa ictiraafka ka hor, waayo aabo waxaan diidayaa in ay nabada Somaliland dhaawacanto inta aan dhakhtarka Dr Jabane Lafa-ruug ku jiro.
 
Suldaan Saxane isaga oo hadalka wiilashiisa ka dhago adeygeya ayuu ka anbo baxey gurigii uu ka deganaa magaalada Borama, Socdaalkaas uu bariga Somaliland ugu anbo baxey si uu uuga qeyb qaato daminta iyo nabadeynta beelaha ku dagaalamey dhowr barkadood oo bariga Somaliland ku yaala waxaa ku wehelinayey Suldaano ay saaxiibo ahaayeen iyo madax dhaqameedyo fara badan hase yeeshee waxaa la sheegey in Suldaan Saxane intii uu jidka ku jirey u geeriyoodey ( infaction ) Miridh ka dhashey dhiiga iyo dheecaanka Jilibka Suldaanku ka jabey oo wadnaha gaadhey.

Hees Baroordiiq ah

Waayeelnimadu wey fiican tahay waayo arageedu
Doqon baa wakhtiga jooga iyo garan wadkeedee
Waraabuhuba wiig buu qadaayoo wabax la mooda
Wasiir, Wasiir iyo Nus i sii waa falaadh cusul oo
Wabah iyo waxey igu noqdeen waran quudhsi ee
Ha ina kala wal waalina oo ha ina kala wareerina
Waayaha iyo aadmigu isma waayi doonaanee.

Fiiro gaara: Inaa lilaahi Wa inaa ileyhi Raajucuun, Marka hore waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uuga tabinayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey Suldaan Saxane oo ahaa Suldaan muddo labaatan sanno ah aad iyo aad uuga shaqeeyey adkeynta nabada Somaliland, Marka xigga wuxuu maankeygu is weydiinayaa su,aasha ah tallow Suldaan Saxane xukuumada Somaliland ma u dhisi doontaa Taalo laggu xasuusto waxqabkiisa waayeelnimo maadaama uu nabada Somaliland oo taam noqota ka hormariyey naftiisa iyo horumarka gobolada uu Suldaanka u ahaa ee Awdal, Salal iyo Gabiley Bal adba?

Dhammaad

Curiyaha Sheekada

Abdirisaaq Mohamed Barkhad

E-mail: rasiiqi07@hotmail.com.

Login