May 29, 2011

Cabashada Beesha Ciise Waa Gar

 Waxaan galabnimadii khamiseed oo bishu ahayd 19/5/2011 akhriyay qoraal ku soo baxay warsidaha kilil5.com oo ka hadlayay cabshada beesha Ciise magarbaa, Mise waa garadaro? Qoraalkaas oo lagu xusay taariikhda iyo dhaqanka Beesha Ciise, dhulka laga riixay, degaanada ay baneeyeen iyo qaxootiga Jabuuti u tageen ee ay ka soo noqon, sida siyaasiintii reerka Ciise u burburiyeen go’aankii ahaa in magaalo madax laga dhigo Diri-Dhabe iyaga oo dhaqaale ka qaatay qawmiyada Oromada, deegaano badan oo Soomaaliyeed oo gacanta loo galiyay qawmiyadda Oromada intii ay masuuliyada hayeen Maxamuud Dirir iyo Cabdi Jibriil oo arrimahaas oo dhan si ciyaala suuqnimo iyo aflagaado ku jirto wax looga sheega.

Qoraalkaas oo dhamaystiran waxaad ka akhriyi kartaa halkan http:/www.kilil5.com/news/27237cabashada-beesha-ciise-MA-garbaa&print waxaan aniguna rabaa, inaan qaawiyo oo banaanka soo dhigo, qoraalkan dusha malabka laga mariyay,dacartuna hoos jiifto ee uu qoray nin magaciisa ku sheegay Yusuf Ciise.

Dhalasho ahaan, reerka aad ka soo Jeedo waa halkeeda, waxaase qoraalkaaga laga fahmayaa in aad ka mid tahay raga u heelan ee safka hore kaga jira, wax kastooy ku qaadato, qiima kastooy ugu fadhido, xitaa haddii sidaas lagu gaadhayo beelo Soomaaliyeed oo la isku dhufto, difaacidda iyo in aad dhaidibada u aastaan oo cimriga u dheereysaan ismaamulka uu hogaanka u hayo Cabdi Maxamuud (Ileey) ee ku sifoobay qabyaalad ku dhaqanka iyo xaqiraada lagu hayo beelaha Soomaaliyeed qaarkood.

Waxaa wax aad looga xumaado ah in aad fidmo abuurtid oo aad isku daydid inaad beelo Soomaaliyeed isku dhufato adiga oo doonaya inaad u seeta dheerayso maamul ay ka cabanayaan beelaha Soomaaliyeed qaarkood, sida reerka Ciise, Samaroon iyo Isaaq.

Waxa hadda socdana, maaha beelo Soomaaliyeed oo horey iskuga dhacay sheekadood, mana joogno meel lagu baranayo cashar taariikheed oo macalinku uga dhaadhicinayo ardayda qaybta isriixriixa dhulka ee beelaha Soomaaliyeed oo tusaale ahaan loo soo qaadanayo beelaha Ciise, Samaroon iyo Isaaq, ee waxaa meesha yaala waa ka hadalka sidii dhabarka looga jabin lahaa oo dhulka loo dhigi lahaa maamulka ku sifoobay qabyaalad ku dhaqanka, sadbursiga iyo dulmiga lagu hayo beelaha Soomaaliyeed qaarkoode oo kaas badalkiisana la dhiso nidaam ku dhisan isku dheelitirka qabaa’ilka Soomaliyeed oo suura galiya sugida nabad galyada, maamulka suuban iyo horumarka shacbiga degaanka Soomaaliyeed u haraadanyihiin.

Beesha Ciise, Samaroon iyo Isaaq waa dad ood wadaaga oo darsi ah oo ehel iyo qaraabo, sedi iyo Abti isku wada ah oo si nabad galyo iyo khilaaf la’aana ugu wada nool halka ilaahay ku beeray, waxayna waayo hore laabeen buuga qulqulatada iyo dirirta iyaga oo aad uga digtoon hadalada ka soo yeedha diradiraale raadinaya dan uu ka dhax fushado, isla markaana aad uga dharagsan in dirirta sokeeye waxa laga dhaxlo ay tahay geerida xanuunka badan ee kugu dhimay oo kaa dhimay iyo in aanay jirin cid kuraysa iyo cid laga reeyo.

Mida kale waxaa xad-gudub wayn ah inaad ka faalooto beel xeerkeeda iyo dhaqankeeda aanad Aqoon fiican u lahay oo si ciyaala suuqnimo ah oo ay Aflagaado ku jirto kaaga soo yeedhaan kana sidana iyo kaasbaa sidaas ah.

Sharaxaad aan ka bixiyo qotonka dhalasho ee beesha Ciise kuma dhamayn karo qoraalkan kooban ee waxay noqon inaan diyaariyo qoraal aan si gaar ah ugaga hadlo, balse hadaan wax ka bidhaamiyo lixda rukun ee reerka Ciise ku taagan yahay waa lixda wiil ee Ceeleeye, Hawlaqaade, Holle, Wardiiq, Hooroone iyo Uurwayne oo dhamaantood ah hanadada aan ku hirano ee Sheekh Ciise noo dhalay, iskumana qaybino laan dheere iyo laangaab ee waxaa xeerkayaga ku jira “ Ciise waa wada Ciise, oo nina nin caaro madheera”.

Taa markaan intaa kaga Gudbo aan u galo doorkii Soomaali Jacaylka ahaa ee beesha Ciise ku la hayd Ismaamulka degaanka Soomaalida, tan iyo waagii siyaasada cusub ee dimuqraadiyadeed ka hana qaaday, dalka Itoobiya sanadaku marku ahaa 1983kii (TI).

Waxaan isku mar (sanad) ahaa tisqaadkii siyaasada furfuran ee dalka Itoobiya iyo burburkii ka dhacay dalka Soomaaliya oo sababay in dadkii Isdilay iyaga oo faramadhan oo qoxooti ah soo galaan gudaha Itoobiya, iyada oo isla wakhtigaana ay abuurmeen ururadii siyaasadeed ee qabiilka ku dhisnaa oo midina midka kale heshiis la ahayn, beesha Ciisana aan ognahay dadaalkii wakhtigii badnaa ee ay galiyeen iyaga oo maskax, muruq iyo maalba ku bixiyay sidii dalad midaysa loogu samayn laha ururadii qabiilka salka ku hayay si loo dhiso maamul Soomaali heshiis ku wadatahay.

Ururka ONLF, marar badan buu codsiyo u soo gudbiyay ururka IGLF, oo uu weydistay in ay dhisaan Dawlad wadaag ah, balse odayaal dhaqameedkii beesha Ciise ee la shaqayn jirey, Allaha u naxariista. Ugaas Xasaan Xirsi oo markaa noolaa iyo madaxdii IGLF oo lagu yiqiin Soomaali Jacaylka waxa ay Ceeb u arkeen inay qayb ka noqdaaan xukumad lagu xaqiraayo beelaha Soomaaliyeed, iyaga oo ku gacmo saydhay codsigoodi Isla maarkaana u sheegay in dantu ku jirto dhisamaha dawlad qabaa’ilka Soomaaliyeed ka wada muqdaan. Mida kale, taariikhda lagama beensheego, Ururka IGLF oo haystay taageerada ugaaska iyo Aqlabiyada beesha Ciise kama qayb Galin kalfadhigii u horeeyay ee lagu qabtay magaalada Diri-Dhabe 1984kii (TI) Iyaga oo ku diiday dhawr arimood:

1. Xildhibaano ka soo baxay 14 degmo oo ka tirsanaa gobolada Liiban iyo Afdheer oo ururka ONLF uu ku sheegay in ay yihiin dad Oromo ah iyada oo ONLF ka cabsi qabto in ay weydo aqlabiyada golaha baarlamaanka, sidaas darteedna loogu ogolaan waayay inay ka qaybgalaan kalfadhigii lagu qabtay magalada Diri-dhabe, taasooy IGLF u aragtay xaqiraad la xqirayo qabaa’iladii Soomaaliyeed ee soo dirsaday xildhibaanadaas.

2. Xaqiiraad ONLF ku haysay beelaha Soomaaliyeed qaarkood, oo si kibir ah u sheegaysay in aanay degaanka waxba ku lahayn.

3. Olole adag oo ay ugu jireen in magaca deganka loo bixiyo Ogaadeeniya, waxaa Fashiliyay Ajandhahaa beesha Ciise iyo beelihi kale ee Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyay foolxumada xishood darada ahayd ee la rabay in la fushado.

In magaalo madaxda laga dhigo Diri-Dhabe waxaa diiday ONLF iyo intii raacsanayd oo uu arkay fursad halkaan jeclaa roob igu eri ah hadalo ka soo yeedhay Dhawiit Yohaanis oo ahaa Af-Hayeenka Golaha wakiilada ee dawlada federaalka oo odhanayay magaala madaxda lagama dhigi karo Diri-Dhabe waayo waxaa ku doodaysa Oromo. Hadaladaas waxaa gaashaanka ku dhuftay madaxdii IGLF oo ku yidhi adiga ka hor ma aanaan maqlin Oromo ku doodaysa Diri-Dhab, warkan aad sheegaysana mid aan Aqbalayno maaha.

Waxaana dhinaca kale Dhawit Yohaanis la Socday Allaha u naxariiste, odaygii la odhan jirey Majeerteen oo markaas ahaa xubin ka tirsan golaha wakiilada ee Dawlada FEderaalka iyo rag kale oo la ololaynayay Dhawit, sidaas bay ahayd sida magaalo madaxda ismaamulka Soomaalida loo geeyay Goday, ee maaha wax ku yimid khuraafaadka kale ee uu sheegayo Yusuf Ciise.

Burburintii maamulkii xaaraanta ahaa ee ONLF waxay beesha Ciise ku lahay door horsed ah oo waxaan ka dharagsanahay sidii loo mideeyay ururadii qabaa’ilka ee Huurso 1986kii (TI) loogu dhisay ururkii leego, iyada oo Soomaali ku heeshiisay in wax lagu qaybsado isku dheelitirka qabaa’ilka oo matalan haddi reerka daarood madxweynaha qaataan in reerka Irir iyo reeraha kalena qaataan gudomiyaha xisbiga, haddi reerka Irir madaxweyne ku xigeenka qaataana, reerka daaroodna qaataan G/kuxigeenka xisbiga, sidaas oo kalena hoos loogu dhaadhaco waxaa xusuusin iga ah xisbiga hadda talada haya ee X.D.SH.S waxaa uu ka dhashay midowgii leego iyo ONLFta nabada qaadatay.

Waxaa lagu celeeliyaa oo aan marar badan mararbadan maqlaa, mudadii Cabdi Jibriil M/Weynaha ahaa, Cabdi Jibril marna ma noqon M/wayne Sharci ah oo golaha Xil-dhibaanadu ansixiyeen ee waxa uu ahaa ku sime M/weyne Muddo dhan labo sano iyo wax lajira ka dib markii qiimayn lagu eryay M/wayne Cabdirashid Duulane Rafle oo Cabdi Jibriilna ku xigeenkiisa ahaa. Waxaa dhacday Mudadii Cabdi Jibriil hayay xilka ku simha m/waynaha D.D.S, in laga qaado Afti, Shacbigii ku noolaa degaanada ay ku muransanaayeen Soomaalida iyo oromada oo ay ansixiyeen golaha kaabineetka.

Waxaa la hayaa caddayn qoraal ah oo laga heli karo arkiifka D.D.S, natiijadii ka soo baxdayna waxa ay ahayd cadho ka timid oo muujineysa sida loo karhay qabka ku jira iyo kibirka haya reeraha isbiday in iyagu yihiin aqlabiyada degaanka, islamarkaana xaqiraada iyo dulmiga lagu hayo gaadhsiyeen In ay beelaha Soomaaliyeed qaarkood qaataan go’aanka ah in ay ku biraan Oromada sida Jaarsada oo kale, ee maahayn mid Cabdi Jibriil inta uu gacanta qabtay ku qasbay Oromo u footeeya.

Wakhtigan aan joognana haddi arrimuhu sadaas ku sii socdaan waxaa soo bixi beelo kale oo Soomaaliyeed oo sida jaarsada oo kale dariiqa ku soo jira oo yeelaya wixii la gudboon ee sharcigu u fasaxayo, sidoo kale mudaddii Cabdi Jibriil uu masuuliyada ku simaha M/waynah hayay waxa uu hir-galiyay hoos u dhaadhicinta maamulka (decentralization ) oo gaadhsiyay degmooyinka.

Musuqmaasaqa degaanka ka jira ee la dagay maaha mid misaan la saari karo oo la odhanayo kanba kan ka musuqmaasuq badnaa, hadana Cabdi Jibriil Miskiin, marka la barbardhigo Madaxweynayaalka Libaaxyada Ogaadeen eek u barbaaray wax boobka, ee marka ay boob noqoto sida aarka uu booda. Madaxwayne kasta waxaan muddadiisii ku xususaneynaa nin u milyaneer ka dhigay.

Haddi aan dhawr ka xusno muddadii Khaddar Macalin waxaa soo baxay Ibraahim Xaad (Khadar sedigiis ahaa) muddadii C/laahi Lugbuur waxaa soo baxay Dr. Gaani (Lugbuur qaraabadiis ahaa) wakhtigan aan joognoo ee Cabdi Maxamuud waxaa soo baxay Najiib Shaalqabeen (Cabdi maxamuud Sediyadii ah) oo la sheego inuu yahay ninka ugu taajirsan degaanka kolka lacagtiisa iyo tan u Cabdi u hayoo la isku daro.

Sida qaraalo qaarkood aan ka akhriyayna wali kama dhicin sida Cabdi qaraabadis u naas nuujiyo nin u naas nuujiya oo madaxweyne ah, waxa iyana jira dad ay ka jajabneyd wakhtigii ismaamulkan la dhisayay oo maanta milyaneero ah oo guryo qasriyo lagu sheego ka dhisay Jigjiga, Diri-dhabe iyo Addis Ababa oo dhamaan guryaahaasina yihiin kuwa lagu dhisay hantida qaranka iyo shacabka laga boobay oo booli qaran ah.

Saddexda madaxweyne ku xigeen ma wafaaqsano dastuurka dib loo habeeyay ee D.D.S, Go’aano horana way jireen ee xildhibaanada D.D.S, dib ha u eegaan Go’aanada ka soo baxa ee burinaya ama ka hor imanaya qodobo ku jira dastuurka u dejisan D.D.S.

Sidoo kalena 15ka degmo maaha kuwa ku yimid daraasad dhab ah oo degmo marka la ansixinayo waxaa loo eegaa shuruudo dhawr ah oo mida hore tahay baaxada dhulka ay ku fadhido iyo tirada dadwey dadweynaha ku nool, mid labaadna dhakhliga degmadaasi soo xerayn karto iyo mida sadexaad oo ah kaabayaasha dhaqaale (infrastructure ) ee degmada ka jira, 3da M/kuxigeen iyo 15ka degmoo macno kale malaha oo aan ka ahayn in la sii xoojiyo nidaamka ku dhisan sadbarsiga oo awooda oo dhan gacanta laga galinayo reerka ka soo jeeda ONLF haddi la sii dhaafana Absame.

Marka aad jawiga hadda ka jira degaanka u fiirsatid waxaabad moodaa in laga tagay oo laga fogaanayo nidaamkii Xisbinimo iyo dawladanimo oo loo kala baxay reero la dhacsan sida wax usocdaan oo difaacaya nidaamka ku dhisan sadbursiga iyo reero ka biyo diidsan sida wax loo wado oo dulmi tirsanaya.

Ugu danbayn waxaan ku talin lahaa been iyo khuraafaad soconimaayaan, dawalad reer kaliya ahina tabarinmayso, waxay shidaal u noqon kaliya boobka hantida umadda ee ha la dhagaysto cabshada garta ku joogta ee beesha Ciise iyo beelaha kale ee Soomaaliyeed. Haddii kale ha loo diyaar noqdo in la liqo kiniinka qadhaad ee kala taga ah oo ha la iskugu duceeyo in reer waliba danihiisa jirto. Cabashada beesha Ciise waa gar, waxayna dhabarka ka jabineysaa, nidaamka ku dhisan sadbursiga iyo Isdulmiga.

By Kaamil Cigaa

Email: lim1@live.no

Source: www.kilil5.com

Login