April 30, 2011

Xidhibaan Reer Awdal ah oo Lagu Edeeyay Inuu Ku Lug Leeyahay Doon Ku Xayiran Saylac Iyo Dacwadaha Loo Haysto.

Badhtamihii bishii aan ka soo gudubnay doon ku soo xidhaatay dakada Saylac oo sidey shixnad shidaal ah oo lagu xayiray dekadaas,kadib doontan oo uu maxakamadda degmada Saylac uu ka dacweeyey ganacsade sheegtay in nin carab ahi hanti ka dhacay.

Doontan oo tan iyo maalintaa iyada iyo rarkii ay sideyba ku xayiran yihiin gudaha dekada Seylac isla markaana mulkiilihii doontaasi iyo ganacsadaha dacwadaas watey waxa ay markii ugu horeysay dacwadi uga bilaabantay G/Awdal taasi oo natiijadeedii noqotay in mulkiilihii doontaasi xabsiga loo taxaabay, balse dareenada ka soo yeedhaaya ganacsatada gaarka u lahaa shidaalka ay doontaasi siday ayaa waxa ay sheegayaan in uu dacwada doontaas loo haysto ka qayb yahay xildhibaan ABIIBAKAR CABDI GOOD oo ay isku hayb yihiin ninka doonta sababtiisa loo xidhay.

Sidii ay ku bilaabantay arintani ayaa ay sheegeen in gabi ahaanteedba uu gacan ka geystay xildhibaankaasi,una huwadey shaadh dawladeed. Waxana arintaasi ay sheegeen in ay cadayn u tahay suurtogalnimada dacwadaas iyo xubnaha hay’adaha garsoorka iyo amniga ee lug ku lahaa dacwadaasi in ay yihiin dhamaanba kuwo wadaaga hayb qabiil, halka qaar kale oo ganacsatada kamid ahi ay sheegayaan in hada kahor arin noocan oo kale ah oo ganacsato reer Awdal ah kala kulantay lughaya, kuwaas oo la xayiray xoolahoodii, sababtuna ahayd dacwad noocan oo kale ah oo lagu sheeganaayo carab dhacay iyo ninka ku dacwiyayay iyo xildhibaanka Abiibakar in ay ka qayb ahaayeen.

Si kastaba ha ahaatee, arimahan la xidhiidha dacwadaha iyo xildhibaanka, ayaa dadka qaar waxa ay is weydiinayaan in ay la xidhiidho aargoosi siyaasadeed oo lagula kacaayo ganacsato hayb  wadaagta iyo in ay tahay mid ka turjumaysa siyaasada dawlada si aan wax loogala soo deign dekadaha gobolada galbeed.

Harowo Borama Desk

Login