April 30, 2011
Suldaanka Guud ee Beesha Bahabar Celi, Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye, oo Saaka Lagu Xidhay Amar Ka Soo Baxay Madweyn Ku Xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici.
”Maalin Alla Maalinta La Isoo Daayo, Waxan Taageeri Doonaa Awdal State, Hadii Eeebe Idmo.” Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye
Boorama (Harowo) - Suldaanka Guud ee Beesha Bahabar Celi (Maxamed Case), Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye, ayaa saaka barqadii loo taxaabay jayl ku yaal sadhiga dhede ee Bilayska magaalada Boorama. Xadhiga Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye, ayaa dabo socday shir Jaraa’id oo uu dhawaan ku qabtay magaalada Boorama, kuna duray Beesha Jibriil Yoonis.
Xadhiga Suldaanka, ayaa sida wararku sheegayaan waxa ka dambeeyay madaxweyne ku xigeenka Somaliland mud. Cabdirxmaan Saylici, isaga oo sida la sheegay ugu balaan qaaday odayo ka mid ah beesha Jibriil Yoonis oo ay shalay khadka telephoneka ku wada hadleen.
Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye, ayaa sida uu shirkii jaraa’id ee uu dhawaanta qabtay ku sheegay inay xigto yihiin madaxweyne ku xigeenka Somaliland, isla markaana uu u qabtay shirka Jiraa’id inuu ugu hiiliyo Cabdiraxmaan Saylici, oo uu ka difaaco waxa uu suldaanku ku sheegay “dhaliilo xad dhaaf ah oo kaga imanaya beelaha siyaasad ahaan ka soo horjeeda”, kuwaas oo inta badan lagu tilmaamo inay yihiin Jibriil Yoonis.
Waa suldaankii sedexaad ee ka soo jeeda beesha Bahabar Celi ee lagu xidho magaalada Boorama amar ka soo baxay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylci, iyada oo dhawr bilood ka horna sidaas oo kale loo xidhay suladaan Axmed Ciye Dharaar, kana mid ah slaadiinta aadka looga yaqaan gobolada Awdal iyo Salel. Suldaan Axmed Ciye Dharaar, ayaa jaylka Boorama laga sii daayay, ka dib markii uu ku xidhnaa mudo labo asbuuca, isaga oo aan maxakamad la soo taagin.
Tan iyo intii ay xukuumada Siilaanyo talada dalka qabsatay, ayaa waxa isa soo taraya xadhiga salaadiinta, dhalinyarada, aqooyahanka iyo suxufiyiinta Reer Awdal. Waxaana waayadan dambe caado noqotay dad lagu xidho tuhun, wanjalaad, aargoosi iyo malo awaal, kuwaas oo inta badan ka dhaca magaalada Boorama. Dadkan qosol jabka lagu xidhayo, ayaa marka dambe la sii daayaa, iyaga oo aan dambigii lagu soo xidhay lagu cadayn, maxakamadna la hor keenin.
Dhinaca kale, Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye, ayaa dad jaylka kula hadalay ka soo weriyeen inuu ka qoomamaynayo taageerada Cabdiraxmaan Saylici ee maanta u horseeday in xabsiga loo taxaabo. Sidoo kale ayaa waxa suldaanka laga soo weriyay inay yaab iyo fajac ku noqotay in xukuumadii uu difaacayay ee uu islahaa cadowga ka ilaali ay isagii maanta xidho.
Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye, ayaa sidoo kale waxa laga soo weriyay inuu nidar ku galay “in maalinta la soo daayo uu taageeri doono Awdal State, maadaamo oo ay xukuumadii aan ka difaacay anigii ay dib iigu soo noqotay.”
Harowo Deska, Boorama
