April 30, 2011
Siilaanyo oo Qadiyadii Somaliland Jar Ka-tuuray, Ka Dib Markii uu Calankii Soomaaliya Ku Qaabilay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Kuwait
Madaxweynaha Somaliland oo socdaal shaqo ku jooga wadanka Kuwayt ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibeda ee kuwayd Mohammad Sabah Al-Salim Al Sabah. Madaxweynaha Somaliland Siilaaanyo ayaa ku qaabilay Calankii Soomaaliya Wasiirka arimaha dibadda ee Kuwait taasoo meelkadhac weyn ku ah qadiyadii Somaliland iyo gooni isutaageedaba, loona fasiran karo inuu madaxweyne Siilaanyo ka tanaasulay Qadiyadii Somaliland.
Waa markii ugu horeeysay taariikhda ee masuul ka tirsan Somaliland qaato Calanka Jamhuuriyadda Somalia.
Arrihan ayaa soo baxaysa dareeno badan oo dadku ka qabeen siyaasada cusub ee uu u janjeedha Somaliweyn ee ay la soo baxeen tan iyo intii uu xukunka la wareegay maamulka cusub ee uu hogaaminayo madaxwenyne Siilaanyo.

