April 30, 2011
Sawirkii Dhabta Aha ee Ku Gedaaman Siilaanyo & Socdaalkisa uu Ku Yimi Dalkan Kuwait.
M/weynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa salaasadii dhoweyd ee taariikhdu ahayd 26-4-2011 yimid dalkan Kuwait, hadaba sidee ayuu ku yimi? xagee bayse salka ku haysaa booqashadiisu?
Saxaafadaha somalida amaba webabka somalida inta badan waxay caado ka dhigteen amaba lagu yaqaan inay saxaafada ku dabaqaan waxa ay jecel yihiin & siyaasad ahaan sida ay wax u jecel yihiin inay u dhacaan waxaana marar badan arkaysaa web ama jariirad had iyo jeer warar qorta wararkaasina ku qotomaan meesha iyo kooxda uu siyaasad ahaan taagersan yahay taasoo inta badan ay kaga fogaadaan xaqiiqda wararka ay ka waramayaan.
Hadaba, akhristow qoraalkani waa mid ka duwan saxaafadaha soomaalidu caadaysatay qoraaladooda waana war aan shaxaad & buun buunin lahayn waxana loo soo diyaariyey siyaabo ku qotoma xaqiiq & xogogaalnimo.
Aan ku horayno dalkan Kuwait & xidhiidhku mudo dheer la lahaa Dalka & dadka Soomaaliyeed.
Ugu horayn Amiirka dalkan Kuwayd sheikh Sabah Al- Ahmed Al-Jaber waa nin saaxiib dhow la ahaa dawladii ugu danbaysey ee Soomaaliyeed ee uu hogaaminayay General Siyad Bare. Waxaa dad badani ku xusuusan karaan dalkan Kuwait qabsashadii ay qabsatay dawladii Ciraaq ee uu madaxweynaha ka ahaa Saddam Hussein sanadii 1990. Wakhtigaas waxa dawladaha carabtu iskaga horjeesteen qabsashadii Ciraaq ay qabsatay Kuwait, iyadoo dawlado ka mid ahaa kuwii carabtu xiligaa ay taageereen Ciraaq, xaga kuwa badan oo kalena ay taageereen inu Saddam Hussein kala baxo ciidamadiisa dalka Kuwait.
Hadaba, dawladahaas taageeray in Ciraaq ay ciidamadeeda kala baxdo Kuwait wadamadii taageeray waxa ka amid ahaa dawladii Soomaaliyeed ee markaa jirtay, taasoo ay sii xoogaysatay cilaaqaadkii Soomaalida & reerka xukunka dalkan iska leh iyo guud ahaan dawlada Kuwait & shacabkeeda.
Waxaa iyana aan xusuusta ka maqnayn in Amiirka wakhtigan ee dalka kuwayd uu hanti Beereed ku lahaa dalka Somalia gaar ahaan Afgooye halkaas oo uu ku qaadan jiray fasaxyadiisa ka hor intaanu noqon amiirka dalkan oo uu ahaa nin mudo dheer ka soo shaqeeyey Wasaarada Arimaha Dibada ee Kuwait isagoo ahaa mudo lagu qiyaaso 40 sanadood in ka badan Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada ee Kuwait, dadka qaarkiina waxayba ku macneeyaan diplomaasigii uga wakhtiga dheeraa oo ka shaqeeya Arimaha Dibada .
Aan u soo noqono Amiirkan dalkan Kuwait Sheikh Sabah Al-Ahmed Al-Sabah, waxa uu dhalay laba wiil oo magacyadooda la kala yidhaahdo sheikh Nazir Sabah ahna Wasiirka Madaxtooyada ee Kuwait & Hamed Sabah oo ah businessman amaba ganacsade xoolo badan leh si weyna looga yaqaan dalkan Kuwait. Hadaba Sheikh Hamed Sabah oo ah ganacsade weyn amiirka dalka kuwaydna uu dhalay waxuu Beer ku leeyahay magaalada shiikh ee gobolka togdheer, halkaasoo oo wakhtigii u baahdo ku tago diyaaradihiisa khaas ka ah kuna soo qaato wakhti nasasho .
Yaa isku xidhay Maamulka Somaliland & wiiilka Amiirku dhalay ugu horayntii?
Waxaa Amiirka Kuwait saaxiib dhow la ah qaar ka mid ah saraakiishii NSS Nabad-sugidii Qaranka saraakishaas oo xilal sare ka hayay dawladii Kacaanka sida ilaalinta iyo la socodka marti sharafta, & diplomaciyiintii kale ee ka hawl gali jirtay caasimadii Somalia.
Ugu danbayntii Axmed Siilaanyo waxaa marti qaad khaas ah ku kenay wiilka amiirka Kuwait dhalay ee ganacsadaha ah Sheikh Hamad Sabah Al-Ahmed wuxuuna uu u diray diyaaradihisa khaaska ah mid ka mid ah, waxayna kasoo degisay qaybta madaarka VIP da ee gaarka ah maadaama uu wiilka Amiirku dhalay martiqaadka lahaa, mana jirin hab maamuseed kale waxana soo dhoweeyey wiilka Amiirku dhalay & Cumar Xaaji Cali oo ka mid ahaan jiray saraakiishii NSS ee dawladii Soomaaliyeed, wakhtigana ka shaqeeya safaarada dalka Kuwait ku leedahay UK. Cumar Xaaji Cali waxuu ahaa isku xidhaha madaxda maamulka Somaliland & wiilka Amiirku mana jirto hab maamuuseedka kale oo dawladnimo oo la siiyey Mr. Siilaanyo & dadkii la socday ka dibna waxa loo galbiyey hotel uu si khaas ah u leeyahay wiilka uu dhalay Amiirku laguna magacaabo Marina Mall Hotel. waana hotelada lagu qiimeeyo 3 Star ee adeegoodu aadka u hooseeyo mana aha hotelada aadka u sareeya e 5 stars.
