April 30, 2011

Olale Nadaafadeed oo ay Maanta Dadwayanaha Reer Boorama, Dawlada Hoose Iyo Shirkaduhu Iska kaashadeen, Ayaa Ka Blilaamay Boorama

samall Boorama (Harowo) - shirkada Biyaha ee shaaba oo loo qayb shay galbeedka Boorama inay qashinka ka nadiifiso, ayaa notay shirkada maanta ugu shaqada bayd nayd ee shaqaalaha shaaba oo dhan laba galin maanta ku qaadatay sidii ay u nadiifin lahaayeen xaafadaha galbeedka Boorama.

Aadan Hoori (Curaagte), oo ka mida saraakiisha shirkada shaaba, ayaa warbixin siiyay saxaafada Awdal, isaga oo dhax jooga halka qashinka laga gurayo ayaa sheegay in shirkada biyaha Boorama iyo shaqaalaheedu si weyn uga qayb qaadanayaan ololaha nadaafada boorama, gaar ahaan xaafadaha galbeedka sida sheekh cismaan iyo meelo kale. Waana dhulka uu yaalo qashinka ugu badanai waxanan diyaar u nahay hadaanu nahay shirkada shaaba in aan maanta oo dhan wakhtigayaga ku qaadano nadaafada iyo gurida gudaafada xaafadahan.

Maamulka dowlada hoose ee ay horkacayaan maayarka Deg/Boorama C/raxmaan shide iyo xoghaya cusub ee dawlada Hoose c/kariim sheekh Cimaan, ayaa horkacayay dad wayanaha aan maanta ukala hadhin ololaha nadaafada magaalada, sidoo kale waxa maanta ka qayb qaatay shirkadaha kala duwan ee ka jira magaalada iyo ardayada dugsiyada oo qayb libaaxle ka qaatay nadaafada Boorama.
 
Sidan maanta dad waynuhu iskugu soo baxeen ololaha nadaafada boorama horay uma dhici jirin waxana sababtaa guusha lagu tilamaamay abaabul xoogle ka galay xoghayaha cusub iyo dhamaan maamulka deg/boorama oo maal mahan waday wacyi galin ah waday in loo diyaar garoobo nadaafada Boorama.

pic_0037

pic_0035

pic_0034

pic_0031

pic_0024

pic_0023

pic_0022

pic_0021

Login