April 28, 2011
Faallo: Way Adagtahay Gaaritaanka Horumar Nolosha Shacabka Wax Ka badala Ismaamulika Soomaaliada Itoobiya, Hadaan Wax Laga badalin Tiirasha Siyaasada Deegaanka.
Aqoonyahanka deegaanka ee gudaha iyo dibada iyo waxgaradka bulshada ee guud ayaa dhaliilsan tiirarka siyaasada deegaanka ku fadhiyo. Ismaamulka Soomalida ayaa waxuusan lahayn siyaasad qaybsan oo qayba qaybta kale ka madaxbanaantahay si loohelo isku dheelitir iyo awood qaybsan. Siyaasada deegaanka ayaa waxaysan lahayn kalabax qaybaha kaladuwan ee dawlada sida maamulka hogaanka siyaasada (executive branch), baarlamaanka degaanka (legislative branch) iyo cadaalad soorka ama maxkamadaha (Judiciary branch).
Sidoo kale, laamaha dawlada ee qaabilsan amniga ayaan ahayn kuwo madaxbanaan. Tusaale, baarlanka deegaanka ayaan ka madaxbanaanayn madaxwaynaha deegaanka, iyada oo kolba madaxwaynaha deegaanka hogaamiya uu u yeedhiyo waxa uu rabo iyo go’aamadiisa. Sidoo kale, maxkamadaha deegaanka, ayaa saraakiisha nabadgalyada, madaxda sare, iyo gudoomiyayaasha goboladu ay u yeedhiyaan fulinta go’aamada sharciga kolba sida ay rabaan iyada oon latixraacaynin dastuurka deegaanka iyo wadanka Itoobiya.
Nidaamkan siyaasadeed ee deegaanku ku dhisanyahay, ayaa waxay keentay isdhexyaac siyaasadeed iyo xadgudubyo ka dhashay nidaamkan siyaasadeed oo ku dhaca shacabka deegaanka iyo mas’uuliyiinta sarsare qudhooda, marka laga maarmo ama iskudhac shaqsiyaadka awooda sare uu yimaado. Tusaale, xafiiska madaxwaynaha maanta waxuu madaxwaynaha deegaanka awood u siinayaa inuu xidho qofkasta ama wasiir deegaan ahoow ama shaqsi raaciyad ah ahoow.
Sidoo kale,nidaamka siyaasadeed ee maanta deegaanka kajira waxay awood usiinayaa ciidamada booliska, kuwa sirdoonka iyo ciidanka Liyuuga inay shaqsi kasta gurigiisa kala bixi karaan, danbigay rabaan u sameeyaan, xabsigana dhigaan mudada la doono, iyada oon maxkamad lakeenin.
Dadbadan ayaa waxay iswaydiinayaan maxaa ku dhacay sharcigii wadanka ama deegaanka, mise miyaysan jirin sharci lagu dhaqmo deegaanka? Jawaabtu waa haa iyo maya. Haa oo deegaanka iyo wadankuba sharcibay leeyihiin, sifiican u qeexaya sharciga, waxaan sharci ahayn iyo xaqa qofka muwaadinka, hase yeeshee nidaamka siyaasadeed ee ismaamulka Somalida Itoobiya ka jira, ayaa waxuu yahay nidaam aan la gubarbaarin u hogaansanka dastuurka deegaanka iyo wadanka.
Nidaamka siyaasadeed ee deegaanka ka jira, ayaa waxaa weeye nidaam lagu barbaariyay ama lagu dhisay kor u qaadista awooda shaqsiga hogaanka deegaanka haya, ka saraynta dastuurka iyo gacan bidixaynta (madaxbanaanida) waaxyaha dawladeed ee la rabay inay u adeegaan dastuurka iyo ku dhaqankiisa, gaar ahaan maxkamadaha iyo laamaha nabad sugida (qaybaha kala duwan ee booliska). Madaxbanaani iyo dhexdhexaadnimo maxkamadaha iyo qaybaha kala duwan ee nabad sugida iskadaaye, waxay yihiin kuwo u adeega kolba qofka madaxwaynaha deegaanka iyo qofka ah hogaanka xafiiska nabadgalyada iyo cadaalada.
Nidaamkan siyaasadeed ee ka dhisan deegaanka ismaamulka Soomalida wuxuu keenay in muwaadinkasta maanta xabsiga ladhigi karo, isaga oon la horkeenin maxkamad, muwaadinka ugu roona cadaalada uu helayo ay tahay in maxkamad la horkeeno maalinka danbiga la gusoo oogo, isla maalinkaasna la xukumi karo sanado badan. Waxa maanta caado ah in qof aad xafiiska kawada shaqaynayseen ama aad guri kuwada noolaydeen inaad ka warhesho in laxiray, maxkamad la geeyay, kadibna sanado lagu xukumay, isla maalinkaasba.
Cadaalada noocan ah waxay ka jirtaa ismaamulka Soomalida. Dastuurka deegaanka iyo wadanka waxaa ku cad ilaalinta xoriyada shaqsiga iyo xuquuqdiisa. Hadaba siday ku dhacday ku xadgudubka muwaadiniinta deegaanka? Jawaabtu waxaa weeye dastuurku waa qalin lagu qoray warqad, micno ma soo kordhinahayo dastuur warqad ku qoran hadaan la helin dhaqan iyo nidaam dawladeed (siyaasadeed) iyo mid maamul oo hirgaliya ama dhaqan galiya dastuurka warqada lagu qoray.
Waxa loo baahanyahay abuurista madax banaanida iyo dhaqan galinta qaybaha dawlada ee u adeega dastuurka iyo ku dhaqankiisa (independence of the judiciary and law enforcement agencies). Ilaa intii la dhaqangaliyay ismaamulka Soomalida, maynaan arag xukuumad isku dayda inay kobciso ama dhaqangalisa saraynta sharciga iyo dastuurka deegaanka iyo wadankaba.
Xukuumadkasta waxay xooga saartay siday kor ugu qaadi lahayd awooda xafiiska madaxwaynaha iyo dhaqankasta oo hoos u dhima madaxbanaanida iyo awooda laamaha sharciga iyo dastuurka deegaanka u adeega. Nasiib wanaag, xukuumadkasta waxaa riday nidaamkan siyaasadeed ee ka sareeya dastuurka deegaanka, waxaana loo adeegsaday laamahan dawladeed een madaxa banaanayn, iyada oo dastuurka waraaqda aan dhaafsiisnayn laamahan dawladeed ee sharciga loogu isticmaalay kolba siyaasadii markaas larabay.
Madaxwayne Cabdi Maxamud Cumar oo aad loogu hanwaynaa inuu waxkabadalo tiirasha foosha xun ee siyaasada ismaamulka Soomalidu ku qotomaan ama ku dhisanyahay,ayaa isaguna wadadii xukuumadihii kahoreeyay cagta saaray. Madaxwaye Cabdi Maxamud Cumar, ayaa waxuu kor u qaaday awoodii xafiiska madaxwaynaha, isaga oo dhimay madaxbanaanidii laamaha u adeega dastuurka.
Sidookale, madaxwaynaha ayaa la odhan karaa waxuu hirgaliyay in laamihii dawlada deegaanka ee la rabay inay abuuraan ama xoogiyaan dastuurka (baarlamaanka deegaanka), ayaa waxuu ka dhigay kuwo u adeega xafiiska madaxwaynaha. Waxaan sidoo kale shaki kujirin inaan horumar la taaban karo oo dhaafsiisan hadal uusan ka hirgali Karin deegaanka hadaan la dhaqangalin nidaam dawladeed oo dhaafsiisan shaqsiyaadka awooda deegaanka ugu sareeya, oo hirgaliya nabadgalyada, xoriyada iyo hantida shaqsiga iyo nidaam siyaasadeed iyo mid maamul, oo abuura ku kalsoonaanta siyaasada ismaamulka soomaliyeed mustaqbalka dhow iyo midka fog.
Xukuumada Cabdi Maxamud Cumar iyo dawlada dhexe ee Itoobiya, ayaa waxay wadaan hanaan la rabo in lagu soo xerogaliyo maalqabeenada qurbaha ee ka soojeeda deegaanka iyo wadanka iyo waliba shirkadaha caalamiga ah. Hase yeeshe, marka aad dib u daraasido wadamada horumaray ee reer galbeedka iyo Aasiya, waxay dhamaan ka simanyihiin abuurista iyo dhaqan galinta nidaamka dastuuriga (Siyaasada wanaagsan ama dawliga ee ku salaysan saraynta dastuurka iyo xoriyada shaqsiga).
Waxaan la iska indho tiri Karin inay adagtay in lasameeyo nidaam dastuuri ah hadaan la dhaqan galin laamaha dawladeed ee u adeega dastuurka iyo fulinta sharciga. Sidoo kale, waxaa qasab ah in laamahan dawladeed ay noqdaan kuwo ka madaxbanaan xafiiska madaxwaynaha (Executive branch). Waxa hubaal ah hadaan la helin dhamaan waxa aan kor ku soo falanqeeyay, inay adagtahay in la gaadho horumar wax ka badala nolosha shacabka deegaanka. Sidoo kale, waxaa adag in uu fulo qorshaha xukuumada ee ah in qurbajoogta deegaanka ka soo jeedo iyo ajaanibta kaleba ay deegaanka maal gashadaan.
Waxaan anigu saadaalin in qurbajoogta deegaanka ku soo laabata hadaan wax laga badalin tiirasha siyaasada deegaanka ku dhisanyahay ay noqon doonaan qurbajoogta rabta musuqmaasuqa, hantidhaca iyo xoolaboob (siyaabo kala duwanba ha uga qayb qaateen dhaca, sida qandaraas qaadasho aysan rabin inay fuliyaan siyaasada qabiilka oo hanti lagu dhaco, ka qayb qaadashada musuqmaasuqa kajira deegaanka iyo iwm iyaga oo kadibna deegaanka iskaga dhoofa markay hantida dhacaan, sida in badan aynu aragnay).
Tusaale, kalsooni darada ka jirta siyaasada guud ee deegaanka, xitaa madaxda sare kuma kalsoona inay maalgashadaan deegaanka, iyaga oo hantidooda u dhoofsada oo maal gashada Diredawa, Addis Ababa,ismaamulka Oromia iyo wadamada jaarka la yahay ee Somaliland, Kenya (Nairobi, Garissa) iyo Uganda (Kambala).
Madaxwayne Cabdi Maxamud Cumar, waa mas’uul u horseedi kara deegaanka dhamaan arimaha aan kor ku falanqaynay haduu go’aansado ama daacad ka noqdo, waayo waa mas’uul qaadan kara talaabooyinka adag ee u baahan geesinimada iyo adkaysigeeda. Sidoo Kale, Madaxwaynuhu waxuu hirgaliyay talaabadii ugu muhiimsanayd ama ugu adkayd: nabadgalyada deegaanka. Waxaan shaki igagajirin haduu rabo ama aaminsanyahay muhiimada ay nidaamka dastuuriga u leeyahay mustaqbalka deegaanka, in madaxwayne Cabdi Maxamud Cumar uu u horseedi karo dawlada ismaamulka Soomalida.
Su’aashu waxa weeye madaxwaynuhu ma arkaa muhiimada ay wax ka bedelka tiirarga siyaasada ay u baahantahay ama muhiimada ay u leedahay horumarka deegaanka dhinac siyaasad, dhaqaale iyo mid bulshaba?.
Waxa hubaal ah sida kaliya ee looga gudbi karo isticmaalka qabiilka burburiyay Soomali meel ay joogtaba iyo musuqmaasuqa dhaqanka u noqday nolol maalmeedka shaqsiga Soomaliga ee saamaynta wayn ku yeeshay horumarka Ismaamulka Soomalida Itoobiya, inay tahay abuurka nidaamka dastuuriya iyo dhaqan galinta laamaha madaxa banaan ee u adeega dastuurka sida aan kor kusoo xusnay.
Waxaynu wada ogsoonahay sababta shacabka Soomaliyeed qabiilka uga horaysiiyay dawladnimada ay tahay, shacabka oon waligood arag dawlad Soomali maamusho oo dastuur lagu maamulo, cadaalad iyo sinaana ugu adeegta dhamaan dadka astaanta Soomaliyeed wata.
Farhan Mohamud - Minneapolis, USA
kilil5 Online
