April 28, 2011

Dooni ay Ganacsato Reer Awdalihi Lahaayeen Iyo Shixnadii Saarayd oo Xukuumadda Siilaanyo Ku Xanabtay Dekada Saylc

Harowo (Saylac) - waxa ku soo xidhey doon dekeda Saylac 25/3/011, taasoo sidey shixned shidaal ah oo ay leeyihiin ganacsato reer Awdali. Doontan ayaa sida la sheegey maxkamada degmeda Saylac xayirtey iyada iyo shixnadii ay sidayba ka dib markii maxkamadaas uu ka dacweeyey nin kale oo ka mid ah ganacsatada reer Awdal ah oo magaciisa la yidhaah Xasan Muuse Fariid, oo ku doodayey in uu doontan iska leeyahay nin Carab ah oo hada ka hor isaga hanti ka dhacay.

Maxkamada Degmada Saylac. ayaa iyadoo aan gudo galin dacwadaas si lama filaan ah waxay ugu soo gudbisay mulkiilaha doontaas oo ah nin carab ah oo magaciisa la yidhaah Axmed Cabdala Axmed, una dhashey Dalka Yemen iyo mudicigiiba Maxkamada Gobolka Awdal ka dib markii ay maxkamadu eegtay 15-04-2011 arintaas, ayna dhagaysatay dacwada labada dhinac.

Aadan Ismacil Faarax oo ka mid ahaa hantiilayaasha shidaalka ay siday doontaasi ayaa hadal uu warbaahinta siiyey waxaa uu ku sheegay in ninka mudiciga ah Xasan Muuse Fariid markhaatiyadii uu horkeenay Maxkamada wax danbi ah aanay cadayn, sababtoo ah  muducigu ninka uu ku sheegay in uu wax ka dhacay ma uu ahayn ninka mulkiilaha doonta ah, waxna uu maxkamada horteeda keenay cadaynta in uu isagu leeyahay doonta.

Taas oo aan filaynay maadama ay tahay dacwadu mid madani ah in ninkan Yemeniga ah ee doonta iska leh horay laga sii daayo balse xabsiga loo taxaabay arintaasi oo aanan garanayn ilaa hada sida ay u dhacday.
 
Sidaas darteed, waxa uu ka dalbay ganacsade Aadan Ismacil Faarax oo ku hadlayey magaca hantiilayaasha ay doontu u rarnaynd in xayiraada laga qaado, shixnada ay sido doontaasi isla markaana xoriyadiisa loo soo cesho, ninka Yemeniga ah ee doonta iska leh, hadii aan wax danbi ah lagu hayn.

Waxa kale oo uu xukuumada iyo golayaasha qaranka ku adkeeyey in ay fiiro gaar ah u yeeshaan arimaha noocan ah oo wax u dhimi kara xidhiidhka ganacsi iyo mid ka dublamaasiyadeed ee u dhaxeeya somaliland iyo wada Jaarka.
 
Wax kale oo uu intaas ku daray in dhacdadani ay saamayn ku yeelatay ganacsigooda oo hada ay Dalka Yemen ugu xidhan yihiin labo ka mid ah ganacsatada reer Awdal oo ahaa kuwii doonta soo kireeyey loona baahan yahay xukuumadu inay xal deg deg ah ka gaadho.

Login