April 27, 2011

Wadaniyadu Inay Qaalitahay Cidi Makuu Sheegtay?

Marka Hore Waxaan Salaamaya  Dhamaanba Saxaafada Sharafta Leh Ee Somaliland Iyo Shacabwaynaha Qiimaha Leh Ee Ku Nool Dalka Hooyo Gudahiisa Iyo Dabadiisaba Salaamulaahi  Calaykum. Ma Ogtahay Shacabka Reer Eritria inay Qurba Joogodu Dalkooda Looga Gooyo Lacag Joogta Ah Oo Lagu Bixiyo Goobaha Mihiimka Ah.

Marka Labaad Maqaalkan Oo Ujeedada Uu Ka Duulayaa Ay Tahay Wadaniyada Iyo Qimaheeda Įniga Oo Tusaal Usoo Qaatay Dalka Aynu Jaarka Nahay ee Eritria Ama  Elatariya Qofba Sida Uu U Yaqaano. Oo Ah Dal Yar Oo Dhawaan Xoriyadiisa Ka Qaatay Dalka Ethopia Iyaga Oo Shacabkoodu  Muujiyay Dacaadnimada Iyo jacaylka Iyo Wadaniyada Iyo Sida Ay Ugu Wayntahay Wadaniyadu Oo Ah Dad Dalkooda Iyo dakoodaba U Hura Ama U Horseeda Horu Marka Una Quudha Waxtarka Iyo Ilaalinta Sharaftooda Iyo Sumcadooda.

Iyaga Oo Talo Iyo Wada Jir Ku Gaadhay In Meel Looga Soo Wada Jeesto wadankooda Curdinka Ah Ee Mudo Aan Fogayn Qaatay Xoriyada Uu Ka Helay  Dalka Ethopia. Hadaba, maxay Ku Bixiyaan lacagtan Joogtada Looga Jaro waxa Lagu Bixiya Sida Caafimaadka Cidamada Kuwa Qaranka Iyo Kuwa Nabagalyada Boliska Iyo Adeegyada Bulshada. Waa Guul La Gaadho.Waana wax lagu Farxo.
 
Hadaba, Hadaan Ujeedadayda Aan Daaha Ka Qaado Waxaan Uga Socdaa Iyaga Oo Ah Bulshawaynt Reer Somaliland Iyo Dawladbuba Kuwa Muujiya Wada Jirkooda Iyo wadaniya Dooda Oo Dadaalaya. Hadaba Dadwaynow Magaadhi karnaa Dalkaas Aan ka Soo Sheekeeyay?

Aniga Iyo aragtidayda Hadaynu Dadaalno waynu Gaadhi Karnaa Wayna Dhaafikarnaa.Balhadab Dadkaygow. Inkastoo Aynaan Yaraysan oo Qaadhaan Iyo Baahaba Aynu Bixino Laakiin Maynu Gaadhin Halkii Loo Baahnaa.Kawarama Kolay Wixii Laysu Geeyo Talo Iyo Dhaqaaleba Wax wayn Ayaa kasoo Baxa Ama Ay Taraanba.

Hadaynu Dadkeena Ka Caawino Qaybaha Caafimaadka Gaar Ahaan Dawada  Iyo Qaybaha  Adeega Bulsahada Oo ay Kamid Tahay Biyo Galinta Cafimaadka Waxbarashada Ciidamada Saxaafada Iyo IWM Ok Inkastoo Aan Jeclay Reer Guuraagu Inay Ogalaadaan In Loo Sameeyo Riigag Ay Kaga Baahi Baxaan Biya La Aantan Ku Baahday Iyo Abaarta Hadii Roobku Ka Raago. Iyada Oo Ay dawladuna Qayb Libaax ka Qaadan Doonto Ama Ay Hadaba Ka Qaadato Qayb Kamida Intayn Soo Tilmaanay. Ama Aynu Kor Ku Soo Sheegnay.

Tusaakaha Iyo Guubaabadu Waa Mid Aynu Uwada Baahanahay Dalkeenan Aynu Dharno Oo Aynu Ilaashano Gude Iyo Dabadba.Diinteenana Aynu Ku Dhaqano Caqidada Iyo cabsida Ilaahayna Haynugu Waynaato Waxkastoo Aynu Qabanayno Aynu Ilaahay La Kaashano Oo Wakiilano.Wixii Jawaabi? Way Kuu Furantay Walaalkay Iyo Walaashayba.
 
Wabilaahi Towfiiq Ilaahay Ayay Mahadi Usugnaatay
 
By Abw:Sidiiq Sh Farax Gabaar

Oslo Noraway

Email: Gaashaan_1986@hotmail.com

Login