March 31, 2011

Walaac Ka Dhashay Saamaynta Lacagta Cusub Ee Xukuumadu Soo Daabacanaysaa Ku Yeelan Doonto Kalsoonida Shilinka Somaliland Iyo Golaha Wakiilada Oo Deg Deg u Ansixiyay.

Hargeysa (Harowo) - Waxa dhawaan baanka dhexe iyo xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay golaha wakiilada u soo gudbiyeen lacag noodh ah oo cusub oo sida la sheegay la soo daabici doono dhawaan, taas oo noocyo cusub ah, kana kooban kun shilin oo isku yaal iyo shan kun oo iyaguna isku yaala, taas oo sida ay masuuliyiinta baanka dhexe ku doodeen noqonaysa lacag fudud oo ka tiro yar tii hore.

Haddaba, markii dadku maqleen warkan iyo sidii baanka dhexe masuuliyiintiisu u turjumayeen ama ugu macnaynayeen golaha wakiilada ayaa waxa muuqanaya dareen wayn oo walaac xanbaarsan oo shacbigu ka muujiyay arintaas iyagoo intooda badan sheegay inay saamayn wayn ku yeelan doonto kalsoonida loo hayo shilinka Somaliland, qiimo dhacna ay ku keeni doonto qiimaha lacagta dalka

Lacagta Shilinka Somaliland oo markii ugu horaysay la soo daabacay sanadkii 1994-kii ayaa ka koobnayd dhawr nooc oo ka bilaabanta ama uu ugu yar yahay Halka Shilin ilaa shan boqol oo shilin oo iyadu ugu waynayd ama ugu qiimo saraysay, inkastoo qiimo barar wayni ku dhacay oo wax badan qiimihii dadka loogu badalay ka lumay hadana maamuladii isaga danbeeyay talada dalku may soo daabacan wax lacag ah oo cusub oo ka tiro ama qiimo saraysa intii hore loo soo daabacay waxaanay ku dedaalayeen xukuumadihii isaga danbeeyay talada dalku inay ilaaliyaan qiimaha noodhadhkii hore iyo sidii ay dalka uga socon lahaayeen ee aan suuqyada looga diideen, qaar ka mid ah noodhadhka lacagta dalka.

Haddaba, noocyadan cusub ee dhawaan xukuumadu sheegtay inay soo daabacan doonto ayaa markiiba walaac laga muujiyay waxaanay dad badani aaminsan yihiin in halka ay maanta waxa ugu yar ee la kala iibsadaa ka taagan yahay boqolka ama kontonka shilin ay noqon doonto dhawaan in shanta boqol noqoto ta ugu yar ee wax lagu kala iibsado.

Sidii xukuumada Madaxweyne Siilaanyo talada dalka ula wareegtay waxa sii wayn dalka u saameeyay qiimo barar ku yimi badeecooyinka iyo hoos u dhac boqolkiiba afartan ku dhow oo ku yimi lacagaha qalaad taas oo aanay isla socon hoos u dhaca lacagta dollar iyo qiimaha badeecooyinka oo intooda badan dollar lagu kala iibsan jiray markii hore.

Haddaba, is dhaafka qiimaha doolarka iyo sicirka badeecooyinka ayaa si wayn u saameeyay nolosha in badan oo shacabka ka mid ah, waxaana sida dadka arimaha dhaqaalaha dersaa ku warameen, boqolkiiba lixdan dadka reer Somaliland oo biilasha dibada eheladoodu uga soo diraan ku jireen xaalad adag oo ay goynba kari waayeen nolol maalmeedkoodu ama biilkii ku kala go’ bisha oo aan dhamaan.

Sidoo kale xukuumada oo aan haba yaraatee ka hadal isla markaana dhegaha ka furaysatay xaalada adag ee shacbigu ku jiro ayaa keentay in dadka badan koodu ka niyad jabaan sida ay wax u wado xukuumadu, isku soo wada duubo haloosiga lacag cusub oo kumayaal isugu taala ee baanka dhexe iyo xukuumada madaxweyne Siilaanyo iyo u meel marinta golaha wakiiladu may noqon kuwo helay taageero badan, balse waxay taa badalkeedi abuureen walaac iyo cabsi hor leh oo la soo derista shacbiga.

Harowo Desk-news: Hargeysa, Somaliland

Login