March 31, 2011

Faalo Ku Saabsan Dalka Iyo Xukuumada Siilaanyo Siday u Kala Fogaadeen Abaarta Iyo Ooda Lululka Shacabka Dawakhiyay Iyo Masuuliyiinta Xukuumada Oo Kaga Mashquulay Kuraasta Iyo Xafiiltanka Xafiisyadooda

Hargeysa (Harowo) - Waxa dalka ka jira sida la wada ogsoon yahay xaalad abaareed oo gaadhay heerkii ugu xumaa inta la xasuusan yahay, waxaana meelo badan oo dalka ah ka taagan biyo la’aan iyo haraad dad iyo duunyaba saameeyay kaas oo gaadhay in meelaha qaarkood dad noolaa iska daaye kuwii dhintay wax lagu maydho loo waayo.

Haddaba marka xaaladahan oo kale dalka la soo dersaan waxa dhici jirtay in xukuumadaha iyo cida maamulka dalka haysaa ay gurmad dhinaceeda ah iyo mid ay dunidda kale la kaashato intaba u gali jirtay dadka isla markaana ay wax wal oo kasta dhulka iska dhigi jirtay, tusaale ahaan xukuumadii Rayaale ee dhawaan lagaga guulaystay doorashada waxa ay abaartii u danbaysay oo sidan ka sahlanayd ku bixisay dhinaceed lacag hal milyan oo dollar ka badan, halka xukuumadan imikuna ay ka bixisay waxaan boqol kun oo dollar gaadhayn.

Dhinaca kale waxa muuqda in masuuliyiinta xukuumadu ay wax badan xaalada dalku ku jiro iyo u xog-ogaal noqoshada xaalada dad iyo duunyo ay kaga mashquulsan yihiin arimo yar yar oo xafiisyadooda ka dhex jira sida shaqaale eryid iyo xafiiltan wasiirka, agaasimaha iyo laamaha kala duwan ee wasaaradaha iyo hay’addaha dawladda ka dhex taagan.

Sida dadka ku dhaqan dhulka miyiga oo aad abaartu u taabatay sheegayaan ilaa wali may arag wax masuul dawladeed ah oo si qoto dheer xaaladooda uga waraysta ama meelo badan oo ka mid ah dalka maba jiraan cid ka socota dawlada oo booqatay ama ugu tagtay inay xaaladooda u kuur gasho, hadii ay u tageena ma jirto cid qiimayn sax ka keentay.

Sida laga soo xigtay hay’addaha gargaarkana waxa lumay isku xidhnaantii xafiisyada dawlada iyo hay’addaha u dhaxaysay taas oo meesha ka saartay in la helo xog sugan dhinacna loo wada duulo. Isku soo wada duubo sida ay dad badani saadaalinayaan hadii aan Dhinaca Alle raxmaadkiisi ka iman oo dalku mudo dhawr todobaad oo danbe ah sidan ku sii jiro, waxa laga cabsi qabaa inuu tafiir go’ ku dhaco duunyada oo ah waxa ugu wayn ee dadku haystaan ama rasaamaal ahaan u leeyihiin bulshadu.

Waxa mid ka mid ah duqayda waaweyn ee Somaliland uu si kaftan ah warfidiyeenada ugu yidhi mar xaalada wax laga waydiiyay isla markaana uu ka jawaabayay demanaanta xukuumada, “Waar waxaan u malaynayaa sidii xukuumada Siilaanyo u baabiisay wasaaradii horumarinta reer miyiga inay faraha ugala baxday dadkii reer miyiga ahaa, taasina waxa kuu cadaynaya sida aanay danba uga lahayn ee aanay u soo hadal qaadayn xaaladooda.”

Isku soo wada duubo xaalada dalka ka taagan iyo ka dhego xidhashada xukuumadu waxay aragagax ku abuurtay shacbiga, waxaanay dad badani u arkeen mid aqoon ahaan uun ka timid halka qaar kalana u arkaan inay tahay iska indho tir oo ay wax kale kaga mashquulsan tahay marka loo eego waxyaabaha dooda iyo muhiimada ay siinayso xukuumada madaxweyne Siilaanyo xiligan oo ah kuwii wakhti dadku barwaaqo ku jiraan laga doodi lahaa sida furashada ururada iyo waxyaabo la hal maala.

Harowo Desk-news: Hargeysa, Somaliland

Login