March 30, 2011

Hinaase La Boodka Cali Gurey Halkuu Daaran Yahay?

Waxaa ku soo baxay qaar ka mid ah saxaafada afhayeenka UDUB mudane cali gurey oo eedayn iyo cambaarayn kula dul dhacay niman ay isku xisbi yihiin oo dibada ka soo laabtay isla mar ahaantana si weyn loogu soo dhaweeyey Hargeisa. Hadaba waxaan la yaabay sida maangaabnimada leh ee mudane cali gurey uu u cabiray firkirkiisa ku saabsan soo dhawaynta masuuliyiintaas UDUB ka tirsan ee waliba qaarkood ka dhawaajiey hankooda siyaasadeed, dad badanina ku taageereen.

Hadaba hadii in yar aan dib ugu yara noqdo taariikhda dhaw ee cali gurey, waxaan odhan karaa wuxuu ka mid ahaa nimankii sababay in xisbigii UDUB lagaga guulaysto doorashadii dalka ka dhacday sannadkii hore, waayo waligiiba meel uu cali gurey raacay may guulaysan, bal dub u eeg dooradhii 2003dii cali gurey wuxuu ka tirsanaa KULMIYE, isla mar ahaantaana waa kii kulmiye ku guuldaraystay doorashadii.

Intii cali gurey soo galay UDUB wuxuu la soo galay naxli iyo erayo aanu u meel dayin isla mar ahaantana UDUB ku weyday taageero badan.

Tusaale ahaan Cali wuxuu ahaa ninkii intuu shir jaraaid qabtay yidhi “Ahmed Silanyo Hargeisa ma dhex lugayn doono” muxuu uga jeeday arintaas mudane cali, ma lacag ayuu ku lahaa Siilanyo markuu lahaa dhex lugayn maysid magaalada, waxaa kale oo ka mid ahaa hadalada uu iska odhanayey cali gurey isagoon ka fiirsan, isla mar ahaantana muujinaya nacayb “Kulmiye waxaan uga soo baxay markuu Gaboose soo galay”.

iyo hadalo badan oo u hogaamiyey UDUB inay weydo doorashadii.

Markaa waxaan leeyahay maanta ma joogtid caliyow xilli aad eed iyo denbi aad intiisa badan lahayd inaad cid kale ku eedayso, adiga qudhigaagu haddii aad kalsooni qabto waad sheegan kartaa hankaag siyaasadeed.

Ugu danbayntii waxaan kugula talin lahaa mudane waxba ha isku dhererin Halyeydii iyo hormoodkii UDUB, waayo maba jirto meel aad iska higsan kartaan.

Max’ed Guled

Email: salaxley24@yahoo.co.uk

Login