March 29, 2011

Yaa Hogaamin Kara Xisbi Siyaasadeed Cusub oo ay Ku Midaysan yihiin Reer Awdal Iyo Salal

Waxa ay ahayd 2003 markii doorashada dawladaha hoose ee Somalilnad loo dareeray, halkaas oo tartan aan waxba la iskula hadhin dhexmaray 6dii xisbi ee dalka ka jiray. Tartankaas oo ay ku kala hadhayeen 6da xisbi markii, danbene ay ku soo hadheen 3da xisbi ee hada dalka ka jira.

Xisbiyadan oo loo aqoonsaday kuwa kaliya ee sharciga ah ee dalka ka jiri kara waxaa si cad loo cadeeyey in ay yihin kuwo dastuuri ah inkaste oo aan hadana la iswaydiinin in ay noqonayaan kuwa kaliya ee dalka si shargi uga jiri kara iyo in kale.

Hadaba xiligii lagu jiray ololaha doorashada madaxtinimada ee dalka waxa xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye uu balan  qaaday in uu furi doono xisbiyo siyaasadeed oo cusub hadii talada
dalka ku guulaystsan.

Waxa maanta bulshada Somaliland uga fadhidaa xisbiga talada dalka haya iyo dawladaba in ay ka dhabeeyaan balanqaadkii ay ololaaha ku galayeen maadama ay maanta talada dalku gacactooda ku jirto.Hadii aan u soo noqdo suaasha ah yaa hogaamin kara xisbi cusub oo ay ku midaysanyihiin reer Awdal iyo Salal hadii la furo ururada siyaasada.

Waxa aan anigu qabaa in ay maanta ku haboon tahay in maanta xisbigas hogaamiyaan sadex nin uun,waxa aanan qabaa aragtidayda uun in ay reer Awdal iyo Salal kala doortaan masuuliyiinta oo kala ah: Waxa ay kala yihiin

1- A/raxman Aw cali Faarax
2- Dr.Maxamed rashiid Sh.Xasan
3- Dr.C/laahi Xaashi Abiib

Hadii aynu mid mid isku dultaagno oo aan inyar midkastaba kartidiisa, aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa maadaam aan anigu qabo in sadex dan nin ay mid uun hogaamiyayal fican noqon karan kartidooda awgeed, inkasta oo ay dad badani laga yaabo in aan igu arigti kale meesha keenaan, lakin anigu waxa aan qaba in ay yihiin kuwo maanta ka soo bixi kara marka aan meel kaste ka eego.

Marka hore aan yara eego sadexdan hogaaminkara xisbiga cusub waa A/raxman aw Cali Faarax, waa nin dagan, furfuran, dulqaad badan go’aan qaadasho ficane leh aragtidiisuna dheertahay siyaasi ah, siyaasadana aan ku cusbayn waxa uu dalka ka soo noqday wasiirka gaashan dhiga dawladii ugu horaysay, madax weyne ku xigeena ka noqday dawladii lagu soo dhisay shirkii Borama ee 1993 kuna dhex jira wali siyaasada lana odhan karin waa siyaasi hawlgab ah.

Waxa kale oo uu ahaa gudoomiye ku xigeenkii xisbigi Asad ee lagu so reebay doorashadihii dawladaha hoose ee 2003. Waxa kale oo uu noqday gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye. Waa nin labada ninba kaga horeeya xaga khibrada maadaama uu ku soo jiray siyaasada mudo labadan ninba ka badan soona qabtay xilal dawlada iyo xisbiyadaba.

Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xasan waa nin aqoon yahay ah, wariyana soo ahaan jiray. Maxamed rashid maaha nin dhagaha dadka ku cusub waa nin caan ah, waa nin dagan,furfuran,dulqaad badan, dad soo jiidasho leh, bashaashi ah, horumarka jecel dadka inuu wax u qabtana doorbida, dhinaca aqoonta kaga taariikh dheer dhanka siyaasada.

Dr. Maxamed Rashiid waxa uu isku soo taagay xilka Madexweyninimo ee dalka 2010ki waxa uuna ku guulaystay in uu noqdo gudoomiye ku xigeenka xisbiga Ucid. Waxa uu hada yahay lataliyahay madax weynaha ee icticraaf raadinta.

Waxa aan odhan karaa waa nin qaban kara hogaanka xisbiga maadaam uu ku dhex jiro siyaasada aqoon badana leh.Dadka qaarkiis ayaa ku dhaleeceeya in uu iskaga uuna ahayn nin feejignaan badan maamulka xisbigana ka dhigi kara fadhiid,laakin waa nin aqoon yahay ah.

Dr. A/laahi Xaashi Abiib waa nin dadka dhegaha dadka ku cusub oo dad badni is waydiinayaan waa kuma. Waa nin daacad ah,aqoonyahayn ah, karti leh, jecel in uu dalak iyo dadkuba hormaraan dhinac kaste oo ay ugu horayso. Dr. A/laahi Xaashi Abiib waa nin xil dawladnimo aan wali qaban, laakiin waa nin taariikhda Somaliland meel wayn kaga jira.

Waxa uu hormuud ka ahaa ragii jaacamada Camuud rukunada u aasay iyada oo dad badani oo ay ku jiraan madaxda dalka ee waagaas ay waxba kama jiraan ku tilmaameen aasasida Jaamacadii ugu horaysay ee laga dhiso hoyga aqoonta Somaliland ee Borama.Qorshihii uu hormuud ka ahaan wuu hirgalay, dhinaca kale waxa uu mar labaad hadana ku guulaystay in uu jaamacad labad u sameeyo gobolka Awdal wuuna ku guulaysta oo waxa uu mar labaad aasaay jaamacadii labad ee ay Borama yeelato oo ah Eelo American University oo hada shaqaysa.

Waxa kale oo uu ku ka qaybqaatay aasaasidii iyo hirgalintii cisbitaalka casriga ee Al -Xayaat oo ay dhismeheeda lahayd Amoud Foundation.Waxa kale ee uu ka soo qayb qaatay taagerida jamacadaha camuud iyo Eelo xaga buugta.

Waxa aan odhan karaa marka la qiimeeyo wax qabadkiisa waa uu u qalmaa nin uu noqdo gudomiyaha xisbiga cusub hadi la hirgaliyo arururada siyaasada.

Prof. A/laahi Xaashi waa nin daacad ah xisbiga iyo dalkaba waxa uu gaadhsiin karayaa horumar, dhaqaalaha dalkana wax wayn ka qaban kara,  musuqmaasuqa ragaadiyey Somaliland waa uu cidhibtiri doona hadi ninkaas uu noqdo hogaamiyaha xisbigan inkaste oo an la ogayn in uu aqbali doona iyo in kale.

Gabagabadii waxa aan  usoo jeedin lahaa reer Awdal iyo salalba in ay samaystaan xisbi cusub hadii la furo xisbiyo una doortaan sadexdan nin ee aan ka soo sheekaynay.
 
Waa qalinkii Mustafe Aden Mohamoud
 
Email: Mustafe.adamm@gmail.com

Login