March 29, 2011
Tirada Ka Codaysay Doorashadii U Dembaysay ee Kililka 5-aad ee Soomaalida Ethiopia Iyo Gobolka Ugu Tirada Badan.
Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa tirada dadka ku nool gobolada iyo degmoonka kililka 5-naad ee ismaamulka Soomaalida Ehiopia iyo inta gobol iyo degmo walba ka codaysay, kuwaas oo marka falanqayn dheer lagu sameeyo aad arkaysid inay khaldantahay sharcigana baal malsantahay sida uu madaxweynaha Kililku degmooyinka cusub u qabyay.
|
Magaca GOBOLKA |
TIRADA DADKA KU NOOL |
Tirada Degmooyinka |
Averageka demada ku nool |
|
|
|
|
|
|
JIGJIGA |
966,213 |
7 |
138,030 |
|
DHAGAX BUUR |
477,767 |
9 |
53085 |
|
SHINIILE |
456,434 |
7 |
65,204 |
|
WARDHEER |
305,585 |
5 |
61,117 |
|
QORAXAY |
312,199 |
5 |
62439.8 |
|
FIIQ |
347,769 |
9 |
38,641 |
|
GODAY |
463,777 |
8 |
57,972 |
|
AFDHEER |
570,355 |
10 |
57,035.5 |
|
LIIBAAN |
539,048 |
6 |
89,841 |
Tirada dadka ku nool degmooyinka gobolka Jigjiga
|
MAGACA DEGMADA |
TIRADA DADKA |
|
Awbarre |
339,056 |
|
Jigjiga |
276,816 |
|
Qabri bayax |
165,422 |
|
Baabili |
77,304 |
|
xarshin |
80,215 |
|
Gursom |
27,400 |
Hadii aan analays garayno shaxda sare waxaan arkaynaa:
1- In gobolka jigjiga uu ugu tiro badan yahay guud ahaan gobolada Kildhka shanaad
2- In Degmada aw barre ay tahay Degmada ugu tiro badan guud ahaan dalka itoobiya gaar ahaana gobolada ismaamulka somaliyeed oo dhan
3- Waxaa kale oo inooga Muuqata shaxda sare in Degmada Awbare ay ka tiro badan tahay gobolada sida Qoraxay tirada dadkeedu yahay 312,199 iyo gobolka wardheer oo tiradiisu tahay 305,585 halka Degmada Awbaree tirada dadkeedu yahay 339,056.
4- Celceliska (Averageka) ku nool degmo walba 60,000 oo qof waa sideeda gobol marka laga reebo jigjiga hadii halkaa laga qiyaas qaato degmada Awbare waxay u dhigantaa 6 Degmo ugu yaraan ugu badnaana sagaal degmo hadii ay lamid noqoto sida fiiq oo kale
5- Waxaa shaxda ka muuqda in gobolka Fiiq oo leh sagaal degmo uu degmada Awbarre tiro ahaan dheer yahay 8713 oo qof oo kaliya
6- Tirada Dadka ee kunool Degmada Awbarre waxay ka tahay gobolka Jigjiga 35% hadii la qiyaaso tirada dadka Gadabuursi ee ku nool degmada jigjiga waxaan odhan karnaa ugu yaraan waa 20% hadii la isku geeyo labadaa tiro waxay gadabuursi ka noqonayaan gobolka Jigjiga 55% oo ka badan dhamaan qabaailka kale oo dhan oo la isku daray.
Akhristooy waxaa kale oo aan idiin soo gudbin doonaa dhaqaalaha Degmada Awbarre kasoo baxa ama gobolka Harowo oo aan barbar dhigno dhaqaalaha gobolada kale kasoo baxa
Markaa adigu akhristoow bal Qiyaas oo u fiirso cadaalad darada lagu hayo dadka gadabuursiga eek u nool itoobiya.
Waxaa Degaanka gadabuursiga soo raacaya Gobolka shiniile oo ay ku leeyihiin Degmada Danbal inkasta oo ay Ciisaha wadaagaan waxaa kale oo gadabuursigu degaan ku leeyihiin ismaamulka Diridhaba oo hoos taga dawlada dhexe kamase hayo daraaso sax oo sheegaysa tirada ay ka yihiin laakiin degamada Danbal oo tiradeedu tahay 80,000 gadabuursigu waxay ka yihiin 60% ugu yaraan laakiin diridhaba wax macluumaad ah kama hayo cidii haysaa ha isii gudbiso. Waa arin yaab iyo amakaag leh sida ay wax u socdaan.
