March 29, 2011
Bedel Noloshaada - Qaybtii 2-aad
Intii akhriday Qisadii ku saabsanayd sida uu isbadalka u sameeyo shimbirka la yidhaahdo Baasku waxaan aragnay in xikmad wayni ku jirto qisadan hadii aan hadaba bal isku dayno inaan soo koobno faaiidooyinka aan ka qaadan karno Arintan waxaan u dhigi karnaa sida hoos ku xusan.
1- In aadamahu aanu waligiiba Xaalad kaliya uun ku sugnaan ee is badalku yahay mid daruuri ah oo waad arkayseen in shimbirkaasi markii uu afartan jir gaadhay soo waajahday xaalad hadii uu isbadal samayn waayo ay naftiisu halis galayso
2- Isabadlka samayntiisu maaha mid dhibyar oo bilaa khatar ah oo waad ogaydeen in shimbirkaasi mudo fara badan buur dusheed oo bilaa qadhaab ah taagnaa oo waliba taas ay u dheerayd xanuun joogto ah oo kasoo gaadhaya dhaawacaydii uu ku jabinayay foolashiisa iyo cidiyihiisa
3- Dhibta iyo Xanuunka soo gaadha aadamaha inta uu isbadal samaynta ku jiro waa u adkaystaa maadaama uu mustaqbal fiican rajaynayo oo sida aad arkayseen shimbirku Xanuunka waa u adkaysanayay isaga oo Rajo fiican ka qaba mustaqbalka danbe. Somalidu waxay tidhaadhaa waxaan dhib lahayni dheef ma leh markaa dhibtu waa ta keenta dheefta
4- Hadii is badal la samayn waayo oo laga baqo dhibta Isbadalka ka dhalata waxaa imanaysa in dhibta isbadal la’aantu ay keenaysaa ka waynaato dhibta isbadalku keenayo. Tusaale ahaan Shimbirku hadii uu ka baqo inuu isbadalkaa sameeyo waxaa imanaysa inuu mudo gaaban gudahood ku dhinto maadaama aanu duuli karayn waxna ugaadhsan karayn
5- Isbadalka ka dib qofku wuxuu ku raaxaysaa Nolol fiican oo tusaale ahaan shimbirku waad arkaysaan in markii danbe uu duulay isaga oo aad moodo inuu labaatan jir yahay oo kale kadiba si fiican ugu raaxaystay noloshiisii intii ka dhinayd.
Dhalinyaroow markaa waa inaad naftaada dib ugu noqotaa oo aad is qiimaysaa maxaad ku fiican tahay maxaase kaa qaldan. Naftaada been ha u sheegin ee wixii kaa qalan hoosta ka xariiq.
Hadii aad Taariku salaad tahay walaalo ogow inaad halis ku jirto salaad la,aani waa gaalnimo ee isbadal samee oo ilaahii ku abuuray xidhiidhkiisa soo cesho.
Hadii walaal aad tahay nin fusuq ku dhex jira iskaga dhex baax oo isbadal dhinaca wanaagsan u samee oo ogow ninka fusuq ku jiraa inuu aduun iyo aakhiroba khasaare ku sugan yahay. Waxaan ogaaday intii aan daraasadan waday in gaalada kuwooda horumarka gaadhaa aanay ahayn dad faasiqiin ah ee ay yihiin dad akhlaaq fiican oo aan waqti ku lumin wixii xun ee maalayacni ah waxaan la yaabay hadal aan ka dhagasyatay nin magaciisa la yidhaahdo Brian Tracy oo aad ugu xeel dheer cilmiga horumarint bulshada waxaa hadaladiisa ka mid ahaa (gaadhigaaga ka dhigo jaamacad oo cajalado cilmi ah dhagayso iska ilaali inaad dhagaysato heesaha waayo buu yidhi wax faaiido ah oo aad ka helaysaa ma jirto buu yidhi kaliya waa madadaalo)).
Ka fogow walaal wixii aan faaiido kuu lahayn aakhiro iyo aduunba. Nabigu scw wuxuu yidhi ((qofka islaanimadiisa wanaageeda waxaa kamida inuu ka tago wixii maalaayacni ah ee aan aduun iyo aakhiro midna faaiido lahayn).
Hadii aad balwad leedahay isbadal same oo ku talaabso talaabooyin wax ku oola oo aad ku joojinayso. Hadii aanad waxba baran bilaw inaad wax barato hadii aad barato laakiin aanad awood badan saarin isbadal same oo ku talaabso talaabooyin aad kaga midho dhalinayso wax barashadaada.
Hadii aad shaqaale hoose oo mishahar hoose ku shaqeeya tahay ku talaabso talaabooyin aad ku kordhinayso mishaharkaaga taas oo ah inaad shaqada aad hayso tayadeeda kordhiso ama meel kale oo ka fiican raadiso adiga oo mar walba niyada ku haya in kolba sida uu wax soo saarkaagu yahay dakligaagu noqonayo.
Hadii calaaqaadka dadka aad la’ leedahay aanu fiicnayn ku dadaal inaad calaaqaad fiican dadka la yeelatid ogowna xidhiidh wanaagsan samayntiisa waxaa u saldhig ah. Run, amaano, niyad fiican, dulqaad, xaqdhawr, balan oofin iyo ka warhayn aad ka warhayso dadka saaxiibadaa ah xaalahooda wixii aad ka caawinkartana ka caawisid.
Hadii xidhiidhka adiga iyo xaaskaaga idiin dhexeeyaa xun yahay isbadal samee oo adigu naftaada hor badal inta aanad ka sugin xaaskaagu inay is badasho. Qofna awood u maleh inuu qof kale badalo laakiin inuu isagu is badalo wuu karaa taas ayaana keenaysa marka danbe inay qofka kalena badasho. Tusaale yar waxaa la yidhi nin ayaa waxa uu doonayay inuu Wadankiisa oo dhan badalo toban sano ayay ka qaadatay laakiin waxba isma badalin.
Hadana inuu gobolkiisa badalo ayuu damcay toban sano oo kale ayaa dhamatay waxna ismay badalin. Hadana inuu magaaladiisa badalo ayuu doonay toban sano ayay qaadatay waxna isma badalin hadana wuxuu damcay xaafadiisa inuu badalo toban kale ayay qaatay waxna isma badalin hadana inuu qoyskiisa badalo ayuu go’aansaday toban kale ayay qaadatay inuu badalo.
Hadana inuu xaaskiisa badalo toban kale ayay qaadatay markay halkaa marayso oo lixdan sano ka lumen ayuu xaqiiqadii ogaaday oo ah inuu marka hore isagu is badalo inta aanu cid kale ka sugin inay is badasho markaa ninkii doonaya inay ka lunto lixdan sano oo danbe haka sugo dadka kale ama arimuhu inay isbadalaan naftiisana ha iloobo. Intaan lixdan sano inaga lumin aan inagu imika nafteena ka bilawno.
Hadii dawlada ama gobol ama qoys ku sugan yihiin xaalad aan fiicnayn waxaa fiican inay isbadal ku talaabasadaan oo ay cabashada joojiyaan cabashadu waxba masoo kordhiso waa daciiftinimo raganimada ka fog. Waxaa fiican inuu qofku ku talaabsado talaabooyin isbadal oo xaalada uu ka cabanayo uu ku badalo.
Gunaanadkii iyo gabagabadii waxaan ogaanay in isbadalku adiga kugu xidhan yahay cid kale aanu ku xidhnayn. Hadii aad nin xun tahay adiga ayaa nin wanaagsan iska dhigi kara hadii aad jaahil tahay adiga ayaa aqoon yahan iska dhigi kara, hadii aad faqiir tahay adiga ayaa taajir iska dhigi kara, hadii aad gumaysi ku jirto adiga ayaa iska xorayn kara. Hadii xaqaaqii maqan yahay adiga ayaa soo qaadan kara.
Waxaas oo dhan sabateeda adiga ayuu ilaahay gacanta kuu galiyay sida uu quraankiisa ku tilmaamay. Lasoco qaybta danbe ee ah ((Change Your lilfe)) badal noloshaada.
Wabilaahi tawfiiq
Ismail Tukulaale
Email: tukale2001@hotmail.com
