March 27, 2011

Taxanihii Cabdi Toosh: Maxaad Kala Socotaa Qorshayaashii U Qarsoonaa Xisbiga Kulmiye

Sannadkii 2009 kii waxaa Xisbiga Kulmiye galayay ballanqadyo farao badan oo ku salaysnaa shuruudihii ay Beeluhu hor dhigayeen Madaxda Xisbiga oo iyana ay Saxeexayeen/Ballanqaadayeen in Kulmiye Fulin doono marka uu Talada Dalka Qabto.

Sida Ka muuqata waxay ahaayeen heshiisyadaasi qaar an u adeegayn Qaranimada Somaliland iyo Rukunada ay ku dhisantahay oo ah Heshiisyadii Beelaha Somaliland wada galeen shirakii Burco, Sheekh iyo Borama.

Haddaba, heshiisyadaa qarsoonaa waxa ka mid ahaa:

1.  In Xukuumadda Kulmiye Labadaas Beelood ee Galbeedka Hargeysa iyo Bariga Burco u xidho Dhaqaalaha Dalka.

2.  In Beesha Galbeedka Hargeysa Deegaan Balaadhsi ku  samayso Gobolka Awdal Xeebihiisa

3.  In Beesha Bariga Burco Deegaan Balaadhsi ku samayso Buuhoodle

4.  In Deegaan Balaadhsiyadaas loo isticmaalo Cidanka Militariga iyadoo lagu gabanyo 2 Beelood oo is khilaafaya ayaa la kala dhex dhigayaa Ciidanka Qaranka iyadoo Runtii loo adeegayao 2 da Beelood ee  Deegaan Baladhsiga wata

5.  In la diyaariyo qorshe 2 daas Beelood  u sahlaya in ay Xukunka ku haystaan waqtiga dhow iyo ka dheerba

6.  In Beelaha Darafyada laga Xaadho qaybta ay kaga jiraan Militariga

7.   Iyo qaar kaloo badan

Haddab, ilaa imika maxaa la isku dayay in la fuliyo Maxaase ka fulay  ee ka mid ah qodobadas  Qarandumiska ah :

1.  Waxaa la qaaday Talaabooyin Cacad oo Xukuuumaddu ugu adeegaso in Tijaar 2 Das Deegaan Ka mid ah Dhaqalaha Ganacsi loo kooteeyay sida SOMCABLE iyo MAXJARKA BERBERA EE INDHODERO

2.  2 Da beeloodba Waxay qaadeen Talaabooyin ahaa Deegaan Balaadhsigii lagu balansanaa  dhinacyada Lughaya iyo Buuhoodle oo labuduba loo isticmaalayay Awoodda Dawladda oo hadda   Fashilmay laakiin 2 da Beeloodba ay wadaan

3.  Beesha Gobolka Awdal waa laga Nadiifiyay Sarakiishii Miliitariga Sida ( Col. Xadhuun, Col. Libaax, Col Caqli iyo qaar kale)-Taasina Way fushay

4.  M/Weyne Siilaanyo wuxuuu yidhi 2 week ka hor Diiwaangelin Cusub looma baahan ee tii Hore uun ha la hagaajo wixii ka qaldan. Tani waa sida 2 dan Beelood ku haysan karaan xukun mudo dheer waayo waa la ogaa sifdii 2 daas Deegaan u Musuqeen Diiwaangelinta oo tuulooyin Codbixiyayaashoodu ahan jirtey 4000 qof  lagu sheegay 20.000 oo Voter-Way socotaa

Haddaba, Waxaa La gudboon Xisbiyada Mucaaridka iyo Shacab weynaha Somaliland in ay Xukuumaddan qaranimadii iyo wadajirkii dayacday ee ka doorbiday in ay 2 Beelood u adeegto ay Xakame ku qabtaan oo ay qodobadaas Qarandumiska ah oo dhan hor istaagaan.

Cunfi iyo Beelaysi Dawlad laguma noqdo

By Abdi Toosh

Login