March 27, 2011

Nasiib Dadro La Soo Daristay Horumarka Xuuqda Aadamiga ee Somaliland

Marka si mug leh loogu dhabo galo magacaabista Madaxwaynaha Somaliland Mud. Siilaanyo soo saaray maanta ee uu ku sheegay todobada xubnood ee noqonaya Komishanka xuquuqda aadamiga qaranka somaliland, waxad dareemaysaa sida aanu dan uga lahayn.

1. Aamina Abdilahi Ahmed oo ka soo jeeda beesha ISAAQ gaar ahaan qabiilka Arab, Madaxwayne Siilaanyo ayaa gabadhan oo xisbigiisa ka soo jeeda u magacaabay Gudoomiyaha  Komishanka Xuquuqda Aaadamiga Qaranka markii uu xukuumadiisa dhisayay.

Waxay ka soo qalinjabisay Kuliyadii Saxaafada ee Lafoole ku taalay, kadib waxay gashay Macadkii Maamulka iyo Maaraynta ee SIDAM Muqdisho, kadib waxay u wareegtay dalka Kanada. Gabadhani waligeed kama ay soo shaqayn shaqo xuquuqda aadamiga ah iyadoo ka hadlaysana lama maqal iyo iyadoo u hiilinaysa dhibane xuquuqdiisii lagu tuntay balse waa gabadh asluub iyo aqoonba leh.     

2. Liibaan Ismail Mohamoud  waxa uu ka soo jeedaa beelaha laga tirada badan yahay gaar ahaan Muse Dhariyo, Gabooye. Waxa dadka xogogaalka u ahi sheegeen in da’diisu ka yar tahay 35 jir oo ah da’da in uu ka waynaado uu dhigayo Xeerka Komishanka Xuq. Aadamiga ee lagu soo xulayo xubnaha ka qaybgalaya Komishanka eeg qodobka. Wuxuu ka mid ahaa dafcadii ugu dambaysay ee ka qalinjabisa Kuliyada Sharciga Jaamacada Hargeysa. Ma laha waayo aragnimo shaqo haba yaraatee sababtoo ah wali wax shaqo ah muu qaban mid xukuumadeed mid NGO ama mid gaar loo leeyahay.

3. Hodan Mohd Ali waxay ka soo jeedaa qabiilka ISAAQ gaar ahaan Habar Yonis. Waxa xilkan ugu dagaalantay Habaryarteed oo ah wasiir xigeenka wasaarada caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, dadka xogogaalka Hodan waxay sheegeen in da’deedu ka yar tahay 35 jir oo ah da’da in ay ka waynaato uu dhigayo Xeerka Komishanka Xuq. Aadamiga ee lagu soo xulayo xubnaha ka qaybgalaya Komishanka eeg qodobka —-, balse dhinaca kale Hodan waxay leedahay waayo aragnimo dhinaca ururada bulshada ah sidoo kale waxay leedahay waayo’aragnimo dhinaca xuquuqda aadamiga ah iyadoo qaadatay tababaro door ah oo ku saabsan xuquuqda aadamiga. Waxay ka mid ahayd dufacadii ugu horaysay ee ka qalinjabisa Kuliyada Sharciga Jaamacada Hargeysa,     

4. Fadxiya Xusen Jaahuur waxay ka soo jeedaa beesha ISAAQ gaar ahaan Ciise Muse, waxay ka mid tahay Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waana dumarka ugu dhaw dhaw marwada Koowaad oo ah xaaska Madaxwaynaha heerka aqoonteedu waa Secondary school level, mana alaha waayo aragnimo xuquuqda aadamiga ah.     

5. Idris Husen Suldan, waxa uu ka soo jeedaa beesha Samaroon, wax uu Kaaliye Garsoore ka ahaa Maxkamada Gobolka Hargeysa, dadka aadka u yaqaanaa waxay sheegeen in uu laaluuska aad uga guran jiray dadka dacwada uu u hayo.  Wuxuu ka mid ahaa ardaydii ugu dambaysay ee ka qalinjabisa Kuliyada Sharciga Jaamacada Hargeysa, mana laha wax waayo’aragnimo shaqo ah oo uu hore u qabtay      

6.  Salebaan Warsame Guled, waxa uu ka soo jeedaa beesha uu ka soo jeedo Madaxwayne Siilaanyo gaar ahaan Reer Yoonis, Habarjeclo, Waa Wasiirkii Gaashaandhiga ee ugu dambeeyay Xukuumada Madaxwayne Rayaale, waxana ururada xuquuqda aadamiga somaliland sheegeen in uu gaystay xadgudubyo xuquuqda aadamiga ah markii uu ahaa wasiirka Gaashaandhiga Somaliland kadib markii uu dagaalo uu amray lagu laayay dad reer guur ah oo aan hubaysanayn gaar ahaan gobolka SOOL.     

7.  Moh’d Garaad Muhumed waxa uu ka soo jeedaa beesha Harti gaar ahaan Dhulbahante Wasiiru Dawlihii Wasaarada Waxbarashada ee Xukuumadii Madaxwayne Rayaale, waligii kamuu soo shaqaynin hawlaha xuquuqda aadamiga.

Sida ka muuqata xubnahan madaxwayne Siilaanyo magacaabay waxay ka kooban yihiin 4 Isaaq ah iyo 3 qabiilada aan Isaaqa ahayn ah, minqiyaaskan hadaynu qaadano waxa isku dheeli tirkii beelaha ka maqan magacaabista madaxwaynaha beelaha Ciise iyo Warsangali. Dhinaca kale xubin kali ah oo ah Hodan mooyaane inta kale waligood kamay soo shaqayn shaqo xuquuqda aadamiga ah.

Guntii iyo gabogabadii su’aasha iswaydiinta lehi waxay tahay, madaxwaynuhu marka uu xubnahan kor ku xusan uu magacaabay ma waxa uu u abuurayay shaqo dakhli ka soo galo mise waxa uu ku horumarinayaa xuquuqda aadamiga somaliland jawaabta su’aashan waxanu u dhaafaynaa dadwaynaha.

Login