March 26, 2011

Hay’adda Shaqaalaha, Wasaaradda Maaliyada Iyo Laamaha Dawlada Oo Wadda Jir U Diyaarinaya Qorshe Shaqaale Tira Badan Shaqada Lagaga Eryayo Iyo Imtixaan Magac u Yaal ah.

Harowo (Harowo) - Waxa Maalmihii u danbeeyay si wayn uga socday xafiisyada wasaaradaha iyo wakaaladaha dawlada olole balaadhan oo lagu kala hufayo isla markaana meesha lagaga saarayo shaqaale tira badan oo sifooyin qabiil ama xisbi ama aragti ahaan la aaminsan yahay inay ka mawqif duwan yihiin dadka kale ee goobahaa ka hawl gala, waxaana xubnahan shaqaalaha ah ee la diiwaan galiyay si gaar ah loogu gudbiyay hay’adda Shaqaalaha dawlada iyo wasaarada Maaliyada si looga reebo shaqaalaha.

Waxa xafiisyada isu duyaasha iyo agaasimayaasha waaxyaha dawladda ee wasaaradaha iyo wakaaladaha maalmihii u danbeeyay ku badnayd hadal haynta imtixaan shaqsiyaadka qaarkood lagu sheegayo in lagu reebi doono, waxaanay hal-ku dhega “Iska Daa imtixaanka ayaynu ku reebi doonaayee uu ahaa mid maqalkiisu ku badan yahay.”

Haddaba waxa dad badani is waydiinayaan muxuu noqon karaa imtixaan dadka lagu reebayaa caalamadsan yihiin, maxay se taraysaa kala hufida dad gaar ah ku jahaysan ee ka horaysa natiijadeedi? Isku soo wada duubo waxa hore u jiray in kooxo tira badan oo shaqaale ah lagu sheegay inay ku dhaceen imtixaan dawladu qaaday, kuwaas oo wakhtiyadii la qaaday saacado ka dib la soo saaray natiijadooda. Taas oo si wayn u kordhisay tuhunada laga qabo.

Sida warar aad ugu dhow dhow oo laga helayo wasaarada maaliyada iyo hay’adda shaqaalaha dawladu shaaca ka qaadeen waxa socda isku shaandhayn dhinacyo iyo aragtiyo kala duwan loo eegayo siyaabo aan cadaalad ahayna loo qiimaynayo oo lagu samaynayo shaqaalaha dawlada, taas oo sida la sheegay ilaa laba kun oo shaqaale ah lagaga saarayo liiska, kuwaas oo isugu jira shaqaale mudo dheer soo shaqaynayay, balse sababo aan la garanayn looga reebayo shaqada.

Sida dad badani aaminsan yihiin tan iyo intii talada ay la wareegtay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo waxa shaqadii laga eryay dad badan oo shaqaale ah, kuwaas oo sifooyinka shaqada looga eryayna ay yihiin kuwo cad oo ujeedaysan loona cuskaday, qaab beeleed, ama iyagoo loo tirinayo inay gacan saar la lahaayeen xubno ka tirsam xukuumadii madaxweyne Rayaale ee talada lagagala wareegay.

Waxa kale oo jira xafiisyo badan oo ka tirsan maamulka dalka oo dhibaato ka dhacday ka dib markii dad farsamo yaqaano ama xirfadlayaal aad loogu baahan yahay ah shaqada laga eryay ee booskoodi lagu badalay dad aan aqoon ahaan iyo waayo aragnimo ahaan midna aan u dhigmin taas oo sababtay in shaqadii istaagto ka dibna dib loogu yeedho dadkaas iyagoo la raali galinayo, halka qaarkoodna laga codsaday inay si ku meel gaadh ah shaqada u wadaan ilaa cid ay ka tababarayaan.

Isku soo wada duubo waxa jirta caddaalad daro aad u badan oo lagu hayo muwaadiniin shaqaale mudo dheer ka soo ahaa xafiisyada wasaaradaha iyo laamaha kala duwan ee dawlada kuwaas oo lagu duudsiyayo xaqooda siyaabo aan la macnayn Karin. Waxa inta la og yahay la shaqo tiray boqolaal qof halka mushaharkoodi oo diirana ay ka qaataan boqolaal kale oo la shaqaalaysiiyay, waxa kale oo jira inaan loo caddaalad samayn dadka cusub ama shaqaalaha cusub ee shaqada la qoray oo qaarkoodna mushaharadoodi qaataan, halka kuwo ka soo horeeyayna aanay wali wax mushaharo ah ka qaadan.

Arimahan ayaa iminaya wakhti dalka ay ka jiraan abaaro iyo busaarado maamul xumada dawladda ka dhashay kuwaas oo aan la hayn  cid looga ashkatoodo oo loo cawdo.

Harowo Desk-news: Hargeysa, Somaliland.

Login