February 28, 2011

Xisaabiyihii Guud ee Qaranka Ibraahim Aadan Qaalib, oo Xilkii Si Kedis ah Looga qaaday Iyo Sababaha Loo Aanaynayo Erigiisa.

honqaalib2 Waxay si weyn isugu Maandhaafeen qaar ka mid ah Madaxda Qaranka Kharashaad ay dalbanayeen in loo sii daayo

Hargeysa - Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa shalay si kedisa ah Xilkii uu dhawaan u magacaabay uga qaaday Xisaabiyihii hore ee Qaranka Ibraahim Aadan Qaalib, waxaana isla markiiba xilkaas loo magacaabay Proff: Maxamed Cabdi Qaalib oo ku magacawnaa Madaxa Xisaabaadka Wasaaraddaha iyo Miisaaniyadda Qaranka.

Eriga Xisaabiyihii Guud ee hore ayaan ilaa hada si rasmi ah shaaca looga qaadin hase yeeshee xogo wargeyska Waaheen helay ayaa tilmaamay inay si weyn isugu maandhaafeen qaar ka mid ah Madaxda Qaranka Kharashaad ay dalbanayeen in loo sii daayo oo uu iska hortaagay, kadib markii uu u Bandhigay lacagahaas ay doonayaan inaanay ku jirin Khasnadda Dawladda ama qaarkood aanay Sharciba ahayn.

Lacagaha uu diiday Xisaabiyuhu inuu ogolaado bixinteedana waxa la sheegay inay ka mid tahay Lacag ay Xukuumaddu u Amartay in la siiyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo lacago kale oo wasaaraddo loo qoray, waxaanay masuuliyiinta uu ka hor istaagay lacagahaasi si wadajir ah Dacwad ugu gudbiyeen fadhigii ugu danbeeyay ee Golaha Wasiiradda oo uu Guddoominayay Madaxweynuhu.

Sidoo kale waxa ay wararku sheegeen in dhawaan ay isku dhaceen Chief of Cabinetka Madaxtooyadda Mr: Xirsi kaas oo la sheegay inuu Xisaabiyaha si xun ula dhaqmay isagoo ugu hanjabay inaanu is hortaagi Karin lacagaha iyo kharashaadka loo gudbiyo ee Madaxtooyaddu Amarto bixintooda.

Xisaabiyaha Guud ee xilka laga qaaday oo ayaa la sheegay inuu shalay isku dayay inuu la kulmo Madaxweynaha si uu ugala hadlo khilaafka jira si xal looga gaadho balse waxa la sheegay in uu la kulmi kari waayay, markii uu ka noqdayna laga daba geeyay Qoraalka Erigiisa iyo bedelkiisaba.

Ibraahim Aadan Qaalib waxa la sheegay inuu ahaa Xisaabiye ku adag bixinta Kharashaadka uu u arko inaanay Munaasib ahayn waxaana lagu bedelay Proff: Maxamed Cabdi Badde oo soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin xilka Hormoodka Jaamacadda Hargeysa qaybta Ganacsiga oo uu ahaa markii loo magacaabay xilka uu imika ku magacawnaa ee Xisaabaadka Wasaaradaha iyo Miisaaniyada Qaranka, isagoo Dawladii Marxuum Cigaalna ka noqday Maamulihii Kastamka Boorame iyo Maareeye ku-xigeenka Dekedda Berbera.

Source: Waaheen.com

Login