February 28, 2011
Siraha Qarsoon Iyo Caddaalad Daradda Wasiirka Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi - Qaybtii 2aad
Wasiirka maaliyadda Eng.Maxamed Xaashi Cilmi, isla markii Wasaaradda maaliyadda loo magacaabayba waxa uu beddelay Dr. Cumar oo ahaa hoggaankii Fisical Policy Unitka, waxaanu ku beddelay Ninka lagu magacaabo Khadar Maxamed Cabdi (Khadar Indho leeb) oo ay isku beel yihiin.
Waxaa ila habboon inaan wax yar ka iftiimiyo sooyaalka Khadar-Indho leeb iyo goorta uu ku soo biiray wasaaradda Maaliyadda Oo imika looga yaqaanno (Hidden Minister) oo macnaheedu tahay Wasiirkii Qarsoonaa, waxa iga afeef ah in aanay wax shakhsi necbaysi ah iyo colaad na dhex taalla midna jirin muwaadinkan balse si wax badan aynu uga ogaano arrintan ay u baahan tahay in wax badan la iftiimiyo.
Haddaan intaa ku dhaafo afeefta Mr. Khadar waa muwaadin shaqaalaha Wasaaradda maaliyadda ku soo biiray sanadkii 1995-kii, wakhtigaas oo badel ahaan uga soo wareegay Wasaaradda Hawlaha Guud, wuxuu ka soo hawl galay wakhtiyo gaaban kastamka Kalabaydh, kastamka dhexe ee Hargeysa, kastamka Burco iyo intii badnayd oo uu joogay xarunta waaxda kastamadda oo uu ka tirsanaa.
Dhinaca aqoontiisa, Khadar waxaa uu ka soo baxay jaamacadda Hargeysa 2004-tii, waxaanu ka qaatay first degree, dhacdooyinkii la yaabka lahaa ee keenay ama sababay inuu joogoo xarunta waaxda waxaa ka mid ahaa, in isagoo la shaqeeya agaasimihii waaxda kastamadda Somaliland Md. Cali Maxamed Qoor-seef oo markii danbe noqday Wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda ee dawladii Madaxweyne Daahir Rayaale.
Agaasimahii hore ee Kastamada Somaliland Cali Qoor-Seef wuxuu Khadar ka dhigtay wakhtigaas xoghayntiisa koowaad, hasa yeeshee wuxuu xiligaa ku kacay arin meel ka dhac ku ah shaqadiisa, waxaanu si khaldan u isticmaalay adeegii isgaadhsiineed ee xafiiska uu xoghaynta ka yahay ee Agaasimaha Kastamadda, waxaana ka dhacay xafiiskii uu ka hawl galayay xatooyadii Internet-ka ee ugu waynaa ee xafiis dawladu leedahay lagula kaco.
Baadhitaan dheer ka dib oo Laanta Baadhista Danbiyada Ciidanka Booliska u qaabilsan ee (CID-du) markii ay muddo waddey lagu xaqiijiyay in Khadar xatooyo ku sameeyay furihii sirta ahaa (paswordkii internetka xafiiskaas) una adeegsaday sub.station telephone and internet laga dirsado oo ka furtay magaaladda Gabiley, in badana ku isticmaalay internetkii dawladda guryo ay leeyihiin qaraabadiisa iyo asxaabtiisa isugu jira, arrintaas oo markii danbe ay fashilantay ka dib ay Reerkoodu ka bixiyeen oo laga soo qaaday lacag xadigeedu ahaa $4000 oo dolar.
Taasina wa ta keentay in nidaamkii hore ee hagayay wasaaradda maaliyaddu ay ku hayaan xarunta wasaaradda maaliyadda gaar ahaan waaxda kastamadda. Halka wasiirkan maaliyadduna oo isaguna u sameeyay laba mushahar kuna bedelay dadkii aqoonta lahaa ee waliba ahaa waayo arag,( waxaa gef ku ah xeerarka shaqaalaha dawladda in qof laba mushahar ka qaato isla wasaaradii uu ka tirsana) Mr. Khadar wuxuu ka qaatay qeybt Fisical Policy Unit lacag xadigeedu yahay $ 2000 ( oo boqolkiiba 20% ka mid ah ay bixiso wasaaradda maaliyaddu isla markaan waxuu ka qaataa sida shaqaalaha kale ee wasaaradda maaliyada mushaharkooda iyo gunno maaliyadeedkooda oo dhan 1,200,000 oo shillin Somaliland) waa taas cadaaladdii, daacadnimaddii iyo u sinaanta umadda oo dhan ee Eng.Maxamed Xaashi Cilmi.
Waxaa iyaduna xusid mudan in uu ka soo saxeexday Mr. Khadar wasiirka Maaliyadda Eng.Maxamed Xaashi Cilmi Xafiis Cusub oo aan ku jirin haba yaraatee qaad Dismeedka Wasaaradda Maaliyadda kaas oo toos u hoos tagaya Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda waxaana xafiiskaas cusub loogu magac daray Internal Auditing Unit ( kaas oo aad moodo inuu ka soo qaatay (4) qeybood ee ay ka kooban tahay Waaxda Kastamadu ee kale ah:
A. Qeybta Dakhliga (Cash Section).
B. Qeybta Tirakoobka Badeecadaha dalka soo galay ama ka baxay (Statistics Section).
C. Qeybta Cashuur Dhaafka (Free Duty Section)
D. Qeybta Hubinta iyo dabogalka nidaam raaca dakhli ururinta iyo kormeerka (monitoring, Evaluation, Checking Entries and Internal Auditing Section).
Isagoo ku doodaya ama ka dhaadhicyay in ay leeyihiin wasaaraddaha Maaliyadda ee aduunkuba taas oo aad moodu in uu ka soo maan guuriyay qoraalo lagu diyaariyay xafiiska fisical policy unit balse aad moodo in uu u fahmay si khaldan kaas oo ah in waax waliba yeelato Internal Auditing u gaar ah, oo ay ugu sareyso, qeybta xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dawladda ka tirsan oo isagu ah cida xaddidaysa Dakhliga iyo Kharashka Xukuumadda. Waxaa xusid mudan..
La soco Qaybta Sadexaad………!
Maxamed Ciise Samatar
Email: maxamedciises@yahoo.com
