February 27, 2011

Siraha Qarsoon Iyo Caddaalad Daradda Wasiirka Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi

Tan iyo intii  Wasaaradda Maaliyadda uu wesiirka ka noqday Mudane Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, waxa ay ku tallaabsatay Dedaal aad u ballaadhan oo ay sare ugu qaadayso dakhliga dawladda taasoo ah guul ballaadhan oo uusoo hooyey Wesiirka Maaliyaddu.

Hase ahaatee dhinaca kale haddii aynu ka eegno, muddadaas uu Eng. Maxamed Xaashi wesiirka ahaa waxaa iyaguna si weyn isu Soo taraayey dhaqamo aan wanaagsanayn iyo nidaamyo hor leh oo la yaab iyo fejicisaba ku noqday dhammaan Saraakiisha iyo Shaqaalaha wasaaradda, dhaqamadaasi qabyaaladda oo si Mutuxan oo bilaa gabbasho ah uga muuqata  Nidaamka maamul ee Wasiirka maaliyadda iyo kala jeclaysi beelaysan oo lagu soo kala dhawaysto Shaqaalaha wasaaradda, iyadoo aan loo eegeynin Aqoon, Karti iyo Daacadnimo midnaba.

Qormadan waa laga yaabaa inay Dadka qaarkii  u fahmaan inay Caadifad  qabiil sabab u tahay qoristeeda, ama arrimo kale oo danaha gaar la xidhiidhaba, laakiin Illaahay ayaan ka magan galay inay Xaalado ceynkaas ahi igu kellifaan. Wax kasta oo la sheego haddii aad u kuurgasho waxa hubaal inaad Xaqiiqada ogaan karto, aniguna in muddo ah waxaan isku hawlay inaan ogaado bal waxa ka jira arrimahan oo Wasiirka hore loogu sheegaayey intii uu Xilka hayeyba.

Haddii aan u soo noqdo Dulucda qormadan iyo dhacdooyinka yaabka leh ee sida isdaba joogga ah u soo mara Wasaaradda Maaliyadda (Miricale events), marka hore waxaa habboon inaan wax yar oo hordhac ah idinka siiyo Shaxda iyo Qaabka dhismeedka Wasaaradda Maaliyadda. (Ministrial Structure) Wasaaradda maaliyaddu waxay u qaybsan tahay Afar waaxood oo waa weyn oo kala ah:

1-Waaxda kastamada

2-Waaxda cashuuraha  beriga

3- Waaxda maamulka

4- Waaxda miisaaniyadda

Waaxaha (Depertments) ay fool xumada iyo qayladu ka taagan tahay, waxa ka mida labada Waaxood ee Dakhli arurinta ee kala ah Kastamka (Costoms Department) iyo Waaxda Cashuuraha berriga (Inland revenue Department).

Labadaas waaxoodba Wasiirka maaliyaddu waxa uu u dhaqay hab beelaysan oo aan habayaraatee wax qarsoodiya lahayn, gaar ahaanna Waaxda kastamada, labada qodob ee kala ah Qabyaaladda iyo Siyaasadda waa laba arrin oo si wayn looga ilaaliyo goobaha Dakhli ururinta, balse hadda labadaas qodob waxay tiir dhexaad u yihiin habka dhaqaale ururinta ee Wasaaradda maaliyadda ay ku shaqayso.

Waaxahaasi ay Wasaaradda maaliyaddu u qaybsan tahay waxa soo raaca Xafiis la aasaasay Sannadkii 2009-kii, kaasoo fikirkiisa, abuuristiisa iyo keenistiisaba ay lahaayeen labadii Wasiir ee Maaliyadda iyo Qorshaynta, xafiiskaas oo loogu talo-galay in wax lagaga beddelo Nidaamka maamul, Xisaabeed, Dhaqaale ururineed iyo Hanti dhawrba, kaasoo ay wada Maamulaan Hay’adda UNDP iyo Wasaaradda  maaliyadda oo si wada jira u qaybsada Lacagtiisa iyadoo Wasaaradda maaliyaddu bixiso 20%, halka ay Hay’adda UNDP-na ay ka bixiso 80% boqolkiiba Sideetan kharaashaadka ku baxaya Socodsiinta hawlaha loo aasaasay xafiiskan.

Waxa kale oo Xafiiskaas loogu tallo galay inay ka hawl-galaan Shaqaale ay aqoontooda iyo waayo-aragnimadooduba si aada u sarrayso, si loo sameeyo nidaam hufan oo adduunka la jaan-qaadi kara iyo Maamul wanaag ka fog qabyaaladda iyo wax isdaba marinta.  Xafiiskaas waxa la yidhaahdaa (Fisical Policy Unit), waxaana Madax ka ahaa Nin la yidhaahdo Dr Cumar oo u dhashay gobolka Awdal, isla markaana ay Ooryo walaal ahaayeen Madaxweynihii hore Mudane Daahir Rayaale Kaahin.

Dr. Cumar waxa uu horaantii Sideetamaadkii wax ku soo bartay dalka India, isagoo ka soo qaatay Shahaadadda PHD oo dhaqaalaha ah, Dr. Cumar intii dambena waxa uu ka soo shaqeeyey qaybo kala duwan oo ka mida Financial Institusions iyo Banks  kuwaasoo ku kala yaalla (Canada iyo dalalka Carabta qaarkood).

Wasiirka maaliyadda Eng.Maxamed Xaashi Cilmi, isla markii Wasaaradda maaliyadda loo magacaabayba waxa uu beddelay Dr. Cumar oo ahaa hoggaankii Fisical Policy Unitka, waxaanu  ku beddelay Ninka lagu magacaabo Khadar Maxamed Cabdi (Khadar Indho leeb) oo ay isku beel yihiin.

La soco…….

Maxamed Ciise Samatar

Email: maxamedciises@yahoo.com

Login