February 26, 2011

Xukuumadda oo Ku Kala Jabtay Gubashada Guryaha Iyo Dr. Gaboose oo Laga Reebay Gudi Loo Saaray Xalka Arrintaa!

Hargeysa (Harowo) - Shir ay maanta isugu yimaadeen xubnaha golaha wasiiradda oo uu gudoominayay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa si adag loogu qaada dhigay xaaladda dabka iyo gubashadda guryaha Magaalada Hargeysa oo si wayn u sii fidaya iyo xukuumadda oo ku kala qaybsantay qaabka loo waajahayo.

Sida ilo u dhuun daloola xukuumadu warbaahinta u sheegeen, waxa kulankaas lagaga dooday xaaladda, halka sidoo kale la iskula soo qaaday hadaladii iyo jawaabtii xukuumadu ka bixisay iyo cadhada shacbigu kaga jawaabay, sidoo kale waxa si adag loo naqdiyay hadalkii wasiirka arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo cadho wayn abuuray.

Arragtiyo kala duwan iyo dood dheer ka dib markii mudo lagu guda jiray ayaa la go’aansaday in la dhiso gudi xaqiiqo raadis ah oo sida wax u dhacayaan iyo habka loo xalinayo ka soo talo bixiya, kuwaas oo gabi ahaanba laga reebay Dr. Gaboose, waxaana gudiddaasi lagu adkeeyay inay xaqiiqo dhab ah ka keenaan arrintan waxa sababaya iyo sida loo xalin karo labaddaba.

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo isagu laba maalmood ka hor ka hadlay gubashada guryaha ayaa ku tilmaamay wax ujeedo kale laga leeyahay oo lagu gubayo cooshado iyo meelo aan cidi daganayn, hadalkaas oo si wayn uga cadhaysiiyay dadkii guryahoodu kaga gubteen dabka ee xaafadda New Hargeysa u badnaa, taas oo keentay in maalintii shalay mudaharaad xoog leh oo lagaga soo horjeedaa ka dhacaan xaafadaas.

Gubashada Guryaha ayaa wali sii socota waxaana maanta oo u danbeeyay magaaladda Hargeysa ku gubtay laba guri oo dad degan yihiin, kuwaas oo shuf beelay, khasaare balaadhana gaystay, xubno badan oo ka tirsan golaha wasiiradda ayaa ku tilmaamay hadalkii ka soo yeedhay Dr. Gaboose mid kicin ah oo shacbiga iyo dawladda iska hor keenaya, waxaanay ku baaqeen inaan Dr. Gaboose iyo cid ka tirsan xukuumadu ka hadlin arintan ilaa xog buuxda laga helayo.

Gubashada guryahan oo sii kordhaya ayaanay xukuumadu wax jawaab cad ah ka bixin marka laga reebo hadaladii ka soo yeedhay Dr. Gaboose oo si wayn loo saluugay, waxa kale oo shacbigu aad uga xumaadeen sida jilicda san ee aqoon darada iyo waayo aragnimo la’aanta muujinaysa ee xukuumadu uga jawaabtay xaaladan.

Isku soo wada duubo waxa magaaladda Hargeysa ayaa shacbiga ku dhaqani yihiin maalmihii ugu danbeeyay kuwo ku nool cabsi iyo warwer ka soo food saaray guryaha gubanaya ee cida gubaysa aan la garanayn, halka saluuga xukuumaduna noqday mid cirka isku sii shareeray maalmihii u danbeeyay.

Harowo Desk-news: Hargeysa, Somaliland

Login