February 26, 2011

Dhis Mustaqbalkaaga Qaybitii 5-aad: Go’aan Adag Iyo Samar Yeelo

Intiinii akhriday maqaalkii hore ee Yeelo qorshe cad. Waxaan kasoo hadalay qorshuhu wuxuu yahay, sida loo sameeyo qorshe cad iyo ahmiyada uu u leeyahay qofka iyo umad kasta. Maantana waxaan ka hadlaynaa inta lagu jiro fullinta qorshaha waxaa kaa hor iman doona dhibaatooyin badan oo aad kula kulmi doonto dariiqa guusha. Waxaan maanta wax ka iftiimin doonaa go,aan adayg iyo samir iyo doorka ay ka ciyaaraan xaqiijinta guusha.

Lous  Bastor wuxuu ahaa wiil ka dhashay qoys faqiira dhalashadiisuna waa faransiis. Waxbarashadana kuma fiicnayn aad buu u fahan adkaa. Macalimiintu waxay saadaaliyeen inuuna marnaba waxbarasho ku guulaysan doonin laakiin Bastor ra,yi kaa ka duwan ayuu naftiisa ka aaminsanaa wuxuu aaminsanaa inuu guulaysan karo. BASTOR wuxuu yidhi:  si aan guul u gaadho waa inaan sadex arimood la imaadaa Go,aan adag, sabir iyo shaqo joogto ah oo aan kala go,lahayn.  Waa inaan noloshayda sadexdaas arimood ku dhisaa. Isaga oo hadalkiisii sii wada wuxuu yidhi: “go,aan adayg albaabada adag baa lagu furaa mushkiladahana wuu fududeeyaa.”

Bastor isaga oo ka duulaya qodobadaas muhiimka ah ayuu hawlgal bilaabay cilmiga dhakhtarnimada ayuuna awooda saaray ugu danbayntii wuu ku guulaystay himiladiisii. Bastor wuxuu daahfuray talaal markii danbe ilaahay malaayiin dad ah oo dhiman lahaa ku badbaadiyay. Bastor dawlada faransiisku waxay u aqoonsatay halyay qaran wuxuuna ka tagay machad wayn oo cilmiga dhakhtarnimada lagu barto. Guusha uu gaadhay waxaa aas aas u ahaa waa go,aan adag sabir iyo shaqo joogto ah.

Bill gate maaha nin dadka ka caqli badan kana maskax badan laakiin wuu ka go,aan adkaa kana shaqo badnaa aroortii wuxuu toosi jiray afarta subaxnimo wuxuuna maalin walba shaqayn jiray in ka badan lix iyo toban saacadood mararka qaarkoodna habeenkii oo dhan xafiiskiisa ayuu joogi jiray. Dadka qaarbaa aaminsan in Nasiib wax lagu helo sidaa darted waxay sugaan waqtiga nasiibkoodu soo baxayo ee uu kiish lacaga u tuulayo laakiin waxaa  marag ma doon ah aan daahna saarayn in nin kasta oo guul gaadhay aanu nasiib ku helin  ee uu dadaal ku helay. Waxaa la ogaaday in qofba qofka uu ka dadaal badan yahay ka nasiib badan yahay. Nasiibku wuu jiri karaa wuxuuse dhacaa marar naadir ah.

Sheikh Ibrahim xarbi wuxu ahaa Caalim wayn oo climiga diinta meel sare ka gaadhay wuxuuna alifay kutub fara badan. Nin ayaa maalin waydiiyay oo yidhi sheekhoow sided waxan oo kutub ah u awooday intuu sheekhu cadhooday buu yidhi waa hilibkaygii iyo dhiigaygii  wuxuu u jeedaa waa dadaal joogto ah oo dhib badan aan la mutaystay oo aan habeen iyo maalin u soo jeeday. Dhalin yarta doonaysa inay mustaqbalkooda dhisaan waxaan kula talinayaa in hadii ay dhibi ka hortimaado aanay is dhiibin ee ay ahaadaan qaar positive ah aaminsan inay guulaysan karaan oo marka albaab xidhmo mid kale ay garaacaan. Ogaadana in dhibcaha biyuhu hadii ay si isdaba jooga ay dhagax ugu dhacaan ay ugu danbaynta dalooliyaan.

Ahmed ibnu Xajar oo da,diisu yartahay ayaa bilaabay inuu barto climiga xadiiska laakiin wuu fahmo adkaaday oo sida inamada kale ee ay isku ayniga yihiin uma xifdin karayn wuxuu qarka u gaadhay inuu quusto isaga oo heerkaas taagan ayuu maalin maalmaha ka mida booqday beer bustaan ah wuxuu dul fadhiistay ceelkii beerrtu lahayd indhihiisa ayaa waxay ku dhaceen dhagax wayn oo yaalay ceelka afkiisa kaas oo raad wayn oo muuqda ay waadaantii biyuhu u yeeshay. Isaga oo isla hadlaya ayuu yidhi hadii xadhigaa taagta darani uu raadeeyay dhagaxaas kuna raadeeyay celcelin badan iyo waqti dheer maxaan aniguna sidoo kale xiftiga xadiiska ugu celcelin waayay waqti dheer si aan u sugo.

Maalintaas ayuu go,aan adag qaatay ugu danbayntiina Ibnu Xajar waad garanaysaan heerka uu ka gaadhay cilmiga xadiiska iyo waxa uu kutub alifay. Sirta guushiisuna waa go,aan adag iyo samir iyo dadaal aan kala go’ lahayn. Nin gabayaaya oo carab ayaa gabay macnahiisu yahay yidhi: “ha moodin guusha midho aad si dhib yar u guranayso guusha gaadhi maysid ilaa aad samirka leeftid.”

Ninka caalimka ah ee Halton ayaa yidhi:  Daahfurka cilmi cusub  waa mid qof kasta u furan haba ahaado qof maskax adage maadaama uu samir iyo dhabar adayg leeyahay.
Tomm Addision,  wuxuu fashilmay 9999 jeer hadana isma dhiibine wuu sii waday halgankiisii marka uu tijaabo sameeyo ee uu ku fashilmaba wuxuu lahaa maantana waxaan ogaaday dariiqo kale oo aanay laambadu ku shaqaynayn wuxuuna galin jiray tijaabo kasta oo  fashilanta fayl si uuna waqti kale ugu lumin dariiqadaas mar danbe.

Gunaanadkii iyo gabagabadii, akhristoow waxaan ka faaiidaysanay darsigan duruus aad u qiimo badan oo hadii aan nolosheena ku dabaqno waxbadan ka badalays. Dib aan iskugu noqono oo aan is waydiino muxuu yahay Yoolka inta aan noolahay aan hiigsanayaa, Yoolkaas ma u dejisay qorshe cad oo aad raacdo si aad u xaqiijiso oo ma u diyaargarawday inta aad ku jirto fulinta qorshahaaga in dhibaatooyin badan ay kaa hor iman doonaan loona baahan yahay in lagaga baxo go,aan adag, dhabar adayg iyo samir.

Ogow akhristoow noloshu waa halgan waa tartan waa imtixaan waxayna sidaa u tahay cid kasta oo ilaahay abuuray oo uu naf galiyay. Libaaxa kaymaha ku nooli aroortii marka uu waagu baryo wuxuu ku talagalaa inuu wixii uu orod lahaa oo dhan u adeegsado sidii uu deero ama xayawaan kale u soo qabsan lahaa oo uu masruufka maalintiisa  u diyaarsan lahaa hadii kale oo uu orodkiisu gaadhi waayo deerada maalintaas wuu qadayaa hilibna heli maayo. Deeraduna sidoo kale aroortii way diyaargarawdaa sidii ay uga baxsan lahayd cadawgeeda uu libaaxu ka mid yahay hadii ay libaaxa ka dheerayn waydana nolosheedu waa halis.

Aduunyadan markaa tartarn baa lagu jiraa garo ama ha garane laakiin waxay u muuqataa in dadka badidoodu aanay laba socon tartankaa lagu jiro oo ayna awoodii ilaahay siiyay waxba ka adeegsan. Waxaabay ku jiraan ciyaar waxay fadhiyaan majaalista halaaga ee qayilka. Mudo aad u badan, sheekooyin aan aakhiro iyo aduun midna anfacayn ayay hayaan waxaabad moodaa in balan qaad buuxa ay haystaan oo aan waxba ka xumaanayn. Dadka noocaas ahi bulshada culays iyo dulsaar bay ku yihiin aakhiradoodana  khasaare ayay kaga sugan yihiin hadii aanay is daba qabatayn sida muuqatana libaaxa iyo deerada ayaa ka caqli badan waayo iyagu marnaba meel uun iskama fadhiyaan ee mid walba dadaal joogto ah ayuu ku jiraa sidii uu naftiisa u badbaadin lahaa.

Ilaahay waxwalba wuu karaa. Awoodiisu waxay ku jirtaa labada kalmadood ee ah kaafka iyo nuunka oo ah kun. Laakiin ilaahay Natiijo kasta oo uu doonayo inay timaado sabab buu ku xidhay. Oo caalamka wuxuu u dejiyay Qaanuunka la yidhaahdo sabab iyo natiijo. Cidii sababta la timaada uunbaa natiijo helaysa. Ninkii beerta uun baa goosta wixii aad beeratayna noociisa ayaad heshaa. Markaa dhalinyaroow fadhiga ka ka coo inta aad yartihiin wax qabsada. Aqoon yeesha marka hore hadana shaqaysta waqti lumiskana ka taga. Yool cadna samaysta  si aad u hiigsataan  habeenkiina ku seexda  aroortiina ku soo toosa  diyaarna u noqda dhib kasta oo kaa hor timaada hana is dhiibin waligiin 
Manta halkaa darsigu ha inoogu joogo Insha,alalh duruus kale oo qiimo leh ayaa ku xigi doonta.

Wabilaahi tawfiiq

Ismail Tukaale Cige

Email: tukale2001@hotmail.com

Login