February 25, 2011
Hoos U Dhaca Dollarka Maraykan Iyo Saamaynta UU Ku Yeelan Karo Nolosha Bulshada Somaliland
Guud ahaan dalka Somaliland tan iyo intii sarifka dollarka Maraykanka uu ku yimi hoos u dhaca kii ugu waynaa sanadahan ugu dambeeyay kaasi oo dhan 20%, waxa uu si toos ah saamayn ugu yeeshay guud ahaan nolosha bulshada Somaliland. Sida ku xusan warbixinta baanka adduunka bulshada Somaliland celcelis ahaan 90% waxa ay maalintii ku nool yihiin maalintii in ka yar hal dollarka Maraykanka ah (US $ 1.00).
Sida uu ruux kasta oo ku nool Somaliland xogogaalka u yahay, waxa aan muran ka joogin guud ahaan minceeshada nolosha bulshada Somaliland in ay ku salaysan tahay dollarka Maraykanka.
Hoos u dhaca qiimaha dollarka Maraykanku markii uu bilaabmay sanad badhkii ka hor waxa la saadaalinayay guud ahaan qiimaha badeecadaha kala duwani oo ay ku jirtaan minceeshada daruuriyaadka ah sida raashinka la quuto in ay hoos u dhici doonaan. Balse sida haatan cadaatay iska daa in uu dollar ahaan hoos u dhac ku yimaado qiimaha badeecadaha kala duwan ee dollar ahaan ayay cirka isku sii shareereen.
Arinta kale ee naxdinta lehi waxay tahay iyadoo heerka sarifka shilinka Somaliland iyo dollarka Maraykanka uu ku yimi hoos u dhacii ugu waynaa ee tan iyo 2000 lagu arko Somaliland lix bilood ka hor halka dollarka Maraykanku uu ka ahaa 6500 oo shilinka Somaliland ah waxa uu haatan marayaaa halkii US dollar waxa uu suuqyada Somaliland ka marayaa 5000 SL.SH.
Qoyska noloshiisu ku tiirsanayd US100 oo dibada looga soo diro waxa uu uu ku waayay hoos u dhaca dollarka Maraykanka lacag qiimaheedu dhan yahay US$29.5, tani waxa ay in qotada hoos u dhaca dollarka Maraykanu tahay 30%. US$100.00 ee Qoyskan noloshiisu ku tiirsan tahay hadda waxa uu u goynayaa kala badh wixii uu lix bilood ka hor u goynayay sababtoo ah waxa ganacsatadu kor u qaadeen qiimihii ay badeecadaha ku iibinayeen dollar ahaan.
Akhriste bal u fiirso, qiimaha badeecadaha kala duwani sida raashinka sharaabka, qalabka dhismaha, agabka xafiisyada iyo qalabka dacaytirka baabuurta marka aad u dhabo gasho majirto qiime ku kordhay suuqyada ganacsiga dunida sidoo kale xukuumadda Somaliland may ku kordhinin ganacsatadeena waxa cashuur ah.
Dhinaca kale, waxa jawaab waafi ah u baahan labadan su’aalood oo kala ah:
1. Yaa ku khasaare qabta hoos u dhaca dollarka Maraykanka iyo kor u kaca qiimaha dollarka Maraykanka ee daruuriyaadka sida raashinka la quuto,
2. Yaase faa’iido ku qaba.
Jawaabaha labadan su’aalood ayaan waxan filayaa anigu in ay sababi karaan in bushada iyo cidkasta oo danaynaysa nolosha shacabka Somaliland in ay xisaabtanto, markaan leeyahay xisaabtanto waxan u jeedaa in la fahmi karo halka ay sartu ka qudhuntay iyo xalka mishkaladan lagaga bixi karo.
Aan ku horeeyo jawaabta koowaad: cida kali ah ee khasaaraha ugu wayn ay la kala soo daristay ee ku khasaare qabta hoos u dhaca dollarka Maraykanka iyo kor u kaca qiimaha dollarka Maraykanka ee daruuriyaadka sida raashinka la quuto waa shacbiga intiisa ugu badan oo ku nool biilka qurbajooga Somaliland u soo diraan.
Sidoo kale waxa khasaarahan la wadaaga qaybaha bulshada ee ku nool kirada ay ka qaataan guryaha iyo meherada dhiska ah ee ay leeyihiin, sidoo kale khasaarahani waxa la wadaaga dadka musharka ku qaata dollarka Maraykanka sababtoo ah kirada guryaha magaalooyinka Somaliland ilaa hada may kordhin sidoo kale mushahaarooyinka dollarka Maraykanka lagu qaataa may kordhin.
Hadaynu jawaab u raadino cida ka faa’iiday hoos u dhaca dollarka Maraykanka iyo kor u koca qiimaha daruuriyaadka waxa ay noqonaysaa in ay yihiin dabaqada faa’iiday ganacsatada waawayn ee wax soo dajisa.
Gabogabadii waxa la saadaalinayaa in dhawaan lagu arki doono guud ahaan dalka kor u kaca xad dhaaf ah oo ku yimaada hantida maguuraanka ah sida guryaha iyo meheradaha kirada ah, kirada huteelada la seexdo, dhulka banaan ee iibka ah iyo guud ahaan qiimaha hantida maguurka ah. Balse dhinaca kale lagama yaabo xal ay heli karaan dadka mushaharka ku qaata dollarka Maraykanka iyo dadka biilasha ku qaataaba taasi oo ay kaga bixi karaan.
Qalinkii: Suleiman Ismail Bulaale
Email: xuquuq@gmail.com
