January 31, 2011
Xukuumadda Oo 30-Daqiiqo Si Dhuumasho ah Ugu Qabatay Wareegii Afraad Ee Ololihii Nadaafadda
Hargaysa (Harowo) - Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ayaa maanta qaab dhuumasho u eg ku qabatay wax loogu yeedhay ololihii nadaafada gaar ahaan wajigii afraad ee ololahaas, taas oo sida warbaahintu hore u baahisay ku beegnayd todobaadkii hore balse cudur daar la’aan xukuumadu uga luqun diinlaysay.
Dadwaynaha ku dhaqan magaaladda Hargeysa ayaa wakhti barqadii ah oo ay intooda xoogsataa ku guda jiraan shaqadoodi kuna sugan yihiin goobohoodi ay ka hawl galayeen mar qudha uu ka dul dayaamay cod baahiyayaal saaran baabuur kuwaas oo ku baaqayay in la iska xaadho qashinka oo laga wada qayb qaato maalinta ololaha nadaafada oo ah wareegii afraad.
Runtii waxay dadku markiiba su’aalo iska waydiiyeen waxa hore loogu sii sheegi waayay ee wacyi galintii hore looga sii dayn jiray warbaahinta ku dhacay iyo sababta duhurka cad loogu beegayo, dad badan ayaa u qaatay makarafoon tijaabo ah, manay jirin cid dhinacaa u dhaqaaqday, marka laga reebo ciidamada Asluubta oo iyagu meelo ka mid ah magaaladda gaar ahaan xaafaddaha dhinaca koonfureed ka fuliyay hawl galkaas.
Dhinaca kale masuuliyiinta xukuumada ayaan ka soo xaadirin meel laga wado hawshaas, manay ahayn mid sii socotay balse waxay ku ekayd qadar aan sodon daqiiqo ama saacad badhkeed ka badnayn. Qaar ka mid ah dadweynaha magaaladda Hargeysa ayaa meelo badan oo faras magaalaha ah isla dhex marayay in xukuumadu ka baqatay mudaharaadyo iyo kacdoon shacbi in uu ka dhasho ka dibna door biday inay si kootoro baanin ah u gasho barnaamijkaa ay iyadu hore ugu dhawaaqday isla markaana ka mid ka ahaa guulaha kooban ee ay ku faanto.
Dhinaca kale waxa si wayn looga wada yaabay ogaysiis la’aanta iyo xiliga lagu beegay bilowgiisa oo ah sideedii subaxnimo iyo soo gaba gabaynta deg deg ah. Ololahan qashin ururinta ah oo madaxweyne Siilaanyo ku dhawaaqay maalmihii ugu horeeyay xukunkiisa isla markaana wajiyadii ugu horeeyay dhamaan masuuliyiinta xukuumadu ka wada qayb qaadanayeen, waxa sida muuqata uu habac iyo kala daadsanaani ku timid markii ay soo baxeen warar sheegaya in xukuumadu ka cabsi qabto in kacdoon shacbi arintu isu rogto.
Harowo Desk-news: Hargeysa, Somaliland
