January 31, 2011

Raga Hargeysa U Baratamayoow Reerka Qaska Ka Daaya

Marka hore waxan salaamayaa saxaafada madaxa banaan. waxa aan jeclahay inan fikirkayga ka dhiibto sida aan u arko siyaasiyiinta gobolada AWDAL/SALAL iyo GABILEY iyo doorka ay ka ciyaaraan mar walba kala fogaynta iyo isku dirka beelaha walaalaha ah ee goboladaas wada daga. waxaa dhagaheena mar walba ku soo duula inay hargaysa u baqooleen raxan siyaasiyiin ah oo huwan magac qabiil iyo qaar kaloo ka daba baxay iyagoo ad moodo bisado waxoogaa yar oo cunto ah meel ka uriyay oo ku qamaamaya.

Waxaa jira koox siyaasiyiin ah oo cid walba leh oo danahooga gaarka ah mar walba meel kasta ugu dhaca iyagoon lahayn wax hadaf ah  iyo dan ay u hayaan qabiilooyinka ay u nasab sheeganayaan midna. Waa niman iyagu is dira iyagoon cidina diran ama beeli aanay meel u diran kuwaasi oo hadii ay wax ku helaan magacaa qabiil hargaysa iska fadhiista iyagoon dib u soo eegin dadkii ay ka dhasheen ee ay magacooda ku shaqo galeen.

Hadii ay wax ka soo waayaana reerka kula soo noqda tolaayeey iyo reer hebel ayaa xaqeenii hor taagan. waxase  nasiib daro ah inaaban la is waydiin su aasha ah horta yaa kuu dirtay hargaysa marka hore. Taasina mida ka sii daran ayaa waxa ay tahay in ay mar walba dadkaasi helaan dad u sacab tuma oo dal iyo dibadba jooga. Waxa ay aniga ila tahay horta in la is waydiiyo horta waxa meesha yaalaayi ma inoo qalmaa? mase yahay wax aynu maanta ku tartano oo aynu ku kala fogaano ?  miyayna ka muhiimsanayn inaan xaqeenii ku raadsano si dadnimo ku jirto? 

Waxaa dad badan oo indheer garad ahi ay ka yaabanyihiin ciyaarta meesha ka socota ee foosha xun taasi oo u danaynaysa cid kasta oo neceb in bulshada meeshaa ku nooli ay meel gaadho oonan haba yaraatee ree ADAL wax faa iido ahi ugu jirin.

Sidaa daraadeed waxan ku war galinayaa bulsha waynta ree ADAL inayna waxaa dhag u dhigin cidii siyaasad iyo mansab doonaysaana aanay isticmaalin magaca qabiilka ee ay tabahay donayan e kale ay u maraan.

Ugu danbayn waxan leeyahay beelaha walaalaha ah ee ree ADAL ha ka digtoonaadaan in wax aan micno lahayn lagu kala fogeeyo

Alaa Mahad Leh
 
Khaalid Xasan Aloore

Email: khaalid52@hotmail.com

Login