January 31, 2011
M/weyne kuxigeenka iyo Wasiirka Daakhiliga oo ay Deeradu Dhex-miranayso Kadib Markii uu M/weyne kuxigeenku Faro-galiyey Shaqadii Wasiirka Daakhiliga si uu Isugu Garaaco Beesha J/Yonis
Wasiir Gabboose oo Xoghaye Cusub u Magacaabay D/Hoose ee Boorama iyo Madaxweyne ku-xigeenka oo Buriyey. War uu helay Wargeyska “Yool”, ayaa sheegaya in Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici uu soo saarey qoraal uu ku burinayo Xoghaye cusub oo Wasiirka Daakhiligu u magacaabey Dawladda Hoose ee Degmada Gobolka Awdal. Majiro war si rasmiya shaaca uga qaadaya oo ka soo baxay Xukuumadda.
Haseyeeshee sida ay Wargeyska “Yool” u xaqiijiyeen Ilo-wareedo ku dhow-dhow labadan mas’uul, waxa muranka arintani ka dhashay ka dib markii uu Wasiirka Daakhligu Dr. Gaboose dhowaan u magacabay jagada Xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmada Boorama Nin lagu magacaabo Adan Muxumed Aaye.
Magacaabida qofka jagadaas buuxin doona sida wararku tibaaxeen markii hore labadan mas’uul ku heshiiyeen in Wasiir Gaboose aanu kaligii iska magacaabin cida buuxinaysa, hase ahaatee uu Madaxweyne-ku-xigeenka kala tashado ka hore inta aanu magacaabin. Haddaba iyadoo balantaasi u taaley labadan Mas’uul, ayaa sida wararku sheegeen waxa muranka qoraalada isburinaya soo baxeen kadib markii Wasiir Gaboose qalinka ku duugey magacaabista Xoghayaha cusub, isgoo aan haba yaraatee waxaba ka ogeyn Madaxweyne-ku-xigeenku.
Sidaas darteed uu Madaxweyne-ku-xigeenku markii uu ka war helay magacaabista Wasiirku sameeyey, isgoo aan wax talo ah ka siin ayaa sida wararku sheegeen waxa uu dhiniciisa ka qorey qoraal kale oo uu ku tir-tirayo magacaabista Wasiirka.
Haddaba, inkastoo talaabadani tahay inta la og yahay midii horeysay nooceeda ee laba mas’uul oo Xukuumadda ka tirsani isku dhaafsadaan qoraalo isku lidi ah, haddana waxa arintani muujinaysaa sida uu nidaamka beelahu uga xoog badan yahay sharciga, maadaama uu Wasiirka Daakhiligu yahay sharciyan ka isagu xaqa u leh magacaabida cida jagada qabaneysa, halka arinta Madaxweyne-ku-xigeenku ka tahay arin qayro sharciya, balse doodiisu tahay Gobolka aan u dhashay layma dhaafi karo.
Wargeyska Yool.
