January 31, 2011
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland (C/raxmaan Saylici), Ma U-la Kacbaa, Mise Waa Ka Awood Daro?
Waxay ahayd 27-July 2010, markii tallada dalka loo dhaariyey Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxmed Maxamuud [Siilaanyo] iyo kuxigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Cabdiraxmaan Saylici), taas oo guud ahaan dadku si weyn u soo dhaweeyeen, isla markaana u arkayeen inay tahay xukuummada ay hogaaminayaan masuuliyiintani tii ugu kal-soonida badnayd ee dadka reer Somaliland cod ku soo doortaan.
Taas oo dadweynaha Somaliland ay ugu hanweynaayeen inay kafeynayso ama ay daboolayso inta badan baahiyaha adeegyada asaasiga ah ee hoos u-dhaca weyni ka muuqday inay wax weyn ka qaban doonto.
Hadaba, haddii aynu intaa ku dhaafno sharaxaada gaaban ee aynu kor ku soo xusnay, waxaynu hore ugu sii socon doona nuxurka iyo Gun dhiga araarta maqaalkan, taas oo ah bal inaynu faaleyno waxyaalihii ka soo if-baxay muddadii lixda bilood ahayd ee ay talinaysay xukuummada cusubi Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo arrimihii uu ku guul-dareystay xalintooda oo ay ka mid ahaayeen:
Ciidamadii hubeysna ee ka soo degay Xeebta Galbeed ee Somaliland, gaar ahaan Marsada Buulacado ee u dhaxeysa Saylac iyo Lughaya bishii September 2010, ciidamadaas oo la sheegay inay ahaayeen ONLF tababar ku soo qaatay dalka Ereteria, kuwaas oo gaadiidkii ay ku soo talaabeen ay ee ay doonayeen inay Ethiopia ugu gudbaan ay lahaayeen xubno ka soo jeeda raaska madaxweyne kuxigeenka, waxa kale oo ka mid ahaa Gadhwadeenadii hogaaminayey ciidamadasi oo iyaguna ka soo jeeday raaskaas.
Waxa kale oo ka mid ahaa Taliyihii Ciidanka xeebta Galbeed Ina-Xudhuun oo isna ahaa isla raaskaas Madaxweyne kuxigeenku ka soo jeedo, oo xilkiisi ku waayey dhacdadaas, waxa isla xiligaas ka dhacay Gobolka Awdal, gaar ahaan Magaalada Boorame baaqyo iyo kacdoono is-daba jooga oo lagaga soo horjeedo Saamiga ay ka heleen reer Awdal Xukuummada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Taas oo ay ugu cad-cadaayeen ama ay hormuud ka ahaayeen hogaamiyo dhaqameedyo kala duwan sida Suldaamo cuqaal iyo wax garad kale oo u badnaa raaska madaxweyne Kuxigeenka, waxa kale oo isla wakhtigaas ka dhacay Magaalada Boorame koox hubeysan oo si badheedha duhur cad uga qaaday Ciidamadii bileyska Maxaabistii ku eedeysnayd inay Ciimada ONLF ee doonayey inay si qarsoodi ah u galaan Ethiopia ka kireysay Baabuurta, taas oo aanay ilaa imika jirin wax talaabo ah oo laga qaaday.
Hadaba, akhriste waxa cadaan ah marka arrimahaas oo dhan la isku soo uruuriyinay waxay ahaayeen,kuwo uu si badheedha uga cudurdaartay wax-ka qabashadooda madaxweyne Kuxigeenku, iyada oo loo arkayey inuu yahay qofka kaliya ee ugu fara dhuudhuuban ama ku haboon ee sida gaarka ah xil uga saaran yahay damintooda iyo qancinta beesha uu ka soo jeedo, isla markaana uu gacan adag wax kaga qabto ciddii ka danbeysay falalkaas qaran dumisnimo.
Hasayeeshe, waxa uu kaga jawaabay markii loo soo bandhigay xaaladahaas qalafsanee ka soo kordhay deegaanka uu ka soo jeedo Madaxweyne kuxigeenka Somaliland inuu yahay kuwo aanu waxba ka qaban Karin, isaga oo ku sababeeyey in haddii uu tago, meelahaas ay dhici doonto iska horimad iyo qulqulatooyin dhexmara beelaha isku heybta ah ee wada dega Gobolka Awdal ama
xukuummada iyo beelaha aynu kor ku soo xusnay ama ay iman karto dhibaatooyin soo foodsaata isaga laftigiia iyo ciidankiisa ilaalinaya.
Mustafe-Janaale
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Email: janaale94@gmail.com
