January 31, 2011

Laas-caanood Mudaharaadyo Culus Oo Gaadiid Boolis Lagu Gubay Oo Gilgilay Magaaladaas Iyo Xaalad Kacsan Oo Ka Jirta Degaano Kale

Laascaanood (Harowo) - Magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxa maanta ka dhacay mudaharaadyo rabshada wata oo dadka ku dhaqan magaaladaasi kaga soo hor jeedaan dagaaladda ka dhacay degaanka Baliga Kalshaale, kaas oo ay u arkaan in xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyadu dabada ka wado oo dagaal ka dhan ah dadka degaankaas ku soo qaaday.

Dadka mudaharaadayay ayay booliska isku dheceen ka dibna faraha la iskula tagay ka dib markii ciidamada boolisku damceen inay xoog ku kala dareeriyaan, isku dhacaasi wuxuu ugu danbayntii sababay in booliska laga xoog roonaado oo meesha laga saaro isla markaana laga gubo gaadiidkooda qaarkii.

Sidoo kale waxa halkaa ka dhacay khasaare dhaawac tira badan oo soo gaadhay dadka shacabka ah, dadkan cadhaysan oo ku dhawaaqayay Madaxweyne Siilaanyo ha dhaco, dawladda qabiilka ah ee burburinaysa umadu ha dhacdo, qabyaaladu ha dhacdo, waxay socod dheer ku mareen jidka badhtamaha magaalada Laascaanood.

Mudaharaadkan oo ku soo beegmay xili wasiiro ka socda xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay ku sugnaayeen magaalada waxa sida wararku sheegayaan uu heerkoodu gaadhay halkii ugu saraysay ee uu abid gaadho, waxaanay dadkaasi mararka qaarkood ku dhawaaqayeen ogolaan mayno degaamaynta tii Yuhuuda oo kale ah ee dhulkayaga lagu dajinayo beesha madaxweynaha.

Dadka ku dhaqan magaaladda Laascaanood oo beelahoodu degaan ahaana ku dhaqan yihiin Kalshaale ayaa xukuumada ku tuhunsan inay garabsiinayso maleeshiyada bariga Burco isla markaana waxay qaar ka mid ah mudaharaadayaashu sheegeen oo ay ku doodayaan in ciidamada Qaranku taageerayaan maleeshiyada beesha Bariga Burco, sidoo kale go’aankii Madaxweyne Siilaanyo degaankaas kaga dhigay soone Milatari oo degsiimada ka caagan ayay ku tilmaameen inay tahay taageero badheedh ah.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in la gubay hal gaadhi oo kuwa booliska halka kuwo kalana laga jajabiyay muraayadaha isla markaana waxa cidhiidhi la galiyay xarumaha dawlada, waxaana ka jiray ilaa caawa magaaladaas xaalad kacsanaan ah iyo dareen cadho xambaarsan oo shacbigu qabaan, taas oo sababtay in la keeno halkaas ciidamo tira badan oo amaanka suga.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumada Somaliland ayaa si deg deg ah ula kulmay duqayda iyo wax garadka degaankaas, waxaanu shirkaas oo aad u adkaa wasiirku ka sheegay inuu balan qaadyo badan ka keeni doono xukuumadiisa, isla markaana wuxuu ka aqbalay duqayda in deg deg loo sii daayo dadkii mudaharaadyadii maanta lagu qab qabtay oo tiradoodu ilaa 24-qof dhamaayeen sida wararku sheegayaan sidoo kale hudheelka wafdiga xukuumadu degan yahay ayaa lagu wareejiyay ciidamo badan oo hub cul culus sita.

Magaalada Laascaanood ayaa ahayd mid degan oo si wayn maamulka Somaliland ugu xidhan tan iyo intii ka danbaysay bishii febraury 2008-dii markii ciidamada somaliland gacanta ku dhigeen ee laga saaray maamuulkii Puntland waxaanay dadka ku dhaqan degaankaasi si wayn u taageersanaayeen siyaasadii xukuumadii madaxweyne Rayaale hasa yeeshee tan iyo intii xisbiga kulmiye taladda dalka la wareegay waxa ka jiray xaalad kacsanaan ah taas oo cirka isku sii shareertay wixii ka danbeeyay xiisada ka dhalatay muranka lahaanshaha degaanka Kalshaale iyo go’aankii uu madaxweyne Siilaanyo ka qaatay arintaas iyo waliba go’aankii ergadii dhex dhexaadintu ka soo saartay.

Harowo Desk-news: Laascaanood Somaliland

Login