January 30, 2011
Suldaan Cabdi Muuse Geelle, oo Ugu Baaqay Xuluumadda Siilaanyo Inay Wax Ka Qabato Maamulka G/Awdal Iyo Ka G/degaanka Boorama, oo Hada Curyaamay.
“Waxyaalaha ka dhacaya dawladda hoose waxa aabo u ah waa maayarka magaalada……” Suldaan Cabdi Muuse Geelle
Boorama (Harowo) — Suldaan Cabdi Muuse Geelle, kana mid ah salaadiinta G/Awdal, ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay dhaqaajiso maamulka G/awdal iyo kan G/degaanka oo uu ku tilmaamay “mid gebi ahaanba curyaansan, isla markaana anay ka jirin sharci iyo kala dambayn.”
Suldaan Cabdi Muuse Geelle, oo maanta la hadlay saxaafadda, ayaa sidoo kale ka hadlay sida ay u burburreen adeegyadii dawladda hoose ee Boorama dadweynuhu uga baahnaa, xaruntaasina ka dhammaan laadahay khilaafyo iyo isqabqabsi waxba laga qaban laayahay.
Suldaan Cabdiraxmaan Muuse Geelle oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “anigoo ka amid ah salaadiinta G/awdal xilbaa naga saaran umadda an hoggaamiyayaasheeda dhaqanka ka mid ahay. Ilaa maalintii xukuumadda cusub ee Axmed Siilaanyo qabsatay maamulka dalka, waxad mooddaa inaysan gobolkan awdal iyo Boorama arrimhiisa meel iska dhigtay, indhahana ka qarsatay waxyaalaha ka dhacaya. Waxa la hadalhayaa uun khilaafbaa jira, cidi kama shaqayso meeshii la odhan jiray dawladda Hoose, cid cid maqlaysaa ma jirto.
Hadii maanta lagugu xadgudbo oo ciddii xadgudubkaasi geystay ad istidhaa sharciga hor gee, ma jirto cid ad kaga dacwooto, sababtoo ah waxa lumay sharcigii iyo kala dambayntii, xukuumadduna way daawanaysaa. Shaqaalihii cashuurta qaadi lahaa ayaa la la’yahay, kii nabadgelyada iyo bilicda magaalada ka shaqayn lahaa ayaa la la’yahay, xaalkuna wuxu marayaa meel madhan.
Haddaba, iyadoo arrimhu afar bilood halkaa marayaan, ayaa waxa kasii daran sida dawladda Siilaanyo u daawanayso dhibta haysta dadweynaha Boorama ama gobolkaba ee anay tallaabo uga qaadayn masuulyiinta loo tirinayo dayaca maamul ee jira, iyadoo arrintaasina loo qaadan karo inaysan dawladdu danba ka lahayn gobolkkan iyo arrimhiisaba.
Khilaafyada iyo iskadaba wareegga dadweynaha waxa aabbo u ah maayarka magaalada Boorama, Cabdi Shide Bile, kaasoo haddii xilka lagu sii eego anay Boorama ka jirayn wax dawlad iyo maamul dawladeed la yidhaa. Shaqaalihii way go’een oo mushaar may arag bilo badan, welina xaalku wuu sii xumaanaya. Sidaa darteed waxa xukuumadda usoo jeedinayaa inay meesha ka saarto waxa la leeyahay waa gole degaan oo Boorama leedahay, dad waddaniyiin ah oo dalkan iyo dadkan u damqanayana la keeno .”
Hadalka suldaanka ayaa ka dambeeyey khilaaf dhinaca maamulka oo beryahaaba ka taagnaa xaunta G/degaanka Boorama, kaasoo u dhexeeyey xoghayaha dawladda hoose iyo maayarka magaalada, kaasoo inkastoo dawladda isku dayday inay xal u hesho ilaa maanta anay ka muuqan iskusoo dhawaashaha labadaa dhinac ee xuddubta u ah maamulka magaalada.
Maxamed Cumar Hyena - Boorama
