January 29, 2011

Xogo Muujinaya Qorshe Markii Ugu Horaysay Miiska Wada Hadaladda La Isugu Keenayo Somaliland Iyo Somaliya Oo La Helay

Hargeysa (Harowo) - Wargeyska madaxa banaan ee Hargeysa Star ayaa caddadkiisi maanta ciwaanka koowaad u qaatay xogo muujinaya qorshe Xukuumadaha Somaliland iyo Somaliya la isugu keenayo miiska wada hadaladda isla markaana lagu soo dhex dhigayo sidii labadda dhinac isula qaadan lahaayeen nidaam federaaal oo ay guudka kaga midaysan yihiin, hasa yeeshee dhinac walba ku yeelanayo maamul hoosaad u gaar ah.

Talaabadan oo noqonaysa tii ugu horaysay ee nooceeda ah iyo kulankii ugu horeeyay ee loo qorsheeyo in Somaliland oo dib ula soo noqotay xornimadeedu kula hadlayso xukuumad ka jirta magaaladda Muqdisho tan iyo sanadkii 1991-kii, haddaba wargeyska ayaa warkiisan u dhigay sidan:

Illo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyey in Waddammo ay ugu horreyso Denmark  ay wadaan in ay isu keenaan labada Xukuumadood ee Somaliland iyo Soomaaliya iyaga oo doonaya in ay ku qanciyaan in Nidaam Federal ah la dhex dhigo dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo ay muddo labaatan sano ah Somaliland gooni uga-taagnayd, isla markaana dhisatay nidaam dawladeed oo dhammaystiran oo leh Dastoor, Lacag u gaar ah, Golayaal, Xisbiyo siyaasadeed, qabsatayna afar doorasho oo qaarkood Madaxweynayaal isku baddaleen.

Dhawaan ayey ahayd markii uu booqashada ku tagay kana qayb galayay Shir Magaalada Madaxada Norway ee Oslo Wasiirka Arrimaha Debadda ee Dawladda Shariif Maxamed Cabdillaahi Oomaar, kaasoo ay ku weheliyeen Xubno  ay ka mid ahaayeen Nuur-Cadde Iyo Sahra Cali Samatar ayaa la xaqiijiyey in loo sheegay in aan Shir dabme oo dib u heshiisiineed la qaban doonin haddii ay ka maqantay Xukuumadda Somaliland, sidoo kalena la wado kulan  dhawaan magaalada Jabuuti ka dhici doona oo la isugu keenayo Wasiirrada Arrimaha Debadda ee Soomaaliya Somaliland iyo  Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar  Magaalada Jibuuti iyo Mr. Maxamed Cabdillaahi Oomaar.

Kulankaasoo la sheegay inay labada dhinac kaga wadahadli doonaan sidii loo diyaarin lahaa Nidaam Federal ah oo dhex-mara labada dal.

Warkan oo aannu ka soo xigannay Bogga Internet-ka ee Togaherer.com oo lagu baahiyey, waxa uu intaa ku daray in geesta kale Wasiirka ammuuraha dibadda ee dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyey in loo qaybsan doono Wax kasta laba qaybood oo ah Waqooyi iyo Koonfur. Waxa kale oo warku intaa ku sii daray in Wasiirka Arrimaha debadda ee dalka Denmark  ay la soo xidhiidhay Ruux uga qayb galay kulankaa Dawladda Denmark Ruuxaas oo ahaa Gabadh ka socotay Safaaradda Denmark ku leedahay Waddanka Kenya.

Gabadha ka socota Safaaradda  ayaa iyana taabsiiyey Qorshahan cusub ee la wado oo ay dabada Ka riixayaan Augustine Philip Mahiga oo ah u qaybsanaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa Xilli uu ka dhawaajiyey Augustine Mahiga in wakhtiga Dawladda TFG ay ku eeg-yahay bisha Siddeedaad ee Sannadkan 2011-ka. Sidoo kalena uu Masuul sare oo Ka tirsan Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye kana mida Masuuliyiinta Xukuumada Siilaanyo xililka ka hayaa ka dhawaajiyey in Ictiraafka Somaliland ku xidhan yahay Wadahadal toos ah oo lala galo Soomaaliya. “Ictiraafka Somaliland waxa uu ku xidhan yahay wadahadal lala galo dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya.” Sidaa waxa yidhi Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta Komishanka La-dagaallanka AIDS-ka Qaranka Somaliland (SOLNAC) Mr. Cabdikariin Axmed (Cabdikariin-Xinnif).

Haddaba,  arrinta is waydiinta lihi waxay tahay maaddaama oo uu Wasiirka arrimada dibadda dawladda TFG ee Soomaaliya ka dhawaajiyey in aan Somaliland lala simaynin dawlad-goboleedyada kale ee Soomaaliya ka jira, balse  loola macaamilayo sidii dawlad jirta, Fadaraalkana lagu galaayo sidii laba dawladood,  hadalladaa ma ka dhex muuqan kartaaa in u u jiro wadahadal hoose oo ka dhexeeya labada dawladood ee Soomaaliya iyo Somaliland?

Hadday arrintan la saadaalinayaa mid meel-mar ah noqoto maxay noqonaysaa jawaabta Masuuliyiinta Somaliland ay ku qancin karaan Bulshada reer Somaliland ee 97%-kiiba haa ugu codeeyey gooni-isu-taagga?

Sidee-bay-se suuragal u noqonaysaa maadaama oo beryahan aad loo soo dhawaynayey Somaliland oo bulashada caalamku kala boobaayeen, ma la odhan karaa arrintaasi waxay ahayd in lagu qanciyo arrintan ay wataan dawladaha reer Galbeedka iyo Qaramada Midoobay?

Arinta kale ee meesha ka dhex muuqataa waxay tahay sida Sudan loogu cadaadiyey in ay u aqoonsadaan dawlad madax-bannaan dhinaca Koofurta oo ka go’day, ma is leedihiin taa mid horjeedkeeda ah ayaa Somaliland ku soo socota oo ah in iyana lagu khasbo in ay Feddaraal la qaatan Koonfurta Soomaaliya?

Isku soo wada duuboo Iraadada Shacbiga iyo Doonista Dadweynaha reer Somaliland ee gooni-isu-taaggooda aqlabiyadda ugu codeeyey ayaa wax kasta Kow ka ah, isla markaana guusha go’aanka arrin kasta oo Somaliland ku meel-marayso ama kaga joogayso iska leh. Iyada oo Su’aalaha kor ku xusan mid kastaana sidaada suuragal u tahay inay hortimaaddo Somaliland iyo Shicibkeeda, haddana waxa lama dhaafaan ah go’aanka shacabka oo aan marnaba la iska indha-tiri karin.

Login