January 29, 2011

Xildhibaan Sheegay In Muranka Dhismaha Tiyaatarka Hargeysa Ay Salka Ku Hayso Laaluush Madax Xukuumada Ka Tirsani Ka Doonayaan Ganacsadaha Hirgalinaya

Hargeysa (Harowo) - Xildhibaan  Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-Dheere) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, kana mid ahaa Mudanayaal dhexdhexaadin ahaan u galay is af-garan-waaga Ganacsade Cumar Caydiid iyo Xukuumadda soo dhexgalay, oo Xalay Wargeyska HargeisaStar wax ka waydiiyey bal waxa uu kala socda waxa soo celceliyey muranka dhismaha Tiyaatarka oo muddaba dhawr jeer intii Xukuumadda Siilaanyo jirtay la hakiyey, ayaa sheegay inaanu jirin wax ka khadlan ama ka xun heshiiska Tiyaatarka ee ay kala sexeexdeen Xukuumaddii Rayaale iyo Ganacsade Cumar, hase-yeeshee, Xildhibaan Cabdiraxmaan-Dheere, waxa uu sheegay inay jiraan Rag Masuuliyiin ah oo qaarkood ka mid yihiin Guddiga uu Madaxweynuhu u saaray oo doonaya in Laaluush la siiyo.

Md. Cabdiraxmaan Cismaan Caalin, waxa uu ku dooday inay jiraan Niman Masuuliyiinta sarsare ee Qaranka Somaliland ka mid ahi ay caddeeyeen inay doonayaan in qayb laga siiyo dhismaha tiyaatarka, halka uu xusay inay jiraan kuwo kale oo iyaguna doonaya in la siiyo Lacag laaluush ah. “Ma jiro wax ka xun heshiiska Tiyaatarka Hargeysa ee ay wada galeen Xukuumaddii hore iyo Ganacsade Cumar Caydiid, waxaanu heshiiska Tiyaatarku la mid yahay heshiisyada tirada badan ee uu Maamulkii Daahir Rayaale ku iibisay Guryihii dawladda iyo dhulkii danta guud ee Caasimadda Hargeysa, mana jiraan heshiisyo kale oo ay Xukuumaddu dib u eegaysaa, sababta Tiyaatarka loogu dheggan yahayna waa dan gaar ah oo Masuuliyiinta Qaranka ugu sarreeya qaarkood doonayaan in loo fuliyo.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo xalay uu arrintaa wax ka weydiiyey Wargeysku.

Waxaanu intaa ku ladhay Xildhibaanku oo uu yidhi; “Markii hore waxa jiray in dad Meherado ku haystay wajahadda hore ee Tiyaatarku ay diiddanaayeen in laga raro, kuwaasna markii dhismuhu soo gaadhay wajahadda oo laga heshiiyey arrintooda oo waa laga raray, wax maanta ka taaganina taas ma jirto. Laakiin, cidda imaka joojisay dhismaha waa Madaxweyne ku-xigeenka, sababta loo joojiyeyna maaha arrin ku saabsan heshiis wax ka xumaadeen ee waa dano gaar ah. Waxaana jira Shuruudo horleh oo ay Rag Masuuliyiin ahi sheegeen haddii loo fuliyo in la fasaxayo sii socoshada dhismaha Tiyaatarka.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan (Caalin), oo la waydiiyey kuwa ay yihiin Masuuliyiinta uu sheegay inay shuruud ku xidheen sii socoshada dhismaha iyo nooca shuruudda, waxa uu ka cudur-daartay inuu sheego Magacyada Masuuliyiintaas iyo nooca shuruudda toona. Hase ahaatee, waxa uu sheegay haddii aan si dhakhso ah xal looga gaadhin inay Saxaafadda u soo bandhigi doonaan maalmaha soo socda.

Waxa kale oo uu Md. Caalin sheegay in haddii ay arrinta Tiyaatarku sidaa ku sii socoto ay sababi karto isku dhac, sidaa awgeed-na, loo baahan yahay inay Xukuumaddu xal dhakhso ah ka gaadho heshiiska aan wax ka khaldani jirin oo uu tilmaamay inay Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsani Isbaaro ku noqdeen.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dhawaan amray in la joojiyo dhismaha Tiyaatarka oo socday, taasoo sababtay inay toddobaadkii dhammaaday iska horyimaaddaan Booliska iyo dad ka soo horjeeda joojinta dhismaha Tiyaatarka oo tiraba marar badan oo kala dambeeyey soo noqnoqotay. Waxaanu Madaxweyne ku-xigeenku nabadgalyo ahaan hore ugu soo galay arrinta Tiyaatarka, ka dib markii ay qaar ka mid ah dad ku hor ganacsan jiray Tiyaatarka ay diideen inay ka guuraan, taasoo markii dambe guul laga gaadhay, isla markaana isfaham lagu dhammeeyey.

Illaa hadda lama garanayo waxa heshiiska Tiyaatarku kaga duwan yahay heshiisyada ay Xukuumaddii hore la gashay Ganacsatada reer Somaliland oo Guryo laga iibiyey, kuwo dhul laga iibiyey iyo kuwo heshiisyo lagula galay dhul Tiyaatarku ka mid yahay, iyada oo aanay jirin meel kale oo hakad la galiyey Tiyaatarka mooyaane.

Login