January 29, 2011
Hami Sare Yeelo: Dhis Mustaqnal Kaaga - Qaybtii 3aad
Waxaan wali ku guda jirnaa mawduucii ahaa inuu qofku hamigiisa kor u qaado Intiinii akhriday qaybtii labaad waxaan ka hadalay inuu qofku hami sare yeesho. Waxaan tusaale usoo qaadanay Tom Addison oo ahaa ninkii soo saaray laamabada laydhka iyo hamigiisii dheeraa oo ugu danbayn uu ku guulaystay. Waxaan maantana qaadanaynaa dhawr tusaale oo kale oo ka hadlaya dadka hamiga dheeraa iyo guulaha ay soo hooyeen.
Meeshu waa xaramka, waana kacbada horteeda waxaa isku yimid afar saxaabi oo kala ahaa cabdilaahi ibnu camri, curwa binu Zubair, muscab binu Zubair iyo Cabdilaahi Binu Marwaan oo taabici isagu ahaa. Muscab ayaa hadlay oo yidhi qof kastooy wax sheego. Adigu bilaw baa la yidhi. Muscab isaga oo hadalka bilaabaya wuxuu yidhi hamigaygu wuxuu yahay inaan ciraaq oo dhan madax u noqdo iyo inaan guursado sakiino oo ahayd gabadhii xasan binu cali iyo caasha bintu dalxa.
Waxaa isaguna hadlay Curwa binu Zubair oo yidhi aniga igu ogaada cilmiga fiqiga iyo cilmiga xadiiska oo aan meel sare ka gaadho. Waxaa isaguna hadlay Cabdilmalik binu Marwaan oo yidhi khaliifada muslimiinta ayaan doonayaa oo noqonayaa. Cabdilaahi ibnu cumar wuxuu yidhi anigu Janada ayaan doortay. Waxaa wax lala yaabo noqotay dhamaantood nin walba wixii uu sheegtay iyo dheeraad buu helay. Cabdilaahi ibnu cumarna insha,alalh janada wuu helayaa
Telefeshinka Arajantiin ayaa 1970kii waraysi la yeeshay wiil yar oo aan gaadhin sagaal sano kadib markii ay maqleen inuu wiilkan yari leeyahay xirfad ciyaareed oo aad u saraysa. Waxaa la waydiiyaa muxuu yahay hamigaagu inaad noqoto. Wuxuu ku jawaabay sadex jawaabood oo ka yaabisay wariyihii iyo dadkii daawanayba. Wuxuu yidhi;
1- Waxaan doonayaa inaa ka mid noqdo xulka qaranka ee Arjantiin
2- Waxaan doonayaa inaan koobka kubada ee caalamka la qaado
3- Waxaan doonayaa inaan noqdo ciyaartawga ugu fiican ee kooxdaa koobka qaaday
waxaa dhacday sandkii 1986kii kadib lix iyo toban sano in wiilkaa yari uu sadexdaa qodoba ku guulaystay. Akhristoow ma garanaysaa wiilkaas. Waa maradona
Goobtu waa Fasalka dhexdeeda waa ardayda dugsiga hoose waa maraykanka Macalinkii ayaa ardayda waydiinaya qof kasta waxa uu jecel yahay inuu noqdo mustaqbalka. Nin walba wax yidhi. Arday yar oo kazoo jeedaa qoys faqiira oo agoona ayaa hadlay wuxuu yidhi. Anigu waxaan doonayaa inaan noqdo madaxwaynaha dawlada caalamka ugu xooga wayn leh. Macalinkii wuu qoslay ardaydiina ka sii daran. Dadkii jaarka ayuu warku gaadhay iyaguna way la yaabeen damaciisa aadka u wayn ee khiyaaliga ah.
Inankaas yari wuxuu ahaa Bill Clinton. Oo aad wada garanaysaan inuu noqday madaxwaynaha dalka maraykanka oo waliba waqtigiisii uu ahaa waqti dhaqaalaha dalka uu aad kor ugu qaaday. dadka hamiga wayn leh had iyo jeer waa dad u fikira si ka duwan sida dadka caadiga ah ay u fikiraan. Dadka caadiga ahi inta badan waxay u fikiraan waxa indhohoodu arkaan laakiin dadkani waa dad hamigeedu ka sareeyo waxa indhahoodu arkaan. Waxay leeyihiin aragti dheer oo dadka caadiga ahi had iyo jeer way la yaabaan.
Magaalada Itanbuul ee aan garanayno ee Turkiga. Waxaa la odhan jiray barigii hore Qusdandiinaya waxayna ahayd magaalada madaxda kiristaanka. Muslimiintu wax badan bay ku dadaaleen inay furtaan laakiin way kari waayeen. Inkasta oo nabigu Scw uu umadiisa ugu bishaareeyay in la furanayo Qusdandiinaya. Maxamed Afaatix waa wiil yar cilmiga diinta islaamka barta. Sheekhii cilmiga barayay ayaa wiilka yar u sheegay xadiiskii Nabiga ee sheegayay in magaaladaa muslimiintu furan doonaan oo sida uu nabigu yidhi: Scw; Qusdandiiniya wad furan doontaan oo aad furandoonaan waxayna wanaag badan qaatay ciidanka furta waxaana Nimco leh Amiirka ciidankaa Wata.
Galabtii ayuu sheekhu wiilka yar kexeeyaa markaasuu sheeda ka tusaa magaalada
Wuxuu sidaa ku wadaba. Wiilka yar aabihiina marka dagaal jiro wuu kexeeyaa oo wuxuu geeyaa dagaalka si uu xaga danbe u joogo oo uu u daawado dagaalka dhacaya. Wiilka yar habeen iyo maalin wuxuu ku hamiyaa inuu noqdo ninkaa nabigu u bishaareeyay ee furanaya Qusdandiinaya. Wuu ku seexdaa oo uu kusoo toosaa.
Wiilkii yaraa wuxuu noqday hogaankii ciidamada Muslimiinta. Warqad buu u diray ninkii haystay magaalada Qusdandiiniya. Uu kaga codsanayo inuu magaalada soo dhiibo. Laakiinse arinkaa waa diiday. Wuxuu yidhi Maxamed Alfaatix: laba mid ayay noqon in Qusdandiiniya Qabrigaygii yaalo iyo in Carshigaygii yaalo jawaabtaasna waa u diray
Kadib dagaal buu ku qaaday kow iyo konton maalmood ayuu go,doomiyay magaalda mudadaasna dagaal joogta ah ayaa socday. Ugu danbayntii magaaladii qusdandiinaya gacanta ayuu ku dhigay bishaaradii nabigana wuu ku guulaystay. Umadii islaamka ahaydna guul wayn buu u soo hooyay ay mudo badan hiigsanayeen ilaa maantana wataa istanbuul ah dal islaama oo dadkeeduna muslin yihiin
Bill gate oo ah arday dhigta jaamacada fasalka labaad dad,diisuna tahay labaatan jir ayaa hamigiisa wayn isaga oo ka hadlaya wuxuu yidhi: anigu marka aan sodon jir noqdo waxaan ahaan doonaa millinoner guri kastana oo maraykana computerka waan galin doonaa. Laakiin Bill gate markuu sodon jir noqday ma noqon Millionere ee wuxuu noqday Billionare. Jaamacadii wuu ka tagay wuxuuna u halgamay sidii uu hamigiisa u xaqiijin lahaa. Wuuna ku guulaystay waanad ogtihiin inuu yahay ninka aduunka ugu lacag badan.
Gunaanadkii iyo gabagabadii, tusaalayaashaa kor aan ku soo sheegnay waxaan ka faaiidaysanaynaa in Hamiga sare uu yahay meesha uu ka bilaabmo halganka horumarku. Oo qof kastaaba uu ugu danbaynta noqdo wixii uu ku hamiyay. Taas macnaheedu maaha inuu hamiyo oo kaliya. Waa hami ay la socoto halgan dheer oo maraaxil badan maraya oo qodxo badan leh, laakiin hamigaa sare ayaa wax kasta oo dhib ah ilawsiinaya. Waxaa u muuqda maalinta uu xaqiijiyo hamigiisa farxada, rayn raynta iyo raaxada ka danbaysa.
Waxaa dad ugu liita ninka hamigiisu hooseeeyo oo aan wax damac ah lahayn. Horumar uu hiigsanayaana aysan jirin. Oo aan marna is waydiin aduunyadana maxaa lagugu xasuusan doonaa marka aad dhimato. Maxaad ku soo kordhisay. Waxaan aad ula dhacay hadal uu sheegay mid kamida culumada horumarka bulshada ku xeel dheer wuxuu yidhi waxaad xasuusataa maalinta aduunka lagaa sii sakootinayo ma waxaad noqon doontaa odaygii hebel wuu dhintaye inaga aasa oo dhawrka qof ee kuu xiga uuni ciida kugu rogaan mise janaasadaadu waxay noqon doontaa mid meel walba laga maqlo idaacaduhu sheegaan tvyaduna taariikhdaada ka sheekeeyaan.
Akhristoow ogow dhib nacaybka hore dhibaato badan baa ka danbaysa. Dhibta oo marka hore loo badheedhaadhan raaxo badan iyo guul baa ka danbaysa. Walaalayaal hamigeena kor aan u qaadno. Qof ahaan kor aan ugu qaadno, umad ahaan kor aan u qaadno. Oo aan damac wayn yeelano. Si aan guul u gaadhno.
Qaybaha kale ayaan insha,allah kusoo bandhigi doonaa qodobo kale oo muhiima oo ka hadlaya sidii aan mustaqbalkeena u dhisi lahayn.
Wabilaahi tawfiiq
Ismail tukaale Cige
Email: tukale2001@hotmail.com
